SUUQA KALA IIBSIGA: Arsenal Oo Heshiis Kala Gaartay Kooxda FC Basel Saxiixa Xiddiga Reer Masar Mohamed Elneny.

0
Saturday December 26, 2015 - 14:28:21 in Sports News by
  • Visits: 835
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SUUQA KALA IIBSIGA: Arsenal Oo Heshiis Kala Gaartay Kooxda FC Basel Saxiixa Xiddiga Reer Masar Mohamed Elneny.

    Arsenal ayaa heshiis kala gaartay kooxda Basel xiddiga khadka dhexe ee reer Masar Mohamed Elneny, sida ay qortay jariirada Daily Mirror. Waxaa la fahamsanyahay in waxa kaliya ee haray inay tahay inay heshiis shaqsi ah la gaaraan ciyaaryahanka iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arsenal ayaa heshiis kala gaartay kooxda Basel xiddiga khadka dhexe ee reer Masar Mohamed Elneny, sida ay qortay jariirada Daily Mirror. Waxaa la fahamsanyahay in waxa kaliya ee haray inay tahay inay heshiis shaqsi ah la gaaraan ciyaaryahanka iyo inuu Elneny maro tijaabada caafimaadka, waxaana heshiiska lagu dhawaaqi doonaa maalmaha ugu horeeya ee bisha Janaayo marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

Lacagta lagu heshiisyay waxaa la rumeysan yahay inay gaareyso 5 milyan ginni, waxaana ay sidoo kale u badan tahay inuu heshiiskaan noqon doono kan kaliya ee ay Arsenal sameyn doonto bisha Janaayo.

Xiddiga khadka dhexe ee Masar Elneny ayaana ah xiddig ku haboon Arsenal sababtoo ah waxaa lagu helay qiimo fiican, waxa uu leeyahay tamar fiican waxaana uu wacdarro u dhigay koxoda Basel oo uu ka caawiyay inay qabtaan hogaanka Swiss League.

Mohamed-Elneny-and-wenger-main
Laakiin Elneny ma ahan burburiye khadka dhexe oo booskiisa ku negaada, waxaana uu hanti fiican u noqon kara akooxda mudada dheer iyo weliba mudada gaaban inta uu Francis Coquelin dhaawac ku maqan yahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip