Wax Ka Barro Nolosha Mohamed Salah

0
Wednesday May 30, 2018 - 22:05:08 in Wararka by
  • Visits: 556
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax Ka Barro Nolosha Mohamed Salah

    Mohamed Salah Ghaly ayaa ku dhashay 15 June 1992 magaalada koonfur bari Masar ku taala ee Gharbia, waa ciyaaryahan kubada cagta ku xamaasha oo kasoo jeeda Masar una ciyaara kooxda Liverpool. Salah ayaa kasoo bilaabay xirfadiisa kooxda ka dhisan maga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mohamed Salah Ghaly ayaa ku dhashay 15 June 1992 magaalada koonfur bari Masar ku taala ee Gharbia, waa ciyaaryahan kubada cagta ku xamaasha oo kasoo jeeda Masar una ciyaara kooxda Liverpool. Salah ayaa kasoo bilaabay xirfadiisa kooxda ka dhisan magaaladii uu ku dhashay ee Mokawloon ka hor inta uusan ka dhaqaaqin sanadkii 2010kii.
Wuxuu ugu biiray Basel lacag aan la shaacin, isagoo kula guuleystay kooxda reer Switzerland horyaalka dalkaas, waxaan uu si shaqsi ah u hantay isla xili ciyaareedkaas abaalmarinta SAFP Golden Player Award.Salah ayaa soo jiitay kooxda Premier League ka dhisan ee Chelsea, oo uu ugu dambeyn ugu saxiixay heshiis 11 milyan oo ginni ah sannadkii 2014.Si kastaba ha ahaatee, xilli ciyaareedkiisii ugu horeyay kooxda ayuu la qabsan waayay taasoo keentay in amaah lagu siiyo kooxaha Serie A ee Fiorentina iyo Roma.

Salah ayaa ugu dambeyntii si joogta ah € 15 million ugu saxiixay kooxda ka dhisan caasimada Italy ee Roma.

Ka dib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ku soo bandhigay Rome, oo kaalinta labaad ka gashay Serie A , wuxuu u saxiixay Liverpool oo bixisay 36.9 milyan ginni.

Intii lagu guda jiray labadii sano ee uu joogay England, Salah wuxuu ciyaaray kubad dabiici ah, isagoo si dhakhso ah u noqday xiddiga ugu saameynta badan kooxda.

Waxa uu jabiyay rikoorka gooldhalinta kooxda, sidoo kale wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee ku guuleysta seddexda jeer abaalmarinta xiddiga bisha Premier League hal xili ciyaareed.

Wuxuu sidoo kale ku guuleystay abaalmarinta PFA oo ah ciyaaryahanka sannadka Premier League, halka sidoo kale uu noqday ciyaaryahankii hantay abaalmarinta gooldhalinta Premier League ee Golden Boot ka dib markii uu dhaliyay 32 gool 36 kulan oo horyaalka ah.

Xiddiga heerka caalamiga ee dalka Masar Salah ayaa usoo ciyaaray heer waliba oo dhalinyarada xulka ah, isagoo ku guuleystay biladda dahabka ee U-20 African Cup of Nations, waxaana uu ka qeyb galay ciyaarihii Olombiga ee 2012.

Waxaa la guddoonsiiyay abaalamrinta ciyaaryahanka Afrika kadib markii uu xulkiisa ka caawiyay inay usoo baxaan koobka Qaramada Qaarada Afrika 2017.

Wuxuu noqday gooldhaliyaha ugu sareeya xulkiisa intii lagu guda jiray ciyaaraha isreebreebka koobka adduunka taasoo ka caawisay inay u soo baxaan Masar Koobka Aduunka 2018.

Salah ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka sannadka Africa iyo ciyaaryahanka Africa ee BBC ugu wanaagsanaa sannadkii lasoo dhaafay.

Mohammed Salah wuxuu guursaday gabadha reer Masar ee lagu magcaabo Maggi sannadkii 2013, Waxay u dhashay gabar lagu magcaaabo Makka, sannadkii 2014kii.

Salah waa muslim Suni ah, wuxuu ku sujuudaa garoonka dhaxdiisa marka uu gool dhaliyo, waxaana uu leeyahay taageerayaasha ugu badan dunida islaamka.

Taaageerayaasha Liverpool qaarkood ayaa balan qaday inay soo islaami doonaan haddii Salah gooldhaliyo, halka sidookale dad badan oo caaan ka ah Britain ay dartiis u qaateen diinta islaamrka.

Salah waa shaqsi furfuran oo jecel saxaafada iyo taageerayaashiisa, waxaa lagu neynaasaa”King of Egypt” ama boqorka Masar.

Salah ayaa sannadkaan isku diyaaarinaya inuu xulkiisa kala qeyb galo koobka adduunka ee ka dhacaya dalka Russia, inkastoo dhaawac garabka ah uu kasoo gaaray kulankii ugu dambeeyay tartanka Champions League.

Weeraryahanka Liverpool waxay isku dhaceen daafaca Real Madrid Sergio Ramos intii ay soctay qeybtii hore ee ciyaartii Finalka Champions League.

WD: Xasan Cabdi Axmed




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip