Daahfurka Buugga Dagaaladii Soomaaliya & Itoobiya (1964 & 1977)

0
Wednesday May 30, 2018 - 21:44:07 in Wararka by
  • Visits: 684
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daahfurka Buugga Dagaaladii Soomaaliya & Itoobiya (1964 & 1977)

    Akademiyada cilmiga, fanka & Suugaanta ayaa maanta lagu soo bandhigay daahfurka buugga dagaaladii Soomaaliya iyo Itoobiya. "Waxaa la og yahay guud ahaan in taariikhda dal kasta ay ugu qiimo badan yihiin kuwa xiriirka la leh difaaca xornimad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akademiyada cilmiga, fanka & Suugaanta ayaa maanta lagu soo bandhigay daahfurka buugga dagaaladii Soomaaliya iyo Itoobiya. "Waxaa la og yahay guud ahaan in taariikhda dal kasta ay ugu qiimo badan yihiin kuwa xiriirka la leh difaaca xornimada & gobonnimada shacbi (dawlad) kasta, waayo noocaan dagaal waxaa ka qeybgala shacabka oo dhan, kuna bixiya DHIDID, DHIIG & DHEEF" sidaa waxaa yiri qoraha buugga Adm Gaas Prof. Faarax Axmed Cumar (F. Qare).

Sida uu qoruhu xusay waa buuggii koowaad oo dhanka Soomaalidu ay ka qorto taariikhdii dagaaladii 1964 & 1977 ee ka dhex dhacay wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya.

Buugga oo ka kooban 244 bog wuxuu si faahfaahsan uga sheekaynayaa labadaas dagaal, diyaargarowgii, guulihii iyo guuldarrooyinkii, meelaha Soomaalidu ku xooganayd iyo halka ay ka liidatay oo sababay jabkii danbe.

Hadalada i soo jiitey ee aan ku dhex arkay buugga waa kuwii ay yiraahdeen hogaamiyaashii dalka ee waqtigaas, waxaana ka mid ah:

"Si loo xoreeyo gobollada Soomaaliyeed ee maqan, waa inaan saxiixno go’aanka geerideena” AUN Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan.

"Gacan waan ku woodaynaa tan kalena waa ku dagaalamaynaa” AUN Raysulwasaare C/rashiid Cali Sharma’arke 1964.

"Waxaan doonaynaa inaan dhalinno qowmiyadda la yiraahdo (Soomaalis) oo midnimo, wax wada qabsi iyo wada noolaasho taam ah leh” AUN Madaxweyne Gen. Maxamed Siyaad Barre 24/10/1969.

"Kacaanku wuxuu fuliyey 12 qodob oo ka mid ah kuwii lagu qoray warqaddii koowaad , halka qodob ee dhiman waxaa laga sugayaa ciidanka qalabka sida in ay dhamaystiraan” Jaalle Ismaaciil Cali Abuukar 1/07/1976.

Dagaalkii ka dib:


"Ciidan ahaan waan guulaysannay laakin siyaasad ahaan ayaan u guuldarraysannay” AUN Sarreeye Guud Maxamed Cali Samatar, April 1978.

"Dagaalka annaga Soomaalida ah kaliya ayaa qorshaysanay fulinayna, laakin mid walaxa ayaa innaga fakatay: ma malaynaynin in Ruush iyo Amerika ay ka soo wada horjeesan doonaan qaddiyadeena” AUN Jaalle Maxamed Siyaad Barre oo cabiraya guuldarada dagaalkii waxa keenay ayaa sidaa yiri April 1978.

Waxaan dhiiragalinayaa in buuggaan ay aqriyaan aqoonyahanka Soomaaliyeed, la dhigo maktabadaha jaamacadaha dalka iyo kulliyadaha tababarka ciidankeena, ayagoo wax badan ka faa’ido doona, wax badanna ay ka kororsan doonaan.

aad ayaan ugu mahadcelinayaa qorahaa Prof Faarax Qare dadaalka iyo waqtiga uu galiyey soo uruurinta taariikhdaas dheer.

Axmed Mocalim Fiqi

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip