Taariikhda Nabi Muxamed CSW iyo mucjisooyinkii Ambiyada Allaha ka raalli noqdee

0
Saturday December 26, 2015 - 12:54:13 in Featured by
  • Visits: 11388
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 8 3
  • Share via Social Media

    Taariikhda Nabi Muxamed CSW iyo mucjisooyinkii Ambiyada Allaha ka raalli noqdee

    Nebigu wuxuu xanuunsanayey 18 maalmood oo ay Asxaabtu booqanayeen Xanuunkiisa, Xanuunkii ugu horreeyay wuxuu ahaa Madax-xanuun, habeenkii isniinta ee uu maalinkeeda dhiman doono ayaa xanuunkiisii cuslaaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nebigu wuxuu xanuunsanayey 18 maalmood oo ay Asxaabtu booqanayeen Xanuunkiisa, Xanuunkii ugu horreeyay wuxuu ahaa Madax-xanuun, habeenkii isniinta ee uu maalinkeeda dhiman doono ayaa xanuunkiisii cuslaaday. Sayid-Bilaal ayaa aadamay aadaankii salaadda subax wuxuu istaagay albaabka guriga Nebiga, wuxuuna yiri: (Assalamu caleyka yaa rasuululaahi) Faaduma ayaa tiri:

‘Rasuulkii Illahey nafsadiisa ayuu ku mashquulsan yahay, markii salaaddii cadaatay ayaa Sayid-Bilaal soo laabtay, wuuna salaamay rasuulka sidii hore oo kale, dhawaaqii Bilaal waxaa maqlay rasuulka wuxuuna yiri: ‘soo gal Bilaal’, waana soo galay Bilaal isagoo ooyaya Rasuulkuna (SCW) wuxuu yidhi Bilaalow xanuunkii ayaa igu cuslaatay ee ha tujiyo salaadda dadka Abuubakar Sadiiq. Bilaal waa baxay isagoo madaxa gacmaha saaranaya, asiga oo dhahaayo musiibo ayaa noo timid iyo ereyo kale oo la mid ah.

Masjidkii ay uu galay, wuxuuna Abuubakar ku yiri ‘Nebigu wuxuu ku amrayaa inaad salaadda tujiso’ Abuubakar markii uu arkay mixraabkii uu Nebigu (NNKH) istaagi jiray oo faaruq ah wuu hanan waayay nafsaddiisa waana la miir daboolay waana qeyliyay, muslimiintii oo dhanna wey qeyliyeen, qeyladii ayuu maqlay Nebigu (NNKH) wuxuuna weydiiyay gabadhiisa Faadumo wuxuuna yidhi ‘ Faadumoy waa maxay hugunka iyo sawaxanka yeedhaya?’ waxay tiri Faadumo ‘Muslimiintii ayaa Ooyeen markey ku waayeen’.

Rasuulku wuxuu u wacay Sayid Cali iyo Fadal Bin Cabaas, weyna garba galeen waxeyna geeyeen masajidkii salaaddii ayuuna ka bixiyay asxaabtii, salaaddii kaddib ayuu rasuulku (NNKH) la dardaarmay asxaabtii wuxuuna yiri: ‘Waxaan idiin dardaarmayaa oo aan idiinku sagootinayaa cabsida Illahay iyo inaad adeecdaan oo aad amarkiisa qaadataan anigu waan faaruqayaa (ka tagayaa) adduunyada, maantana waa maalintii iigu dambaysay adduunyada iiguna horreeysay Aakhiro’.

Intaa kaddib Nebiga (NNKH) waxaa la geeyey gurigiisa, Illahay ayaa u waxyooday Malakul-mowt wuxuuna yiri: ‘Hoobo (u tag) xabiibkayga (kaan jeclaa) Muxammad (NNKH) uguna tag suurad wanaagsan una naxariiso) marka aad ka qaadaysid nafta, markii aad u tagtid idan weydii, haddii uu kuu idmo u gal gurigga balse haddii uu kuu diido ha u galin, kana soo laabo’.

Malakul-mowt wuxuu u tagay Nabigeena Muxammad (NNKH) isagooo u eg nin reer Baadiyo ah, wuxuuna yiri: ‘Assalamu calaykum yaa rasuulalaah ma soo galaa?’ Faadumo ayaa la hadashay oo tidhi: ‘Ninyahow rasuulkii illahay wuxuu ku mashquulsan yahay Nafsadiisa’!! Malakul-mowt mar labaad ayuu ku celiyey salaantii, waxaana maqlay rasuulkii.

Rasuulka (NNKH) ayaa Faaduma ku yiri: ‘Ma garanaysaa ninka?’. Faaduma waxay tiri : ‘ Maya’ rasuulku wuxuu yiri: ‘waa ninka gooya macaanyaalka, kala geeya (kala wada) dadka is jecel, qaraabada guryaha, camira Qubuurta, ilmaha agoomeeya, naagahana carmal ka dhiga, waxaana la yiraahdaa Malakul-mowt’.

Faaduma markay ogaatay in ninku yahay malakul-mowt ayay ooyday, waxayna tiri: ‘ masiibo ayaa nagu dhacday, waxaana dhimanaya rasuulkii Illahay ee ugu dambeeyey ambiyada, waxaa naga go’ayaa wax’yigii samada ka imaanayey, waxaan weyneynaa hadalkii rasuulkeena, maanta kaddibna maqli mayno salaantii Aabahay.

Rasuulku wuxuu yiri: Faadumoy waxaad tahay qofka ugu horreeya ee aan is haleeleyno (isla kulmeyno)’ wuxuu kaloo rasuulku yiri:’ malakul’mowdow soo gal’ wuuna soo galay malakul’mowt, wuxuuna yiri. ‘Assalamu calayka yaa rasuullulaah’ rasuulkuna wuxuu yiri ‘wacalaykum assalam yaa malakul-mowt, ma waxaad iigu timid inaad i soo siyaarato mise inaad iga qaado nafta?’.Malakul-mowt wuxuu yiri:

"waxaan kuugu imid inaan ku soo siyaarto kaana qaado nafta haddii aad ii idinto, balse haddii aad ii idmi weydo waan iska noqonayaa! Rasuulku wuxuu yiri: ‘malakul-mowdow xaggee uga soo tagtay malakul-jibriil. Malakul-mowt wuxuu yiri:’waxaan uga soo tagay samada adduunyada’, isla markiiba waxaa yimid malakul-jibriil, wuxuuna fariistay Nebiga madaxiisa, wuxuuna rasuulku yiri: ‘miyaadan ogayn in amarkii dhawaaday? Wuxuu yiri:’waan ogahay rasuulkii Illaahayow’.Rasuulku wuxuu yiri: ‘ iigu bishaarey illaahay agtiisa waxa ii yaala oo karaama ah (wanaag ah)’.

Malakul-jibriil wuxuu yiri: ‘albaabada samada waa la wada furay, malaa’igtii illaahayna saf bay galeen iyagoo sugaya ruuxdaada, albaabadii jannada waa la wada furay’. Rasuulku wuxuu yiri: ‘iigu bishaaree siday ahaan doontaa ummadaydu maalinta Qiyaamaha?’.

Malakul-jibriil wuxuu yiri: ‘waxaan kuugu bishaaraynayaa Illaahay inuu yidhi: Jannada waan ka xarimay (u diiday) ambiyada illaa Nabi Muxammad (NNKH) galo, sidoo kale jannada waan ka xarimay ummadaha illaahay oo dhan illaa ay ummadda Nabi Muxammad ka galaan’. Rasuulkuna wuxuu yiri: ‘hadda ayuu diib noqday (wanaagsanaaday) qalbigaygu, igana suushay murugtii’. Rasuulku wuxuu yiri: ‘malakul-mowdow ii soo dhowow’. Malakul-mowt waa u soo dhawaaday naftii ayuuna ka jiiday illaa ruuxdii ka soo gaarto xudunta.

Rasuulku wuxuu yiri: ‘maxaa darnaan badiyey xaraaradda (xanuunka) mowdka’, wuxuu kaloo yiri: ‘malakul-jibriilow ma waxaad dhibsatay eegtaanka wijigayga?’. Malakul-jibriil wuxuu yiri ‘ Illaahay xabiibkiisiyow ayaa awood u leh inuu eego wajigaaga adigoo sakaraadaya’. Aanas Binu Maalik wuxuu yiri: ‘ Nabigu markay naftu kabaxaysay wuxuu lahaa: Waxaan idiin dardaarmayaa salaadda iyo wixii ay hanatay (milkisay) gacmihiinu.


Rasuulkii Illaahay wuxuu geeriyooday maalin isniin ah ee bisha rabiicul-awal ka mid ah, ama loo yaqaan mowliid. Haddii adduuniyo lagu baaqi yeelayo qof, waxaa la dayn lahaa rasuulkii Illaahay: Rasuulka waxaa dhaqay Sayid Cali, waxaa ku shushubayey biyaha fadal bin Cabaas iyo Usaama bin Zayd, waana la kafanay, aana lagu tukaday, waxaana lagu aasay gurigiisii ee qolka Caa’isha (RC,) habeen arbaco ah ayaana la aasay Suubanaha (NNKH.) fadlan: UDIR. (asxaabtaada) walaalahaagah muslimiinta ah: adigana ajir & xasanaad allaah kaa siiyo,aamiin aamiinmood Waxaa siirada ka qornay sheekh Muuse cadde qeer iyo xasanaad allaha ka siiye AAMIIN…AAMIIN.

sh.cumar sh.cumar1 sh.cumar2

Waxaa Diyaariyay:
Cumar Sheekh Muuse Cadde

xigasho: somaliweyn



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip