Cimrigaaga oo raago Ceeb ayuu Ku joojiyaa!!!.

0
Tuesday May 29, 2018 - 23:56:51 in Wararka by
  • Visits: 637
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cimrigaaga oo raago Ceeb ayuu Ku joojiyaa!!!.

    Qudus waa la heeystaa…..Cudur daar noqon meeyso, maxaan ka qaban karaa?.iima dhawa, Islaamku ma mideeysna, anagaa teenu na heeysataa. Halka yuhuudu dul taagan tahay waa Qibladaadii 1aad, waa mid ka mid ah saddaxda Masjid ee barakeeysan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qudus waa la heeystaa…..Cudur daar noqon meeyso, maxaan ka qaban karaa?.iima dhawa, Islaamku ma mideeysna, anagaa teenu na heeysataa. Halka yuhuudu dul taagan tahay waa Qibladaadii 1aad, waa mid ka mid ah saddaxda Masjid ee barakeeysan.

Waxaa u qorsheeysan in ay berrina Kacbada isku dul sawiraan, diyaar ma u nahay difaac mise shimbirihii Abaabiil ayaan sugeynaa. Ma ogtahay in somalidu mar ay kacbada ka difaacday Bortaqiiska, waa Abkoow yaashaadii kaa immaanka sareeyay.horaa loo yiri ( Dab dambasoow dhalaa).taas miyaa nagu rumoowday.

Waan ceeboownay cudur daarna ma lihin, cumrigeena oo raagay ayaa ceebtaa in aan u joogno na gaarsiiyay.ma banaan tahay in lagu duceeysto ceeb kale Allow ha i joojin, ee ka hor i oofso, waa Alcaful iimaan.

Bal talo keen Aduun la joogo ma jiro, Aakhira loo ordana lama soo sheegin.

Maxaan ku jawaabeeynaa, haddii Aakhara nala weydiiyo waajibkaa aan gudan weynay. Maxaan sameeynaa maanta?. Talaadaadu waa muhim ,in aad asiibto ayaa dhici karta, maan kaa maqan maskax walaalkaa ayuu ku jiraa, ayaa la yiri ee talo keen waa la ceeboobaye.



Qore: yahya Amir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip