Julen Lopetegui Oo Niyadda U Qaboojiyay Taageerayaasha Xulka Qaranka Spain

0
Tuesday May 29, 2018 - 09:38:49 in Wararka by
  • Visits: 523
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Julen Lopetegui Oo Niyadda U Qaboojiyay Taageerayaasha Xulka Qaranka Spain

    Macallinka xulka qaranka Spain ee Julen Lopetegui ayaa walaac daran ka muujinayay inta uu la ekaan karo dhaawaca soo gaaray dambeedka midig ee kooxda Real Madrid Dani Carvajal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Macallinka xulka qaranka Spain ee Julen Lopetegui ayaa walaac daran ka muujinayay inta uu la ekaan karo dhaawaca soo gaaray dambeedka midig ee kooxda Real Madrid Dani Carvajal.

Loptetgui ayaa ku farxay inuu xiddiggan heli karo kullankooda ugu horreeya ee koobka adduunka, ka dib markii ay dhaqaatiirta u xil saarnaa dhaawaca laacibkan ay xaqiijiyeen inuu taam u noqon karo billaabashada koobka adduunka.

Carvajal ayaa uu dhaawac kasoo gaaray muruqa bowdada intii ay socotay ciyaartii Final-ka Champions League ee kooxdiisa kula ciyaarta Liverpool magaalada Kiev, taasi oo shaki gelisay inuu awoodi doono inuu u ciyaaro xulka Spain koobka adduunka ee maalmo ka dib ka furmi doono dalka Russia.



26-jirka Real Madrid uga ciyaara dambeedka Midig ayaa diyaar u ah inuu safto kullanka ugu horreeya ee xulka qaranka Spain wajahi doono dhiggooda Portugal.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip