Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Real Madrid & Liverpool Ee Kulankii Finalkii Champions League-Xidigii Fashilmay Iyo Kuwii Kulankan Isku Muujiyay.

0
Sunday May 27, 2018 - 08:41:05 in Wararka by
  • Visits: 512
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Real Madrid & Liverpool Ee Kulankii Finalkii Champions League-Xidigii Fashilmay Iyo Kuwii Kulankan Isku Muujiyay.

    Real Madrid ayaa taariikh cusub u dhigtay kooxaha Yurub kadib markii ay 3-1 ku garaacday Liverpool ee ay markii saddexaad oo xidhiidh ah ku guulaysatay koobka Champions League. Liverpool ayaa waji gabax xun la kulantay qaybtii labaad ee ciyaarta iyad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid ayaa taariikh cusub u dhigtay kooxaha Yurub kadib markii ay 3-1 ku garaacday Liverpool ee ay markii saddexaad oo xidhiidh ah ku guulaysatay koobka Champions League. Liverpool ayaa waji gabax xun la kulantay qaybtii labaad ee ciyaarta iyada oo goolhaye Karius uu laba gool si qalad waali ah ugu sameeyay Karim Benzema iyo Gareth Bale.



Los Blancos ayaa ku guulaysatay koobka Champions League markeedii 13 aad laakiin Zidane oo noqday macalinkii ugu horeeyay ee intii magaca UEFA Champions League tartankan loo bixiyay saddex koob oo xidhiidh ah ku guulaysatay isaga oo waliba taariikh cusub u dhigay kooxdiisa Madrid.

Dhinaca kale Sergio Ramos ayaa noqday kabtankii ugu horeeyay ee koobka Champions league saddex jeer u gudoomay hal koox tan iyo wixii ka danbeeyay Franz Beckenbauer oo rekoodhkan dhigay sanadkii 1976 kii.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayntii ciyaartoyda labada kooxood ee kulankii finalkii Champions League ee magaalada Kiev ku dhex maray kooxaha Real Madrid iyo Liverpool iyada oo ciyaartoyda ay qaar ka mid ahi isku muujiyeen kulankan halka kuwo kale ay fashilmeen.

Xidigii Garoonka: Gareth Bale oo kaydka ka soo baxay ayaa noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa kadib markii uu noqday xidigii ciyaarta sida buuxda ugu go’aamiyay labada gool ee uu kooxdiisa Madrid u dhaliyay wuxuuna xidiga ree Wales magiciisa ku qoray taariikhda Madrid isaga oo bandhig cajiib ah ku sameeyay waqtigii uu Zidane garoonka soo galiyay.


Gareth Bale oo markii hore aan Zidane kalsooni kaga helin in uu shaxdiisa ku soo bilawdo ayaa isku muujiyay markii uu booska Isco buuxiyay wuxuuna ahaa xidigii goolka labaad ee Madrid hogaanka ku soo laabtay sida cajiibka ah u dhaliyay halka uu markale ka faa’iidaystay qalad uu Karius ku lahaa goolka saddexaad iyo kan labaad ee Bale.

Marcelo iyo Karim Benzema ayaa sidoo kale ah labada xiidg ee ciyaartoyda kale ee Real Madrid ugu qiimaynta sareeya waxayna isku mid yihiin Sadio Mane oo isna Liverpool u ahaa xidiga ugu shaqada badnaa laakiin ciyaartoyda kale ee labada kooxood ayaa qiimayn fiican helay marka laga reebo xidig ceebta ugu wayn qiimaynta ka helay.

Goolhaye Karius ayaa noqday xidigii ugu ceebta badnaa ee garoonka waji gabax kala bixi kari waayay wuxuuna qiimayntan ka helay 3 darajo oo kaliya kadib markii uu si buuxda koobkan ugu sahlay Real Madrid laakiin sidoo kale Lallana oo Salah booskiisa buuxiyay ayaa fashilmay si la mid ah Emre Can oo kaydka ka soo baxay oo aan saamayn yeelan.

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA LABADA KOOXOOD:

Real Madrid: Navas (7), Carvajal (6), Varane (7), Sergio Ramos (7), Marcelo (8), Modric (7), Casemiro (7), Kroos (7), Isco (6), Benzema (8), Ronaldo (6).

Badalkii: Nacho (6), Garth Bale (9), Asensio (6).

Liverpool: Karius (3), Alexander-Arnold (6), Lovren (7), Van Dijk (6), Robertson (7), Milner (6), Henderson (6), Wijnaldum (6), Salah (6), Firmino (7), Mane (8).

Badalkii: Lallana (5), Can (5).




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip