Lacag Ma Rabo Dhibanayaashii Adan yabaal

0
Saturday May 26, 2018 - 23:30:25 in Wararka by
  • Visits: 816
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lacag Ma Rabo Dhibanayaashii Adan yabaal

    Laba nin oo kala ahaa wiil iyo Adeerkii ayaa goor galab ah ceel xoola ka shubanayay meel Baadiya ah oo u dhaw Degmada Adan yabaal ee Gobalka Sh/dhexe, waxa u yimid Ciidamo badan oo Talyaani ah oo Gaadiid badan wata kana mid ahaa ciidamadii UNISOM ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laba nin oo kala ahaa wiil iyo Adeerkii ayaa goor galab ah ceel xoola ka shubanayay meel Baadiya ah oo u dhaw Degmada Adan yabaal ee Gobalka Sh/dhexe, waxa u yimid Ciidamo badan oo Talyaani ah oo Gaadiid badan wata kana mid ahaa ciidamadii UNISOM ee nabad illaalinta loo keenay 1992.

Waxa ay yiraahdeen, Markii aan u jeednay, waan la yaabnay, sida ay u egyihiin, weligeynana dad saan u cad cad ma arkin, Laakin howsheenii ayaan iska sii wadanay wax dareen ahna nama galin. Markii ay noo yimideen, Xoolihihii ayey naga dudiyeen iyaga oo iska ciyaaraya, Wadaantiina ceelka ayey nooga rideen.

Kadibna dhulka ayey nagu soo tureen, Xabaddaka ayey dhulka noo dhigeen, si xunna waa noo tumeen iyaga oo qoslaya, ma naqaan waxa ay sheegayeen, Juuni Caag ah ayey Madaxa noo galiyeen (FiiriSawirka 1aad), kadibna annaga oo xirxiran ayey Dusha nooga istaagayeen ( FS:2aad), kadibna Waxaa la isku xiray Cirbaheena iyo Garbaheena , Geed noo dhawa ayey naga soo raariciyeen, Geedka cayayaan badan oo saarnaa ( Quraansha guduud) ayey nagu soo dul shabiyeen, korkii oo dhana waa naga bar-barayay, hal mar ayey dhulka noo soo daayeen, nimman xoog badan ayaa dhusha nooga istaagay iyaga oo boodboodaya.


kadibna Baabuur Ciidan oo ah kuwa Qafilan ah ayey gadaal nooga xireen, muddana dhul dhagax ah ayaa baabuurkii nagu dul jiidayay( FS: 3,4aad). Markii ay naga tagayen dusha ayey nooga istaageen iyaga oo boodboodaya ,dhagxa waaweyna waa nagu garaaceen iyaga oo dhusha nooga tuurtuuraya. Annaga oo siddii u xirxirn ayey meeshii nooga tageen. Xilli dambe oo habeen ah ayaa dad socda meeshii naga soo qaadeen.( dhibaatadaa loo geeystay Labadaan nin waxaa qirtay Qaar ka mid ahaa ciidamada).
Waqtigaa kadib Adeerku wax howl ah ma qabsan, Feerihiisii ayaa qaar jajabeen, xanuun joogta ah ayuuna qaaday.
Aniga (yaxya) oo fadhiya Darbi aniga iyo saaxiibadeey aan Loows ku cuni jirnay " Darbiga Looska” intaan sugeeyno Salaadda Maqrib. Masjidka Shariif Dhagaweyne ee Isgooyska Maanaboolyo, ayaa mar kaliya waxa maskaxdeyda ku soo dhacday in aan raadiyo raggaa dhibaatada loo geeystay oo sheekadooda aan kaa aqriyay wargeeysyo caalamiya.
Saddax cisho kadib ayaan bilaabay in aan fekerkeygii Ficil u bedelo, inkasta oo aanan raja weyn ku qabin in aan Heli doono raggaa, aniga lafteeyduna waxaan Qax ku ahaa xaafada Shibis, dad bandanna ka ma aqoon.
Waa shaqadii iigu dhibka badneed, weligey degmada Adan yabaal ma tagin, meel ay ka joogaana ma aqoon, Wargeys Talyaani ah ayaa Sawiradooda soo qaatay. Sawiradii ayaan baafiyay, waxaan ku dhajiyay Xafiiska "SIS” hortiisa oo ku yiil isgooyska Maanaboolyo, bal haddi la helayo Qof aqoonsada.
Maalintii dambe nin ayaa aqoonsaday, waxaan u diray Adan yabaal in uu ii keeno si aan u hubiyo in ay iyaga yihiin, wuuna keenay, Labadooda Midkoodna weligii Xamar ma imaan, waxaayba la yaabayeen magaalada Xamar , waxaan Daawo feerood uga iibinay Farmashiye, Dhar magaalana "Huu dhaayda” ayaan uga soo gadnay.
Kadibna Gal dacwo ayaan u furnay, waxaana u sameeyay Passport Cabdalla Shidaay ah, Qareenadii iyo Dowlada Talyaaniga ayaan Visa u weydiiyay, markii hore waa diideen, laakin SaxaafadaTalyaaniga ayaan arrintii u gudbiyay, buuq badan ayey kicisay, Visa ayaa loo soo diray ,waxaana tagnay Rome- Talyaaniga.

Maxkamadi Talyaaniga horteeda ayaa Adeerkii yiri: weligey maalintaa nala jir dilay ka hor hal mar ayaan arkay Qof cadaan ah oo baabuur saran, wiilkiina waxa uu yiri: Nolosheeyda waxa ay aheyd markii iigu horeysay ee aan arko qof cadaan ah,waan maqli jiray in ay jiraan Gaala cad cad oo Jididka fasha, dadkana daaweysa.

Kiiskooda si fudud ayaa loo ogolaaday, Kadib markii Boliska Sawiradu xaqiijiyay ayna cadeeyeen in ay yihiin raggii saxda ahaa, kuwii dhiibka u geeystayna waa la aqoonsaday.
Mudadii aan joognay Talyaaniga ,waxaan cadeynay in raggan dambi laga galay, masuuliyadana ay leedahay Dowlada Talyaanigu, bacdamaa Ciidamada dhibaatada geeystay ay wateen Calanka Talyaaniga , waana la diiwaan galiyay Dacwadii, si haddii la helo Dowlad Somaliyeed oo xil iska saaree ay u yeelato raad raac iyo meel laga bilaabo dacwaddaas.

Dhibaatada aan kala kulamay kuwani, aad umabadneeyn dhinaca Dacwada, laakin dhibaatada iyaga aan kala kulmay ayaa aheyd iyaga oo wax kasta ay ku cusubyihiin, waxaayna ahaayen ragg adkeeysi badan waxaan xasuustaa 7dii cisho ee aan raashinka ka soonay iyagaa noogu adkeesi badnaa, inta badan cidlada kaligood waa u adkeeysan kareen, xatta qaboowga adkeeysi naga wanaagsan ayeey u lahaayeen.

Iyaga waxaa la dajiyay, Qayb degaan oo ka tirsan Isbitaal Ciidan oo ku yiil bartamaha magaalada Rome, laakin aniga kaligeey ayey i dajiyeen , Hotel ay degaan saraakiisha Talyaaniga iyo kuwa NATO, muddadii aan joogay Rome, mar kasta oo aan soo galayo ama ka baxayo Hotelka, Ciidanka iyo sarkaalka heeganka ihi waxa ay igu salaami jireen salaan ciidan, oo waxa ay ii maleeynayen sarkaal Sare oo ciidan ah Afrikakana ka yimid. Dhowr mar ayaan ku qabtay iyaga oo boorsadeyda ka baaraya Dokumenti.

Meeshaa la iima dajin Jaceeyl, waxa la rabay oo kaliya in dhaqdhaqaaqeyga la kontoroolo, iyo aniga iyo saaxibadeey in waqtiga intiisa badan nala kala fogeeyo. Laakin anigaa u imaan jiray oo 12- 16 saac ayaan la joogi jiray maalintii.

Wiilka iyo adeerkii isbedel ayaa ka muuqday, waxaan geeyay isbitaal si ay u helaan daawo, ma aamini Karin isbitaalada dowlada , mid gaar ahna kharajkiisa ma bixin Karin, waxaa arrintaa naga caawiyay Ururo Haween oo madax banana, Haddii aad fiiriso Dhaqanka Talyaaniga mar mar waxaad isleedahay, Raggu waa xaasidiin, laakin HaweenkaTalyaaniga ayaa naxariisu ku dambeeysaa, Xataa Amb. G. Cassini oo lidi nagu ahaa, Xaaskiisu mar kasta wey nasoo booqan jirtay, iyada oo naxariisi ka muuqato, welibana ku dhaliilee ninkeeda dhibaatada uu faraha la galay.

Waxaayna is barteen Labada nin ee Reer Adan yabaal,weliba Cabdulle ayaa fur furnaa, Fiiri Sawirka 5aad. Xaaska Danjire Casiini oo la joogto, Sawirka 5aad Ninka Geeska u xigu waa Adeerkii ,waana isla ninka Sawirka 1aad ee Juunigu Madaxa ugu jiro, ninka ku xiga ee noo dhaxeeya aniga iyo Xaaska Amb.Cassini waa wiilka ka muuqda Sawirka 2aad ee dhusha looga taaganyahay. Isla sawirka lixaad ayaad ka arki kartaa Labadoodii iyo Aden Abuukar oo aan hore uga soo hadalnay oo wada jooga qolkii aan cuntada uga soonay, ogow cunta ka soomidda biyuhu kuma jirin, mar marna kii liita Qaboojiyaha noo gaarka ah ayaan u diri jiray, waxaanse ka soonay cuntada aan xaqa ugu laheeyn Talyaaniga haddii ay noo keenaan.
Qorshaha aanTalyaaniga ku tagnay waxa uu ahaa ugu badnaan 7 cisho, laakin dhulmigii Talyaaniga ayaa na gaarsiiyay 30 cisho ka badan. Maalin kasta waxa ay i dhihi jireen Labadoodu halkaan naga wad, kalkii xoolaha la shubi lahaa waa na dhaafay, dad ayaana uga soo tagany, waqtigii beera abuurka Adan yabaalna waa la gaaray, beeraheena cid noo tacbee ma jirto, ugu yaraan shan Loor oo Masaga ah oo noo soo go’ laheyd ayaan khasaareynaa haddaan daahno.
Xogaa Lacag ah ayaan u soo qalqaaliyay, waxa ay yiraahdeen Lacagtan ma naqaanee 5 Loor oo Masaga ah ma noo gooysaa, waqtigii tacabka beeruhu waa na dhaafee, waxaan iri midkiiba waxa ay u gooysaa in ka badan 100 Loor ama xoolo ayaad ku gadan kartiin Xamar ayaadna ka sarifan kartiin, Av. Ducaale ayaa Lacag kale siiyay kadibna Xamar ayaan ku soo celiyay, waxaan keenay Dubai oo aan ka soo saaray Dayaarad Xamar u soo socotay, bacdamaa ay deg deg sanaayeen anna 10 cisho ay ii dhineeyd , ninkii markii hore ii keenay oo ay qaraabada ahaayeen ayaan la soo xiriiriyay, , isagii ayaa Garoonka Balidoogle oo markaa shaqeynayay ku soo dhaweeyay, kadibna deegaankoodii ayeey u sii gudbeen, Dib dambena iskuma arag.


Sawirada wiilka iyo adeerkii

 
 
 
 
 
Qore: Yahya Amir


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip