Ciyaarta Finalka Horyaalka Yurub ee Liverpool iyo Real Madrid

0
Saturday May 26, 2018 - 19:24:25 in Wararka by
  • Visits: 644
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaarta Finalka Horyaalka Yurub ee Liverpool iyo Real Madrid

    Waxaa soo dhowaanaya waqtigii loo balamay in ay dhacdo ciyaarta sida weyn loo dhararayo ee ay isaga horimanayaan kooxaha Liverpool iyo Real Madrid iyadoo ciyaarta ay ka dhacayso garoonka NSC Olimpiyskiy Stadium magaalada Kiev ee dalka Ukraine.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa soo dhowaanaya waqtigii loo balamay in ay dhacdo ciyaarta sida weyn loo dhararayo ee ay isaga horimanayaan kooxaha Liverpool iyo Real Madrid iyadoo ciyaarta ay ka dhacayso garoonka NSC Olimpiyskiy Stadium magaalada Kiev ee dalka Ukraine.

Ciyaartan ayaa waxaa ay tahay mid si weyn loo hadal hayay maalmihii la soo dhaafay, waxaana koobkan oo labadii sano ee ugu dambeysay ay ku guuleysatay kooxda Real Madrid ayaa kooxda Liverpool waxaa ay dooneysaa inay ka hor istaagto in ay sadexeysato.

Codeyn loo sameeyay ciyaarta caawa



Xiriirka UEFA ayaa codeyn ka sameysay barteeda twitter-ka taasoo ah ciyaarta finalka ee Liverpool iyo Real Madrid ay caawa ciyaarayaan.

Codeyntaanwaxaa ka qeyb qaatay 186,779-qofood kuwaas oo labada kooxood u kala codeeyay, waxaana codadka ugu badan helay Liverpool oo 56% heshay, halka Real Madrid ay heshay 44%.

Habka codeynta markaan raacno, Liverpool ayaa noqotay kooxda ay taageerayaasha kubadda cagta ee UEFA ku xiran u saadaaliyeen iney ku guuleysaneyso koobka UEFA Champion League ololahaan.

Sidoo kale dhawaan ayey aheyd markii UEFA ay si qalad farsamo ah ugu daabacday website-keeda in Liverpool ay tahay kooxda ku guuleysatay koobka horyaalada yurub, inkastoo markii dambe laga saaray.

Ciyaaryahanada laga yaabo in caawa ay ciyaaraan

SHAXDA MACQUULKA AH:

Real Madrid: Navas; Carvajal, Varane, Ramos, Marcelo; Casemiro, Kroos, Modrić, Isco; Ronaldo, Bale

Liverpool: Karius; Alexander-Arnold, Van Dijk, Lovren, Robertson; Henderson, Milner, Wijnaldum; Mané, Firmino, Salah

Ammaanka Magaalada Kiev oo la adkeeyay

Xarumaha tareenamada magalaada Keiv ee dalka Ukraine ee kala ah Dnipro, Hydropark, Livoberezhna, Arsenalna iyo Heroiv Dnipra ayaa la xiray ka dib markii ay soo baxday casbi la xiriirta inay yaalaan waxyaabo qarxa.

Boliiska dalka Ukraine ayaa dadka ka saaray dhamaan shantaas xarun tareen si loo baaro cabsida bambaanooyin ee halkaas ka jira, waana talaabo ka hortagis ah oo ay boliiska sameynayaan, inkastoo xarumahaan aysan u dhaweyn bartamaha magaalada ama goobaha ay isagu imaanayaan taageerayaasha kooxda Liverpool iyo Real Madrid.

Amaanka magaalada Kiev ayaa ah mid si weyn loo adkeeyay iyadoo caawa ay halkaas isku arkayaan kooxaha Real Madrid iyo Liverpool finalka koobka kooxaha horyaalada Yurub.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip