Bahda Ciyaaraha Jowhar oo cabasho ka keenay garoonka kubbada cagta oo qabuuro noqday
"Waxaan ka xunahay in garoonkii ciyaaraha haatan uu noqdo qabuuro,suuq iyo qashin qub dhalinyaradii ciyaarahana ay bilaabaan inay tahiirbaan.”ayuu yiri Xasan Sheekh Ibraahim oo ka mid ah bahda ciyaaraha magaalada Jowhar.
Sidoo kale bahda isboortiga degmada Jowhar ayaa waxaa ay ku eedeeyeen wasaarada dhalinyarada iyo isboortiga Dowlada Federalka inaysan indho u lahayn ciyaaraha gobolka Sh/dhexe waxayna sheegeen in wasaarada isboortiga Hirshabelle ay macalimiinta tababarayaasha ay ka xushaan magaalada Muqdisho.
Bahda Isboortiga magaalada Jowhar ayaa waxa ay ugu dambeyntii ugu baaqeen maamulka gobolka Sh/dhexe iyo kan dowlad goboleedka Hirshabelle inay tixgeliyaan cabashadooda ayna wax ka qabtaan xadgudubka loo geysanayo garoonka kubbada cagta ee magaalada Jowhar.
Garoonka kubbada cagta magaalada Jowhar ayaa ahaa garoon lagu ciyaaro tartamada heerka koowaad ee dalka xilliyadii dowladii hore ee Siyaad Barre iyadoo kooxda SNAI oo markii dambe loo bixiyay Sancada ay ku ciyaari jirtey garoonkan.
Sanad walba oo bisha Ramadaan lagu qaban jirey magaalada Jowhar tartamo kubbada cagta ah ayaan sanadkan aysan ka dhicin wax tartamo ah sababo la xiriira roobabka iyo garoomada oo aan dayactir helin.
Bahda Ciyaaraha Jowhar oo cabasho ka keenay garoonka kubbada cagta oo qabuuro noqday
Bahda ciyaaraha degmada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe ayaa cabasho ka keenay garoonka ugu weyn magaalada Jowhar oo lagu aaso meydadka carruurta ku geeriyootay magaalada.Garoonka Shongole Stadium oo ku yaal xaafada Kulmis ee magaalada Jowhar ayaa la bila