HORDHAC: Real Madrid vs Liverpool, Cayaarta Finalka Champions League

0
Saturday May 26, 2018 - 08:52:40 in Wararka by
  • Visits: 511
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HORDHAC: Real Madrid vs Liverpool, Cayaarta Finalka Champions League

    ( Champ' League ) 26 Maajo 2018.Real Madrid iyo Liverpool ayaa isku fara saari doona garoonka NSC Olimpiyskiy Stadium ee malaada Kiev finaalka Champions League kal cayaareedkan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

( Champ' League ) 26 Maajo 2018.Real Madrid iyo Liverpool ayaa isku fara saari doona garoonka NSC Olimpiyskiy Stadium ee malaada Kiev finaalka Champions League kal cayaareedkan.


Naadiga Madrid oo ku guuleystay tartanka labadii xagaa ee lasoo dhaafay ayaa dooneysa inay hanato markii seddaxaad oo xariir ah,

Liverpool ayaa tartanka ugu soo baxday xagaagan isreeb-reeb waxayna markii u horeysay muddo 11 sanaa kadib soo gaareen finaalka koobka kooxaha yurub iyadoo rajeynaya inay koobka qadaan 13 sano kadib tan iyo guushoodii u dambeysay ee 2005-tii.

Oyeysiiska cayaarta

Tartanka: Champions League

Waqtiga: 09:45 pm saacada geeska Africa

Garsooraha: Milorad Mazic ( Serbia )

Garoonka: NSC Olimpiyskiy Stadium

Wararka labada kooxood

Klopp ayaa u sheegay saxaafada shirkii jaraa’id ee Kiev inaysan jirin wax dhaawaca ka hor tababarka u dambeyay ee Liverpool.

Ma ahan wax la yaab leh oo ku aadan shaxda koowaad, iyadoo la filayo in James Milner uu dib ugu soo laabto kadib dhaawac yar uu qabay.

Klopp ayay u badan tahay inuu doorto Dominic Solanke iyo Danny Ings booska u dambeya ee badalka.

Sababtoo ah xiddiga qadka dhexe ee Emre Can, kasoo aan cayaarin ilaa bartamihii bishii march, ayaa la filayaa inuu noqdo kedka kadib markii uu kasoo kabtay dhaawac dhabarkaa.

Maku bilaaban doonaa Gareth Bale shaxda Real ?

Weeraryahanka Wales ayaa ahaa badal labadii kulan ee afar dhamaadka tartanka ay wajaheen Bayern Munich.

Bale ayaa isku dayaya inuu ku guuleysto markii afaraad koobka Champions League tan iyo markii uu usoo dhaqaaqay Spain shan sano ka hor.

Zidane ayaa sido kale go’aansanaya hadii uu weerarka la cayaarayo Karim Benzema xiddiga Cristiano Ronaldo, kasoo 15 gool ka dhaliyay kal cayaareedkan koobka Champions League – wuxuuna shan gool dheer yahay Mohamed Salah.

XIDDIGAHA GO’AAMIN KARA CAYAARTA

Xaqiiqooyinka cayaarta

Klopp ayaa rajeynaya inuu noqdo macalinkii afaraad ee Liverpool ku hogaamiya hanashada koobka European Cup ama Champions League kadib Bob Paisley (1977, 1978 iyo1981), Joe Fagan (1984) iyo Rafael Benitez (2005).

Laakiin waa mid nasiib xun sababtoo ah waa laga adkaaday shantii finalka ee u dambeysay, waxaana kamid ahaa qasaaradii 2013 uu finaalka Champions League kala kulamay Bayern Munich isagoo leylinayay kooxda Borussia Dortmund.

Real ayaa isku dayeysa inay noqoto kooxdii u horeysay tan iyo Bayern Munich intii u dhaxeysay 1974-1976 ee ku guuleystaa tartanka seddax sano xariir ah.

Guuldaradii u dambeysay ee Real Madrid kasoo gaartaa Finalka Champions League waxay kala kulmeen kooxda Liverpool sanadkii 1981-dii marka oo looga adkaaday 1-0.

Liverpool ayaa shabaqeeda ilaashatay lix cayaar tartanka xagaagan – Ma jirto koox kale oo sidaas sameysay.

Kooxaha Spain ayaa ku guuleysanayay lixdii koob ee lasoo dhaafay oo ay wajaheen naadiyada England taasoo uusan ku jirin koobka Uefa Super Cup.

Ronaldo ayaa dhaliyay goolasha ugu badan ee finaalka Champions League waana mid uu kaga badan yahay laacib walba wuxuuna ka dhaliyay afar gool.

Ma jiro cayaariyahan u cayaara Liverpool ee horay kaga soo muuqaday finaalka Champions League ka hor xagaagan.

Milner ayaa sameyay sideed cawinaad kal cayaareedkan tartanka Champions League waana xiddiga ugu caawinta badan isagoo heysta fursay uu ku sameyn karo rikoor cusub oo koobka kooxaha yurub ah hadii uu gool caawiyaa kulanka caawa.

Safafka macquulkaa ee kooxaha Real Madrid vs Liverpool.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip