Xaqiiq Hubin: Gardarada xagay ka socotaa, Ma dhanka Somaliland mise Puntland? #Tukarraq

1
Saturday May 26, 2018 - 01:04:38 in Wararka by
  • Visits: 801
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaqiiq Hubin: Gardarada xagay ka socotaa, Ma dhanka Somaliland mise Puntland? #Tukarraq

    Waa kuwa soo noqnoqday dagaallada iyo qulqulatooyinka ka socda Gobolka Sool ee u dhexeeya Jamhuuriyadda iskeed isku caleemasaartay ee Somaliland iyo Maamulka Puntland ee lugna Soomaaliya kula jira lugta kala na bannaanka dhigtay si uu asna iskiis isk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa kuwa soo noqnoqday dagaallada iyo qulqulatooyinka ka socda Gobolka Sool ee u dhexeeya Jamhuuriyadda iskeed isku caleemasaartay ee Somaliland iyo Maamulka Puntland ee lugna Soomaaliya kula jira lugta kala na bannaanka dhigtay si uu asna iskiis iskugu caleemasaaro haddii Somaliland aqoonsi hesho.

Dhibaatadaan oo soo jiitamaysay tan iyo markii la aas aasay maamulka Puntland 1998 hadda waxay maraysaa meeshii ugu xumayd oo dhiig badan ayaa ku daadanaya uu ugu dambeeyay kii shalay ka dhacay Tukurraq.

Ka hor 2007, Sool iyo Sanaag, gaar ahaan Sool waxaa markii hore ka talin jiray maamulka Puntland balse October 2007 ayaa Somaliland la wareegtay kadib dagaal muddo kooban socday.

Sababaha Somaliland u fududeeyay in ay Sool la wareegto waxaa ugu waynayd, Gen. Cadde Muuse (AHN) oo talada Puntland la wareegay ayaa is afgarad hore la lahaa Somaliland.

Cadde Muuse oo degganaa dalka Canada ayaa go’aansaday in Cabdullaahi Yuusuf (AHN) Puntland kala wareego. Cadde waxaa uu tagay Hargaysa iyo Berbera wuxuuna Maamulka Somaliland ka soo dhaadhiciyay in uu Somaliland gudeehda ciidan ka qorto kuna tababaro, sidoo kale uu hub kala soo dego dekadda Berbera.

Somaliland way ogolaatay Cadde na halgan iyo jabhadayn aan waqti dheer socon kadib wuxuu heshiis la gaaray Cabdullaahi Yuusuf heshiis kaas oo ugu dambayn ku fariisid Cadde dhexfariisiyay aqalka madaxtooyada ee Garoowe. Markii Somaliland Laascaanood qabsatay Gen. Cadde Muuse wax dhaqdhaaq ah oo wayn ma uusan samayn.

Waxaa intaas sii dheer, Somaliland inta aysan weerarka ku qaadin Laascaanood Daahir Rayaale uu la socday Wasiirkiisi Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale (Cawil) waxay socdaal ku tageen Addis Ababa oo uu kula kulmay Meles Zenawi. Ku darsoo Hotelka Rayaale iyo Cawil deggenaayeen waxaa degganaa Gen. Cadde Muuse iyo Cabdirasaaq Jurile oo ayaguna la kulmay Meles Zenawi. Intaas anigoo cuskanaya waxaan oran karaa Cadde iyo Rayaale way isku ogaayeen go’aanka Laascaanood Somaliland ku tagtay.

Somaliland iyo Puntland markasta waxay u midaysnaayeen in ay fashiliyaan maamul kasta oo labadooda ka madaxbannaan oo ka dhasha Sool iyo Sanaag. Xasuuso SSC, KHAATUMO ONE IYO TWO.

Basle taas macneheedu ma ahan in labada maamulka heshiis ku yihiin cidda leh ama maamulaysa Sool iyo Sanaag. Mid kasta gaarkiisa ayuu u sheegtaa in uu asagu leeyahay Sool iyo Sanaag. Somaliland waxa ay ku doodaysaa in Sool iyo Sanaag ka mid yihiin dhulkii Soomaaliyeed ee Ingiriisku gumaysan jiray sidaas darteed ay ayagu leeyihiin halka Puntland ku doodayso in Sook iyi Sanaag ay degaan beelo Harti ah sidaas darteed uusan Isaaq xaq u lahayn in uu maamulo dhul Harti ayadoo maamul Harti (Puntland) jiro. Su’aashu waxay tahay midkee run sheegaya? Midkeese horor ah? Hoose ha akhriso jawabta.

Maxaa la isku haystaa?

Waxaa la isku haystaa Gobollada Sool iyo Sanaag.

Waa maxay Sool iyo Sanaag?

Sool iyo Sanaag waa labo gobol oo ka mid ah 18 gobol ee Soomaaliya ahayd ka horta inta aan lagu kala saacin.

Kala yaacii ka hor Sool iyo Sanaag ma Puntland bay ka mid ahaayeen mise Somaliland?

Hagaag, Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee la unkay July 1960 waxay ka koobnayd 8 gobol, kuwaas oo 6 (J/Hoose, J/Sare, Banaadir, Hiiraan, Mudug, iyo Majeerteeniya) ahaayeen Soomaalidii Koofureed halka 2 (Gobolka Hargaysa iyo Gobolka Burco) ahaayeen Soomaalidii Waqooyi. Sool iyo Sanaag waxay ka mid ahaayeen gobolka Burco ee Soomaalidii Waqooyiga.

Kadib maxaa dhacay?

Isla xilliyaadaas lixdameeyadii ayaa labadii gobol ee waqooyiga magacdii laga beddalay loona bixiyay Waqooyi Galbeed iyo Togdheer. Sidoo kale waxaa magicii laga beddalay Gobolkii Majeerteeniya oo loo bixiyay Waqooyi Bari maantana ah Bari iyo Nugaal.

Dabadeedna?

Dabadeed dawladdii Kacaankii Jaalle Siyaad ayaa gobolkii Togdheer 3 u kala jartay; Togdheer, Sool iyo Sanaag.

Sababtu maxay ahayd ay Dawladdii Kacaanku Togdheer u kala goysay?

Nidaamkii Jaalle Siyaad waxaa dhaqan u ahayd in qabiilada dawladda taageersan uu dhul iyo xilal sare ugu abaalgudo si uu maamulkiisa cagaha ugu sii adkeeyo. Sidaas awgeed ayuu Dhulbahante iyo Warsangeli u siiyay Gobollo ay ku badan ku yihiin halka Togdheer Isaaqu ku tiro badnaa.

Haye, iiwad sheekada

Maxaan kuu wadaa? Sow anigaas kuu dhameeyay.

Waar yaa gardaran labada maamul?

Hagaag, Somalilans waa khaldan tahay

Oo sidee ku khaldan tahay?

Haddii xeerarkii gumaysiga la cuskam karo markii horeba laga ma xoreebeen xorriyadna looma dagaallameen ee gumaysiga ayaa la isaga hoos jiri lahaa. Haddii xeerarkii gumaysiga la cuskan karo Shabeeladda Hoose K/Galbeed la ma raacsheen, Sh/Dhexe na Hiiraan lagu ma callaaleen Muqdisho na maqaam la’aan ma ahaateen.

Marka ma Puntland baa saxan oo laga gardaran yahay ayaad leedahay?

Maya, haddii haybnimo iyo isir dal iyo dad lagu heli karo Soomaaliya ayaa Kililka Shanaad iyo NFD heli lahayd. Dadkaan isku qabiil baa nahay oo dawlad hebla ayaa gumaysata hadddii dhul lagu ballaarsan karo soomaaliya ayaa ku ballaarsan lahayd.

Intii u dhaxaysay 1960-1978 madaxdii soomaalidu waxay geed dheer iyo mid gaaban u fuuleen sidii ay adduunka uga gadi laahaayeen Itoobiya iyo kenya ayaa dad soomaaliyeed gumaysta. Marka maxamad Siyaad Barre horfadhiisti madaxdii Ruushka iyo Jarmalkaboo intuu xabbad sigaar ah baf ka siiyo ku yiraahdo "waxaa tihiin dad Afrikaanku abaal uga hayaan taageeradii aad u fideen xilligii gobonimo doonka, laakiin dadka Soomaliyeed ee Itoobiya gumaysato abaalkaas waan idinka sugayaan.” Ninka cadi wuxuuba ka xanaaqaa in nin madow gumayste lagu sheego. sidoo kale Soomaali iyo Itoobiyaan geeska Afrika ku nool ayaa isgumaysta ayuu laqi la’yahay, ma aaminsana in nin madow wax gumaysan karo ama gumaysan yaqaan.

Madaxdii soomaalidu ma aysan fahmin kalmadda gumayste inkasta oo Itoobiya wax gumaysi ka daran kula kacdo shacabka soomaalida haddana way adag tagay in aad nin afrikaan ah ama cad ka dhaadhicisid Itoobiya ayaa soomaali gunaysata. Waxaan taas la mid ah Puntland inay ku andacooto Somaliland ayaa Sool iyo Sanaag xoog ku haysata. waa sheeko bac qafiif la isku la xirxiray.

Hadda ma waxaad i leedahay Cali gar leh Caydiid na gar leh?

Maya, ee Isku soo wada duub su’aasha ah yaa gardaran waa xaajo miliqsan.

W/Q; Cali M. Diini



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip