Tartan lagu maamuusayo guddoomiyihii hore ee xiriirka kubbada cagta Sh/dhexe oo ka furmay Jowhar (Sawiro)

0
Friday December 25, 2015 - 22:19:19 in Sports News by
  • Visits: 864
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tartan lagu maamuusayo guddoomiyihii hore ee xiriirka kubbada cagta Sh/dhexe oo ka furmay Jowhar (Sawiro)

    Tartan kubadda cagta oo lagu maamuusayay guddoomiyihii hore ee xiriirka kubbada cagta gobolka Sh/dhexe Allaha u naxariistee Marxuum Xasan Maxamed Cabdi(Kumaari) ayna ka qeybgalayaan 19 koox ee heerka koowaad ah ayaa ka furmay magaalada Jowhar ee gobo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tartan kubadda cagta oo lagu maamuusayay guddoomiyihii hore ee xiriirka kubbada cagta gobolka Sh/dhexe Allaha u naxariistee Marxuum Xasan Maxamed Cabdi(Kumaari) ayna ka qeybgalayaan 19 koox ee heerka koowaad ah ayaa ka furmay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

Duqa magaalada Jowhar Shiikh Saalax Muudey Cali ayaa si rasmi ah u furay tartankan waxana uu ugu baaqay kooxaha ka qeybgalaya in ay ilalaiyaan anshaxa ciyaaraha ayna soo bandhigaan ciyaaro farsamo iyo asluub leh.

"Aad ayaan ugu faraxsanahay in tartankan lagu maamuusayo marxuum Xasey Kumaari aan ka goobjoog ka noqdo furitaankiisa, waana in la ogaadaa in shaqsiga wax u qabta bulshadiisa aan marna la hilmaami doonin,”ayuu yiri duqa magaalada Jowhar Shiikh Saalax Muudey Cali.

Xoghayaha xiriirka kubbada cagta gobolka Sh/dhexe Mudane Cali Hilowle oo ka hadlay munaasabada furitaanka tartankan ayaa sheegay in tartankan uu ka duwan yahay kuwii hore maadaama uu ku soo beegmay iyadoo dadweyne faro badan ay isaga kala imanayaan gobolada dalka si ay ugaga qeybqaataan shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Cabdi Cumar Soomane oo ka mid ah ruugcadaaga ciyaaraha ee gobolka Sh/dhexe ayaa ka sheekeeyay taariiqdii uu lahaa allahana u naxariistee Xasan Maxamed Cabdi, waxana uu ku tilmaamay inuu ahaa nin bulsho ah dadka oo dhana ay aad u jeclaayeen.

Sidoo kale waxaa furitaanka tartankan ka hadlay Guddoomiyaha xirirka kubbada cagta degmada Jowhar Yuusuf Xaamud Jaras waxana uu sheegay in tartankan uu si gaar ah xusuus ugu leeyahay maadaama uu waxbadan la soo shaqeeyay allaha u naxariistee marxuum Xasan Maxamed Cabdi.

"Aniga koobkan si gaar ah ayuu saameyn igu leeyahay waayo kooxdii ugu horeysay ee aan u ciyaaray sanadkii 1985tii guddoomiye ugu horeeyay ee koox aan u ciyaaray.”ayuu yiri guddoomiyaha xiriirka kubbada cagta degmada Jowhar.

Ciyaartii u horeysay ayaa waxaa lagu furay kooxaha Al Furqaan iyo Heegan iyadoo labada koox ay soo bandhigeen ciyaar aad u qurux badan dadkii u soo daawasho tagayna ay jecleysteen.Gabagabadii ciyaarta ayaa waxa ay ku dhamaatay iyadoo kooxda Heegan ay ku badisay 1-0.

Tarankan ayaa ah mid dadweyne badan ay u soo daawasho tageen iyadoo dadkii daawaday ciyaartana ay jecelysteen qaab ciyaareedkii labada koox ay soo bandhigeen.

tartan sports (1)

tartan sports (2)

tartan sports (3)

tartan sports (4)

tartan sports (5)

tartan sports (6)

tartan sports (7)

tartan sports (8) tartan sports (9)

tartan sports (10)

tartan sports (11)

Sawir Qaade;Cabdalla Coonka

XIGASHO:-JOWHAR.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip