Nin ka mid ah Ajaanibta la jooga Al-shabaab oo isdilay

0
Thursday May 24, 2018 - 19:40:02 in Wararka by
  • Visits: 323
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin ka mid ah Ajaanibta la jooga Al-shabaab oo isdilay

    -Meeydka muwaadin Kenyan ah oo u dagaalamayay Al-shabaab ayaa laga helay kaam ku yaala degmadda Jilib ee gobolka Jubadda hoose. Meeydka la helay ayaa magaciis waxaa lagu sheegay Cabdi kimani, waxaana laga helay dhabarka dambe ee guri ay daganyihii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

-Meeydka muwaadin Kenyan ah oo u dagaalamayay Al-shabaab ayaa laga helay kaam ku yaala degmadda Jilib ee gobolka Jubadda hoose. Meeydka la helay ayaa magaciis waxaa lagu sheegay Cabdi kimani, waxaana laga helay dhabarka dambe ee guri ay daganyihiin Ajaanibta dhawaan loo qoray in ay Al-shabaab u dagaalamaan, sida uu wariyay Wargeeyska the star ee Kenya ka soo baxay. Warar ayaa sheegaya in Kimani uu isagu is dilay kadib sadax todobaad oo uu ku jiray xeradda cusub.

"Kimani wuxuu noqday kii sadaxaad ee Dagaalameyaal shisheeye oo shan ah oo isdilay, waxaana jira tiro aan la aqoon inta ay la egtahay oo baxsaday” ayaa laga soo xigtay ilo wareed aan magacooda la shaacin.

Xaalad Adagoo nololeed ayaa la sheegay in ay wajahaan dagaalameyaasha Al-shabaab ay soo qortaan taas oo ka duwan middii ay filayeen.

"kuwa hadda kusoo biiray ururka ayaa ah kuwa ugu badan ee nolosha adag saameeyso xilligaan oo Al-shabaab ay la kulmayaan caqabado ay ka mid tahay daadad iyo cuduradda biyaha ka dhasha” ayaa sidoo kale laga soo xigtay isha aan la shaacin.

Waxaa sidoo kale lagu daabacay wargeeyska the star in Haweeneey Tanzanian ah oo magaceddu ahaa Amina ay nafteeda is Dishay kadib markii loo geeystay in xad gudub jinsi loo geeystay.



Afmadowna waxaa lasoo wariyay in labo dumar ah oo aan magacooda lasheegin ay isku dayeen in ay isdilaan xad gudunyadda ay la kulmaan oowgood.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip