Wasaaradda Maaliyadda oo la wareegtay lacagihii ay qaban jirtay Wasaaradda Kaluumeysiga Somaliya

0
Thursday May 24, 2018 - 19:34:29 in Wararka by
  • Visits: 290
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Maaliyadda oo la wareegtay lacagihii ay qaban jirtay Wasaaradda Kaluumeysiga Somaliya

    Wasaaradda Kalluumeysiga xukuumadda federalka Somaliya ayaa maanta si rasmi ah waxa ay Wasaaradda Maaliyadda ugu wareejisay lacagihii ay qaban jirtay, taasi oo qaab casri ah looga qaadayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Kalluumeysiga xukuumadda federalka Somaliya ayaa maanta si rasmi ah waxa ay Wasaaradda Maaliyadda ugu wareejisay lacagihii ay qaban jirtay, taasi oo qaab casri ah looga qaadayo.

Agaasimaha Canshuuraha ee bariga Wasaaradda Maaliyadda Muxudiin Xasan Juris ayaa sheegay in maanta Wasaaradda Kallluumeysiga ay kala wareegeen maamulka Maaliyadda oo wixii dhaqaale ah ay si toos uga dhici doonaan Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda C/laahi Sheekh Cali Ibraahim (Qaloocow) ayaa shegay arrintan in ay tahay go’aan ka soo baxay Golaha Wasiirada, wuxuuna tilmaamay in door muuqda ka qaadan doonto mideynta ilaha daqliga dalka.

"Waa barnaamij ka dhaxeeya dhammaan dowladda, oo ninkii doono uu arki karo waxa soo galay dowladda, waxay ka mid tahay waxyaabaha adduunka uu inagula xisaabtamayo, runtii waa hormar weyn.” Ayuu yiri Wasiir Qaloocow.



Barnaamijkan lagu aruurinayo canshuuraha dalka ayaa qeyb muhiim ah ka qaadanaya la socodka canshuurta dalka, Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa arrintan ku tilmaamtay mid muujineysa horusocodka dowladnimada.

Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa waxa ay noqoneysaa Wasaaradii Saddexaad ee wareejisa howlaha maaliyadda ee ay maamuli jirtay, waxaana horey maamulkii maaliyadda u wareejiyay Wasaaradaha Hawlaha guud iyo dib u dhiska iyo Wasaaradda Waxbarashada.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip