Suucidiga Oo Sheegay In Uu Qabtay Gantaal Ay Saaka Kurideen Xiitiyiinta Yemen!

0
Thursday May 24, 2018 - 19:11:09 in Wararka by
  • Visits: 384
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suucidiga Oo Sheegay In Uu Qabtay Gantaal Ay Saaka Kurideen Xiitiyiinta Yemen!

    Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in ay ka hortagtay Gantaal kuwa riddada dheer ah oo ay Xuutiyiinta Yemen saaka ku rideen Gobolka Jazan ee dalka Sucuudiga . Afhayeenka Rasmiga ah ee howlgalka Sucuudiga ka wado Dalka Yemen Malik Turki ayaa sheegay in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in ay ka hortagtay Gantaal kuwa riddada dheer ah oo ay Xuutiyiinta Yemen saaka ku rideen Gobolka Jazan ee dalka Sucuudiga . Afhayeenka Rasmiga ah ee howlgalka Sucuudiga ka wado Dalka Yemen Malik Turki ayaa sheegay in Ciidanka difaaca cirka Sucuudiga ay qabteen gantaal ay Xuutiyiinta ku rideen Gobolka Jazan. Waxaa uu sheegay in xalay 1:58 Daqiiqo ee AM, Xuutiyiinta ay Gobolka Sacda ee dalka Yemen ka tuureen Gantaalka,kaas oo ay Ciidanka difaaca cirka qabteen isaga oo aan wax khasaare ah geysan.

Jen Turki ayaa dowladda Iraan ku eedeeyay in ay Gantaallada riddada dheer siineyso Xuutiyiinta kuwaas oo iyana u adeegsanaya dagaalka ay kula jiraan Isbaheysiga uu Sucuudiga hoggaamiyo.

Dhowr jeer oo hore ayey Xuutiyiinta Gantaalo ugu rideen Sucuudiga waxaana ka mid ah meelaha ay bartilmaameed sadeen xarunta Dalka Sucuudiga ee Riyaadh,Garoonka Diyaaraha ee Boqor Cabdalla iyo meelo kale.


Suucidiga oo sheegay in uu qabtay gantaal ay saaka kurideen Xiitiyiinta Yemen!



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip