Mareykanka Oo 26,000 Kun Dad Shacab Ah ku Dilay Yamen Iyo Soomaaliya (Akhriso)

0
Thursday May 24, 2018 - 19:01:45 in Wararka by
  • Visits: 360
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo 26,000 Kun Dad Shacab Ah ku Dilay Yamen Iyo Soomaaliya (Akhriso)

    War kasoo baxay Dowlada Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in baaritaano xoogan ay ku sameyn doonaan ciidamada Marekanka oo dhawaan weeraro dad badani ay ku dhinteen ciidamadiisu ay ka geesteen dalalka soomaaliya iyo Yemen halkaa oo lasheegay in lag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War kasoo baxay Dowlada Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in baaritaano xoogan ay ku sameyn doonaan ciidamada Marekanka oo dhawaan weeraro dad badani ay ku dhinteen ciidamadiisu ay ka geesteen dalalka soomaaliya iyo Yemen halkaa oo lasheegay in lagu waxyeeleeyay dad rayid ahaa.

Xarunta ugu weyn ee ciidamada cirka gaar ahaan qeybta fulineysa howlgalada dhanka duqeymaha ee ee CENTCOM iyo sidoo kale taliska Mareykanka uqaabilsan qaarada Africa ee marka magaciisa lasoo gaabiyo looyaqaan AFRICOM ayaa waxaa ay si buuxda usheegeyn in ay dib u eegis ku sameyn doonaan weeraro dad shacab ah ay ku dhinteen oo ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayka fuliyeen Dalalkaasi

Hadalkan kasoo baxay Mareykanka ayaa waxaa sidookle lagu sheegay in 29 weerar lagu fuliyay dalka yemen halkaa oo lagu soo waramayo in waxyeelo xoogan ay kasoo gaartay dad shacab ah oo ay kamid yihiin haween iyo rag iyo caruur, kuwaa oo ku sugnaa goobo lagu helo xoogaga Alqaacidda ee dalalkaasi.

Dhanka kale howlgalka Mareykanka uu kafulinayo geeska Africa ayaa waxaa ay dhawaan ciidamadiisu ay ku dileen Soomaaliya gaar ahaan gobolka shabeelaha hoose iyadoona dadkii kudhintay weerarkaasi ay ahaayeen dad beeraaley ah oo kunoolaa degaankaasi, balse mareykanka uu sheegay inuu dilay Shabaab.



Ciidamada Mareykanka ee dhawaan howlgalka kafulinayay gudaha soomaaliya ayaa waxaa ay kol hore sheegeyn in ay gacanta ku dhigeen kudhawaad 3 saraakiil oo katirsan Al-shabaab Alqaacidda oo haatan lagu wareejiyay ciidamada dowlada Soomaaliya sidaasi waxaa wakaalada wararka ee AP uxaqiijiyay ilo katirsan ciidamada sirdoonka dowladda Soomaaliya.

Sanadii aynu soo dhaafnay ee 2017dii in kabadan 26,000 oo shacab ah ayaa lagu dilay ama lagu dhaawacay guud ahaan dalalkaasi oo ay ka dagaalamaan dagaalyahano katirsan Alqaacidda.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip