Daacish oo sheegatay askari NISA ka tirsan inay ku dileen Ceelasha Biyaha

0
Thursday May 24, 2018 - 12:17:45 in Wararka by
  • Visits: 255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daacish oo sheegatay askari NISA ka tirsan inay ku dileen Ceelasha Biyaha

    Ururka Daacish oo maalmahan dambe dilal ka gaysanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegtay xalay inay deegaanka Ceelasha biyaha ku dileen askari ka tirsanaa ciidamada NISA.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Daacish oo maalmahan dambe dilal ka gaysanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegtay xalay inay deegaanka Ceelasha biyaha ku dileen askari ka tirsanaa ciidamada NISA.

Dadka deegaanka ayaa sheegay dilka loo gaystay askariga inuu ka dhacay meel aan ka fogeyn Isgoyska Ceelasha biyaha, kadib markii laba nin oo hubaysan ay toogteen askariga.

Warbaahinta Daacish ee Amaaq ayaa baahisay inay dileen askarigaasi ka tirsanaa Ciidamada Nabad suggida.

Bisha Ramadan oo Muqdisho iyo deeganada ku xeeran ay ka dhacayaan dilal qorsheysan ayaa waxaa dilalkaasi sheeganaya Daacish iyo Shabaab oo Somaliya ka dagaalama.

Dowladda Somaliya ayaa ciidamo badan dhigtay wadooyinka Magaalada Muqdisho si looga hortago falal lidi ku ah dhanka ammaanka oo magaalada ka dhaco.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip