Mohamed Salah ma Afuri doonaa mise wuu soomi maalinta Final-ka Champions League-ga ?

0
Thursday May 24, 2018 - 12:09:54 in Wararka by
  • Visits: 509
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mohamed Salah ma Afuri doonaa mise wuu soomi maalinta Final-ka Champions League-ga ?

    Laacibka Liverpool ee Mohamed Salah ayaanan wax cuni doonin saacadaha ka horreeyay ciyaarta kama dambeysta ah ee tartan Uefa Champions League-ga isagoo adkeynaya waajibka bisha barakeysan ee Ramadaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laacibka Liverpool ee Mohamed Salah ayaanan wax cuni doonin saacadaha ka horreeyay ciyaarta kama dambeysta ah ee tartan Uefa Champions League-ga isagoo adkeynaya waajibka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Salah ayaa noqday mid bandhig loo riyaaqo sameynaya xilli ciyaareedkiisa ugu horreeya, waxaana ay Reds ku tashanaysaa inuu qayb libaax leh ka qaadan doono kullanka ay foodda dari doonaan kooxda Real Madrid sabtida marka saacadda Kiev gaarta 7:45pm.

25-jirkaan ayaa soo billaabay soonka bisha Ramadaan 16-kii May, tan iyo xilligaasna sida waajibka ahba wax ba ma uusan cunin, waxna ma cabin inta ay qorraxda soo jeeddo, waxaana wargeyska Masaarida ah Al Masry al Youm uu sheegay inuu diiday laacibkan inuu furo soonkiisa.

Magaalada Kiev ee dalka Ukraine ayaa waxa ay qorraxda u dhici doontaa ka hor 30-daqiiqoo billaabashada kullanka, taasi oo fursad u siineysa in Salah uu xoogaa cuno ah afka gelin doono.

Mohamed Salah ayaa isha ku haya goolkiisa 44-aad ee xilli ciyaareedkan Liverpool u dhalinayo, isagoo tan iyo markii kasoo dhaqaaqay Roma lagu tiriyay inuu ka mid noqon karo musharraxiinta abaal marinta Ballon d’Or.







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip