Al Shabaab Oo Xalay Weeraro Ka Fuliyay Gobolka Sh/ Hoose
Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab weeraro xoogan ay ku qaadeen deegaano ka tirsan gobolkaasi.
Weerarka koowaad oo ka dhacay magaalada Buulo-Mareer ee gobolka Sh/ Hoose ayaa Al Shabaab waxa ay ku qaadeen fariisin Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin magaaladaasi.
Waxaana la sheegay in dagaal foolka fool ah uu la bada dhinac ku dhexmaray deegaankaasi.
Sidoo kale Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in xalay weerar qorsheysan ay ku qaadeen deegaanka Number 50 ee Isla gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ayaa la sheegay in weerar xoogan ay ku ekeeyeen xarun Ciidamada milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin halkaasi.
Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weeraradaasi oo la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.
Welina ma jiro wax faah faahin oo uu maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ka bixiyay weeraradaasi.
Al Shabaab ayaa maalmihii dambe kordhiyay weerarada ka dhanka ah Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee k sugan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Al Shabaab Oo Xalay Weeraro Ka Fuliyay Gobolka Sh/ Hoose
Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab weeraro xoogan ay ku qaadeen deegaano ka tirsan gobolkaasi. Weerarka koowaad oo ka dhacay magaalada Buulo-Mareer ee gobolka Sh/ H