Maxakamadeynta raggii weeraray Hotel Naasa Hblood labo oo bilaabatay

0
Thursday May 24, 2018 - 11:25:18 in Wararka by
  • Visits: 325
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxakamadeynta raggii weeraray Hotel Naasa Hblood labo oo bilaabatay

    Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa qaaday kiiskan loo heysto eedeysanayaasha kala ah:- Fraxaan Maxammed Samatar, C/naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxa'd Xaaji Buule, waxaana dhammaantood xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa qaaday kiiskan loo heysto eedeysanayaasha kala ah:- Fraxaan Maxammed Samatar, C/naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxa'd Xaaji Buule, waxaana dhammaantood xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ku soo eedeyeen in ay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday Hotel Naasa Hablood labo kadib 14 October weerarkii ugu dhimashada badnaa ee abid ka dhacay Soomaaliya.

Xafsiika xeer ilaalinta ayaa u sheegay garsoorayaasha iyo dhinacyada kale ee ka qeyb galayay dhageysiga dacwadda in raggan la soo qabtay xilli ay ku guda jireen fulinta weerarkaasi.

Su’aallo la weydiiyay eedeysanayaasha ayay ku qirteen in ay ka dhammaatay rasaasta ay u isticmaalayeen xasuuqa , waxa ayna dalbadeen in la cafiyo.

Qareenada difaacayay ayaa ku dooday in la marin habaabiyay oo aysan iyaga doorashadooda kaga mid noqon kooxda Al-shabaab hasa ahaate ay jeclaan lahaayeen in loo naxariisto kol hadii ay qirsan yihiin in ay geysteen weerarkaasi dadka badani ku dhinteen.

Intii ay socotay Maxkamadeynta ayaa sidoo kale waxaa la dhageystay markaatiyaal ay kamid yihiin saraakiisha ciidamada amniga ee soo qabtay eedeysanayaasha iyo shacab kale.

Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegtay dhammaan dhinacyada ka qeyb galayay dhageysiga eedda in ay go’aanka Maxkamadda dib ka soo saari doonaan.

28 October sanadkii hore weerarkii lagu qaaday Naasa Hablood Labo waxaa ku dhintay 17 qof oo isugu jiro Siyaasiin xilal soo qabtay iyo kuwa kale, xildhibaan hore, Saraakiil ciidan, Haween iyo Caruur, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay inta la xaqiijiyay 40-qof.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip