HALKAAN KA AKHRISO :-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 24-KA MAY 2018-KA

0
Thursday May 24, 2018 - 10:14:09 in Wararka by
  • Visits: 590
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO :-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 24-KA MAY 2018-KA

    RA'IISUL WASAARAHA SOOMAALIYA XASAN CALI KHEYRE AYAA XALAY MAGACAABAY WASIIRADII KA BANAANAA GOLIHIISA WASIIRADA, IYADOO ILLAA LIX WASIIR CUSUB LA MAGACAABAY, LABO WASIIRU DOWLE IYO SHAN WASIIR KUXIGEEN. Wareegtada ka soo baxday R/Wa saaraha ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

RA'IISUL WASAARAHA SOOMAALIYA XASAN CALI KHEYRE AYAA XALAY MAGACAABAY WASIIRADII KA BANAANAA GOLIHIISA WASIIRADA, IYADOO ILLAA LIX WASIIR CUSUB LA MAGACAABAY, LABO WASIIRU DOWLE IYO SHAN WASIIR KUXIGEEN. Wareegtada ka soo baxday R/Wa saaraha ayaa lagu dhameystiray xubnihii ka banaanaa Golihiis Wasiirada ayaa waxaa ka dhex muu qda xubno cusub, halka xubno horay xilalka qaar hayay loo kala bedelay. Xubnaha la magic aabay ayaa waxaa ka mid ah Daahir Maxamuud Geelle oo loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta oo xilkan horay u soo qabtay, sidoo kale wa xaa uu ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhi yay dalka Sacuudi Carabiya.

 

nkastoo 5 Wasiir ay ka banaaneyd Xuku umadda ayaa waxaa xilkii Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta laga qaa day Saadaq C/llaahi Cabdi oo xilkan loo magacaabay bishii August ee sanadkii hore, waxaana uu ahaa xilkii uu ka geeri yooday Cabaas Siraaji.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriy eynta ayaa loo magacaabay C/fataax Ma xamed Ibraahim Geesey.

Kheyre222222222HADDABA HALKAN HOOSE KA AKHRISO MAGACYADA. XILALKA WASIIRRADA

1- Xasan Macalin Xuseen Wasiirka Ow-qaafta Arrimaha Diinta

2- Xasan Cali Maxamed Wasiirka Gaasha nadhigga

3- Daahir Maxamuud Geelle Wasiirka Warfaafinta

4- C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gare en) Wasiirka Tamarta iyo Biyaha

5- Xamza Saciid Xamza Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka

6- C/fataax Maxamed Ibraahim Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta

Wasiiru dowlayaasha

1- Daahir Cabdi C/llaahi Wasiiru dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha

2- Maxamuud Maxamed Buunow Wasiiru dowlaha Amniga

Wasiir kuxigeenada

1- Isxaaq Maxamed Maxamuud Wasiir kuxigeenka arrimaha Gudaha

2- Aadam Isaaq Cali wasiir kuxigeenka Warfaafinta

3- C/raxmaan Iidaan Yoonis Wasiir kuxigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta

4- Maxamed Saciid C/llaahi Wasiir kuxige enka Caafimaadka

5- C/rashiid Maxamuud Xasan Wasiir kux igeenka Gargaarka iyo Maareynta Musii booyinka

SAAKAY DAGAAL KA SOCDA TUKARAQ

Dagaal u dhaxeeya Ciidanka Somali land iyo Puntland ayaa saakay dib uga qarxay degaanka Tukaraq oo colaadiisa ay soo laa laabatay, dagaalkan wuxuu ya hay mid culus oo hubka nuucyadiisa kala duwan la isku adeegsanayo.

Saraakiil ka kala tirsan labada dhinac ayaa xaqiijiyay dagaalkan, weli faah faahin badan oo dagaalkan la xiriirta lama hayo, maadaama hubka dhacaya oo aad u culus darteed xitaa aanan si wanaagsan la isaga maqli karin telef oonada.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Tukaraq ayaa waxa ay sheegayaan in labada dhinac ay kala qabsadeen gaadiid dagaal, ayna jira an khasaare kala duwan oo dhinacyada soo kala gaaray.

Shalay oo ugu dambeysay Guddi ga Difaaca Puntland ayaa waxa ay soo saareen go’aano culus oo la xiriira xiisada labada maamul, waxayna sheegeen cidii taageerta Somaliland in lagu fulin doono dil toogasho ah.

Xaaladan kacsan ee saaka lagu soo waramayo inay ka taagan tahay dega anka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa ah mid walaac cusub abuureysa, maadaama dhinacyada halkaasi isku haya dhawr mar baaq nabadeed loo diray.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxa med C/laahi Maxamed (Farmaajo), Bee sha Caalamka iyo Culimada Soomaaliy eed ayaa baaqyo nabadeed horey ugu dir ay dhinacyada isku haya Tukaraq, wax ayna tilmaameen wixii tabasho ah in ay muhiim tahay in lagu dhameeyo wada hadal.

Waxgaradka gobolka Sool ayaa ku guul darreystay iney Labada dhinac xa bad joojin ku qanciyaan, sababtoo ah dhan walbo wuxuu sheeganayaa lahaan shiyaha degaanka Tukaraq.

D egaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa waxaa gacanta ku haya cii damada Somaliland oo goor hore ka qabsaday ciidankii Puntland ee halkaasi ku sugnaa

RA’IISUL WASAARE KHAYRE OO DAAH-FURAY QORSHAHA MIDAYNTA IYO DAADEJINTA SUGIDDA AMNIGA CAASIMADDA

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Habeen hore daah-furay Qorshaha midaynta iyo Daadejinta Sugidda amniga Caasimadda iyada oo mas’uuliyadda qorshahan looga fadhiyo maamulka Gob alka Banaadir iyo gudd oomiyayaasha de gmooyinka kuwaas oo kaashanaya laa maha amaanka.

RW. Khayre ayaa sheegay in wixii had da laga bilaabo ciidan kasta uu ka amar qaadan doono guddoomiyaha degmadda ay ka shaqeynayaan, si ay u fududaato sugidda amniga caasimadda oo uu shee gay in mudda ku eg 90 cesho la doonayo in caasimadda amnigeeda si buuxda gacanta loogu dhigo.

"Waxaan rabnaa in aan ka guurno qor sha ah markii ay wax dhacaan in mad axda sar-sare oo kaliya su'aalo la weyd iiyo, waydiimuhu waa in ay kasoo bilowd aan meesha ugu hooseysa oo ah gudd oomiyaha Waaxda iyo Laanta. Sidoo kale waa in aad qaadataan bogaadinta shaqo oyinka wanaagsan.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in loo baahanyahay in xaafad kasta ay ku suganyihiin Ciidan ku filan iyo dad is xil-qaamayaal ah oo ka wada shaqeeya sug idda amniga. Waxuuna ballan qaaday in dawladdu ay ku caawineyso maamulka Gobalka Benaadir iyo taliska ciidamada fududeynta dhammaan amkaaniyaadka loo baahanyahay si amaanka loo sugo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale atilmaamay in loo baahanya hay laamaha amniga in ay ogaadaan shaqsi kasta oo ku nool magaaldda Muq disho iyo shaqada uu qabto, si looga ba aqsado in caasimadda ay ku dhex dhuun taan kooxaha dhibaateeya shac abka Soomaaliyeed. Wuxuuna carrabaabay in laga gudbay xilligii cid kasta ay iska dhex joogi jirtay magaalada waxa ay doontana ay sameyn jirtay, iyada oo aan cidna wax iska weydiin. ---DHAMMAAD----

SHIR LOOGA HADLAYEY ARRIMAHA DASTUURKA OO LAGU QABTAY MUQDISHO

Shir wadatashi ah oo ay wada yee sheen guddiga la socodka iyo dib u eeg ista dastuurka baarlamaanka Soomaaliya, guddiga madaxa banaan ee hirgelinta dastuurka, Wasaaradda dastuurka XFS iyo Masuuliyiin ka socday Hey’adda UNDP UNSSOM oo gacan ka geysata arrimaha dastuurka, waxaana shirkaan ay uga hadleen qodobo badan oo ku saab san dastuurka.

shirka, ayaa waxaa soo diyaariyey gu ddiga la socodka iyo dib u eegista das tuurka, waxaana looga hadlay heerarkii uu soo maray dastuurka, waxa qabsoom ay iyo waxyaabaha u dhiman.

Sen.Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, G/ Guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in xilligaan wixii ka dambee ya ay wada shaqeyn doonaan hey’adaha heer dowlad goboleediyo heer federaal ee u xil saaran dhameystir ka dastuurka.

DADKII AY SHALAY CIIDAMADA AMNIGA KU DILEEN SUUQA BAKAARAHA OO LA SHEEGAY INEYSAN SHABAAB AHEYN.

Waalidinta Labo wiil oo ay shalay Ci idamada amniga ku dileen Suuqa Bakaa raha ee magaalada Muqdisho ayaa KNN u sheegay in dadkii la dilay ay ahaayeen Shacab iyo Ciidan, xili ay Dowladda Soo maaliya sheegtay iney dishay Shabaab.

Caali Maxamed Mire oo Adeer iyo Abti u ah labada Wiil ayaa KNN u sheegay in Wiilasha la dilay oo lagu kala Magacaabo Mowliid Axmed maxamuud iyo C/qaadir Xersi Aadan Salad ay kala ahaayeen Ask ari ka tirsan Ciidamada Milatariga Guuta da Dal-jir iyo Time Jare Caan ka ah Xaa fadda Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.

Waalidiinta dadka la dilay ayaa sheegay iney haayaan Cadeymo wiilasha la dilay, ayna dalbanayaan in Baaritaan dhab ah lagu sameeyo, waxa uuna eedeen usoo jeediyay Wasaaradda Amniga.

Iyadoo shalay Barnaamijka Xogware ysi ka ee ka baxa idaacadda lagu Warey stay a Waalidiinta Wiilasha la dilay.XIGASHO RADIOKULMIYE.NET

IOM OO LA KULANTAY MUHAAJIRIIN SOOMA ALI KU SUGAN LIIBIYA OO KU SOO FOOL LEH MUQDISHO.

Hay’adda Socdaalka Caalamiga (The International Organization for Migration (IOM) ayaa sheegtay inay Kulan Wacyi-gelin ah dorraad u qabteen Koox Muha ajiriin Soomaali oo la filayo in bishan 29-da dib ugu soo laabtaan magaalladda Muqdiosho.

Madaxa Xafiiska IOM ee dalka Libya, Maxamed Al-xamuusi oo la hadlay Warg eyska Libya Observer ayaa sheegay inay bilaabeen Olole Wacyi-gelin ah Muhaa jiriinta Soomaalida ee sharci-darradda ku joogta dalka Libya loogu faahfaahinayo Barnaamijka IOM ee Dib-u-celinta Muha ajiriinta Soomaalida ee iskooda u go’ aansda inay dib ugu soo laabntaan dal kooda hooyo ee Somalia.

Tiro ka mid ah Muhaajiriinta iskooda u go’ aansaday inay ku soo laabtaan Somalia ayaaayaa la baray Nidaamka Dhoofka ee Garoonka Diyaaradaha iyo Kaal madda ay IOM ku taageerayso Dib u cel intooda.

Muhaajiriintaasi ayaa la qorsheynayaa inay bishan 29-da ka soo dhoofaan Ga roonka Diyaaradaha ee MITIGA AIRP ORT oo ku yaalla Caasimadda dalka Lib ya ee Tripoli, waxaana la filayaa inay isla maalintaasi ka soo degaan Garoonka Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho.

Hay’adda QM ugu qaabilsan Qaxooti ga ee UNHCR iyo Hay’adda Socdaalka ee dalka Libya waxay Bilowgii isbuucan si wadajir ah Muhaajiriintaasi u qeybiyeen Waraaqaha KMG ee Socdaalka (Tempo rary Travel Documents), si loogu fudude eyo inay dib ugu laabtaan dalkooda Hoo yo.

MAXKAMADEYNTA EEDEYSANAYAAL LOO HEYSTO WEERARKII NAASA-HABLOOD 2 OO LA SOO GABA GABEEYAY

Maxkamadeynta Seddax eedey-sane oo loo heysto weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Hotel Naasa Hablood labo 28 October 2017 ayaa lagu soo gaba-ga-beeyay magaalada Muqdisho.

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa qaaday ki-iskan loo heysto eedeysanayaasha kala ah:- Fraxaan Maxammed Samatar, C/na-asir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxamed Xaaji Buule, waxaana dhammaantood xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ku soo eedeeyeen in ay ka damb-eeyeen weerarkii lagu qaaday Hotel Naasa Hablood labo kadib 14 October weerarkii ugu dhimashada badnaa ee abid ka dhacay Soomaaliya.

Xafsiika xeer ilaalinta ayaa u she-egay garsoorayaasha iyo dhinacyada ka-le ee ka qeyb galayay dhageysiga dacw-adda in raggan la soo qabtay xilli ay ku guda jireen fulinta weerarkaasi.

Su’aallo la weydiiyay eedeysana-yaasha ayay ku qirteen in ay ka dham-maatay rasaasta ay u isticmaalayeen xas-uuqa , waxa ayna dalbadeen in la cafiyo.

Qareenada difaacayay ayaa ku dooday in la marin habaabiyay oo aysan iyaga doorashadooda kaga mid noqon Al-shabaab hasa ahaate ay jeclaan laha-ayeen in loo naxariisto kol hadii ay qirsan yihiin in ay geysteen weerarkaasi dadka badani ku dhinteen.

Intii ay socotay Maxkamadeynta ayaa sidoo kale waxaa la dhageystay ma-rkhaatiyaal ay ka mid yihiin saraakiisha ciidamada amniga ee soo qabtay eede-ysanayaasha iyo shacab kale.

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheeg-tay dhammaan dhinacyada ka qeyb gala-yay dhageysiga eedda in ay go’aanka Maxkamadda dib ka soo saari doonaan.

28 October sanadkii hore weerar-kii lagu qaaday Naasa Hablood Labo waxaa ku dhintay 17 qof oo isugu jiro Siy-aasiin xilal soo qabtay iyo kuwa kale, xildhibaan hore, Saraakiil ciidan, Haween iyo Caruur, waxaana sidoo kale ku dha-awacmay inta la xaqiijiyay 40-qof.

BOGGA CAYAARAHA

MAXAMED SAALAX OO MUUJIYAY SIDA UU UGU DHAGAN YAHAY DIINTA ISLAAMKA KADDIB MARKII UU DIIDAY INUU AFURO…!!!

Sawirka la xidhiidha Waxaa baryahaan dhan la is waydiinayay haddii uu Maxamed Sa-alax afuri doo-no kulanka Fi-nalka Champi-ons League ee Sabtida iyo ha-ddii uu Soonka sii wadan doo-no.

Wiilka Reer M-asar ayaa im-inka Sooman wuuna Soomanaan doonaa kulanka kama dambeysta Champions League ay ku wajihi doonaan Real Madrid 26 ka bishan.

Sida ay sheegeyso jariiradda Al Masry al Youm ee ka soo baxda dalkaasi Masar in xiddiga weerarka ka ciyaara uu diiday inuu Soonka joojiyo ka hor kulanka ka dhici doona Kiev.

Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa bilowday 17 ka bishan May wuxuu socon doonaa ugu yaraa 28 ilaa 29 maalmood, waana bil u muhiim ah ummada Islaamka ah, kuwaa oo aan waxba cuni doonin waxna cabi doonan isla markaana galmo sameyn doonin iyo wixii la mid ah inta ay Qoraxda ka dhaceyso.

Sida ay sheegeyso Jariiradda Soonka ma saameyn doono isaga inta lagu guda jiro kulanka, Waxay kaloo Al Masry al Youm sheegtay in Reerka Maxamed Saalax ay gowrici/Qali doonaan saddex Weyl si loogu duceeyo wiilkooda.

Maxamed ee ku guuleystay abaal marinta laacibka ugu fiican England ayaa aad looga jecel yahay dalkiisa hooyo maadaama uu ka caawiyay inay u soo baxaan Koobka Adduunka kaddib markii uu gool u dhaliyay daqiiqadii ugu dambeysay iyagoona dib ugu soo laabtay saaxada dhacdada ugu wayn adduunka 28 sano kaddib.

RW KUXIGEENKA DALKA OO FURAY SHIRKA BILLAHA AH EE LOOGA HADLO MASHAARIICDA HORUMARINEED

Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul was aare ku-xigeenka Dalka ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shalay shirka Billaha ah ee looga hadlo Mashaariicda horumar ineed ee Dalka ka socda,Amniga iyo Siyaasadda. Shirkan waxaa ka qeyb-gal ay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Feder aalka Soomaaliya, xubno ka socda Dowl ad Goboleedyada Dalka ,Safiirada Dala lka Caalamka u jooga Soomaaliya iyo Ha y’adaha gar-gaarka ee Qaramada Midoo bey.Sidoo kale inta uu socda shirkan qod obada looga hadlayo waxaa kamid ah Fat ahaadaha Dalka ka jira iyo sida Dowladda iyo Beesha Caalamka uga jawaabeen Ma siibooyinkan saameynta ku yeeshay Dad ka Soomaaliyeed.

GUDDOOMIYE YARIISOW OO SHEEGAY IN BAARIS LAGU SAMEYNAYO DHULALKA DOWLA DDA EE LA BIXIYEY

Yariisow-2-640x523 (1) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ah na Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cis maan oo warbaahinta la hadlay shalay ayaa sheegay in khubaro iyo guddi baaris loo xil saarayo dhulalka Dowladda ee sida sharci darada loo bixiyey ka dib markii ay cabashooyin ka yimaadeen.

Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa yiri "Iyadoo la tixraacayo amarkii Madaxwey naha Jamhuuriyada Federaalka Soomaal iya Mudane Maxamed Cabdullaahi Max amed (Farmaajo) taariikhdu markey ahey 19kii Janaayo 2018 ee uu ku yiri Dhulka Dowladda inaan la hibeyn karin, lana bixin karin, lana wareejin karin.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fede raalka Soomaaliya ayaa qoraalkaas 19ka Janaayo 2018 ku sheegay inuu ka wa laacsanyahay jiritaanka warar sheegaya ku xadgudub dhulalka danta guud ee ca asimada Muqdisho. Sidoo kale qoraalkii Madaxweynaha ee 19kii Janaayo 2018 ayaa farayey dhammaan hay’adaha ay khuseyso arrintan inaan la bixin karin dhul dowladeed oo aan kusoo bixin wareegto Madaxweyne, lana soo marin habraac waafaqsan shuruucda u yaalla dalka.

ugu danbeyntii Guddoomiye Eng. Yar isow ayaa sheegay in guddigan iyo khub arada loo xilsaari doono inay baaraan dhammaan dhulalka Dowladda ee la bixi yey si ay warbixin dhameystiran uga soo gudbiyaan oo lala wadaagi doono sha cabka.

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA KOONFUR GALBEED OO LA KULMAY MAS’UULIYIIN KA SOCDAY IOM

Kusimaha Madaxweynaha ahna Wasi irka Beeraha Koonfur Galbeed Soomaal iya Md.Maxamed Xasan Fiqi ayaa xafi iska Madaxtooyada KGS ku qaabilay Ma daxda ugu sareysa IOM. Hay’adda IOM ayaa howla badan ka wada gudaha koo nfur Galbeed. Waxaa sidoo kalekulanka qeyb ka ahaa qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda KGS, Guddoomiyaha Gobol ka Baay iyo Duqa Magaalada Baydhabo.

TALIYIHII HORE EE NISA OO SOO JEEDIYAY TALOOYIN KU SAABSAN AMMAANKA MUQDISHO

Sanbaloolshe-640x397 Taliyihii hore ee Hay'adda Nabad sug gida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliye ed Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalo oshe ayaa soo jeediyayin wax ka badal lagu sameeyo Am maanka Mag aalada Muqdi sho. Waxaa uu sheegay in Magaalada Muqdisho wixii ka dambeeyay dowl addii dhexe ay sameysay Kobac ballaa ran,islamarkaana ay dhinacyo bad an u fiday ayna adag tahay in Ammaank eeda laga suggo hal meel.

Waxaa uu xusay in ay muhiim tahay kordhinta Koontaroolada gaadiidka lagu baaro, iyadoo ciidamada la siinaayo qal ab badan oo amniga ay ku sugaan.

Wuxuu sheegay Sanbaloolshe dhiiragelin ta iyo abaalmarinta ciidamada qabta shaq ooyinka adag inay door ka qaadanayso qorshaha suggida ammaanka Magaalada Muqdisho Sanbaloolshe oo la hadlay VOA, ayaa sheegay Muqdisho inay balla aratay oo ay kobacday, sidaasi awge edna muhiim inay tahay sameynta qorshe amni oo Magaa ladan loo dajiyo, maad aama Shabaab xilli kasta isku dayaan fulinta falal lidi ku ah dhanka ammaanka.

WASAARADDA AMNIGA OO KA WARBIXISAY RAG SHALAY LAGU TOOGTAY MUQDISHO

Wasaaradda amniga xukuumadda fe deraalka Soomaaliya ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay laba dhalinyaro ah oo shalay ciidanka ammaanka ay ku toogt een Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Soo maaliya C/casiis Cali Ibraahim (Xildhib aan) ayaa waxa uu sheegay labada dhal inyaro ee shalay lagu dilay Suuqa Baka araha in ujeedkooda uu ahaa in ay dhiba ato geystaan. Wuxuu sheegay ciidan ka ammaanka in ay ka war heleen xogta raggan kadibna gacanta lagu dhigay, iy ada oo loo kaxeeyay xarumaha baarista, balse inta aanan la gaarin xarumaha baa rista ay raggan isku dayeen in ay baxsa daan, sidaasina ay ciidanka ku toogaan.

"Waxaan rabaa inaan idin xaqiijiyo dil alkii shalay loogu geystay Suuqa Bakaar aha ragga hubeysnaa, waxay doonayeen inay dhibaato geystaan, ciidankeena ay aa gacanta ku dhigay raggan balse wax ay la soo baxeen Bastoolado inta aan la gaarin xarunta baarista sidaas ayaana la gu toogtay.” Ayuu yiri C/casiis (Xildhi baan). C/casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) Afhayeenka Wasaaradda amniga Soom aaliya ayaa sidoo kale sheegay in cii danka ammaanka gaar ahaan kuwa loo gu tala galay in ay ammaanka bisha Ram adaan ay shaqadooda u gudanayaan sida saxda ah.

Kooxo hubeysan ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay dilal ka geysanayeen magaalada Muqdisho, dorraad oo ugu da mbeysay kooxda Daacish ayaa suuqa Ba kaaraha waxay ku dileen askari ka tirsan aa ciidanka ilaalada wadooyinka, waxaa na laga duubay muuqaal kooban.

PUNTLAND OO GO’AANO CULUS KA SOO SAAR TAY CIDII LAGU QABTO TAAGEERIDA SOMALILAND

Guddiga Difaaca Puntland ayaa go’a ano culus ka soo saaray Mas’uuliyiinta ka soo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag ee xilalka ka haya Somaliland iyo ciidamada ka soo jeeda goboladaas.

Go’aanada ayaa ka mid ah in cidii la gu qabto gacan siinta iyo taageerida Som aliland ay muteysaneyso xukun dil ah. Sidoo kale waxaa ay sheegeen in abaal marin la guddoonsiinayo cid kasta oo Pun tland isku soo dhiibta, mudada uu socdo dagaalka u dhaxeeya labada dhinac.

Guddiga Difaaca ayaa sheegay in ci dii lagu qabta iyadoo sir u gudbinaya Som aliland ama jaajuusnimo kula shaqeyney so lagu fulinayo dil toogasho, isla markaa na hantidiisa la wareegeyso Puntland.

Guddoomiyaha Guddiga difaaca Pun tland ahna Wasiirka Amniga Axmed C/l laahi Yuusf (Dowlad) ayaa saxaafada u akhriyay go’aanada Guddiga ka soo bax ay. Xiisada dagaal ee u dhaxeysa Punt land iyo Somaliland ayaa hadda salka la gashay xaalado aan horay u gaarin, iya doo Puntland gebi ahaanba mamnuucay gaadiidka booyadaha shidaalka ee aada

dhanka Somaliland.

MAXKAMADA ICJ EE SOOMAALIYA IYO KENYA WARARKEEDA OO SAXDA AH WAA SIDAN…

BEENI RAAD MA LEH: Waxaan bery ahaan arkeeynay hadalo runta ka fog oo dhowrkii beri la soo dhaafey barta Fac ebuuga lagu faafinaayay tasoo ahayd in dhegeysiga Maxkamada ICJ ee ku sa absan Muranka badda Somalia Iyo Kenya ay dhici doonta Bisha June 18, 2018. Ar intaasi waa wax kama jiraan loogu tal agalay in shacabka lagu jah-wareeriyo oo runta ka fog.

RUNTU WAA SIDAAN:

A) June 18, 2018 Somalia waxaa laga su gaya Jawaab qoraal ah oo hadda ay Law yaradu ay mashquul ku yihiin.

B) Waxaa xigi doonto Jawaab celinta Ke nya oo iyadana laga sugaayo December 18, 2018.

C) Dhegeysiga Maxkamada waxaa la fil aaya Sanadka 2019 inay noqoto.

Lawyarada ( Garyaqaanada) Soomaalida oo aan wax isbadal ah lagu sameeynin, waxayna hada ku mashquuulsan yihiin in ay jawaabtooda u gudbiyaan maxkama dda caalamiga ah (ICJ).

Guud ahaan umadda Soomaaliyeed iyo dowladoodaba waxay ka siman yihiin in xuduuda dalka Soomaaliya iyo madax banaanidiisa aysan muran geli karin. Ari mahaani ma aha kuwa mudan in la siyaas adeeyo, taas awgeed waa in aad looga fiirsadaa arintaan ama kuwa la mid ah in la siyaasadeeyo waayo waa sharafka qa ranka Soomaaliya.Mahad sanid Garyaq aan Muna Sharmaan iyo guud ahaan inta difaaceeysa dhulkeena iyo qeeyraadkiisa.

Sheekhnur Abukar Qaasim

KENYA OO MAXKAMAD SOO TAAGTAY MU WAADIN SOMALI AH

Maxkamad ku taalla magaalad Momb asa ee dalka Kenya ayaa la soo tagay Mu waadin Soomaaliyed oo lagu magacabo Axmed Cabdiweli Daahir, kaas oo lagu eedeeyay in si sharci darro ah hub ugu dhex heystay maagaaldaasi.

Garsooraha Maxkamadda Momba sa Martin Rabera ayaa sheegay in ninkan lagu tuhunsan yahay lahaanshaha Hub iskugu jira Bastoolad iyo rasaas gaareysa illaa 259 xabo oo aan sharciyaysneyn.

Muwaadinkani oo Booliska Kenya ay xireen 18 bishii April ayaa iska fogee yay eedeymaha loo heysto, waxaa uu sheegay in habayaraate uusan wax lug ah ku lahayn dambigaasi.

Dhageysiga dacwadda eedeysan ahaasi ayaa dib loo dhigay, waxaana ma rkale la qaadi doonaao8 Bishani May ee 2018-ka. Ma’ahan markii ugu horreysay oo Muwaadin Soomaaliyeed Maxkamad lagu soo taago dalka Kenya, kaas oo loo heysto isticmaalka Hub Sharci darro ah

DUQEYN XOOGAN OO KA DHACDAY GOBOL KA SH/ HOOSE

Hoobiyeyaal Wararka laga helayo gobolka Sh/ Ho ose ayaa sheegaya in Xalay Ciidamada AMISOM iyo diyaarad dagaal ay duqeyn xoogan ka fuliyeen deegaanka Carbiska ee gobolkaasi. Ciidamada AMISOM oo fariisin ku leh agagaarka Buundada Carb iska ayaa la sheegay in tiro Hoobiyeyaal ah ay ku garaaceen Xaafado hoosyima ada deegaankaasi.

Sidoo kale diyaarad dagaal oo aan la ogeyn halka laga leeyahay ayaa Xalay Sa qdii Dhexe duqeyn ku gaaracday deeg aankaasi. Illaa iyo iminka ma cadda khas aaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeyn taasi oo lala beegsaday Xaafado loo ma leynayo in ay ku sugnaayeen Al Shabab.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadashay Shabelle ayaa ka warbixisay, sida ay wax u dhaceen.

XILDHIBAAN KA TIRSAN PUNTLAND OO LAGU DILAY GAALKACYO

Wararka ka imaanaya magaalada Gaa lkacyo ayaa sheegaya in Kooxo hubey sa nay ku dileen Xildhibaan ka tirsan Ba arla maanka Puntland. xildhibaanka la dil ay ayaa lagu magacaabayay C/xakiin Ma cal in Daahir, waxaana lala dilay askari ila alo u ahaa.

Wararka ayaa sheegaya in kooxdii ka dambeysay filka ay goobta ka baxsade en. Ciidamada ammaanka Puntland ay aa habeen hore howl gallo wada xaafada lagu dil ay Xildhibaanka, iyagoo baadigoo baya kooxihii dilka ka dambeeyay.

Waqooyiga Gaalkacyo oo ay ka arrimiso Puntland ayaa waxaa horay uga dhacay dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay sheega tay Al-Shabaab.

WIIL ARDAY AH OO SHEEGAY IN SIDEED QOYSKOODDA KA MID AH GOOB KU WADA GEERIYOODEEN

Wiil murugaysan Ibraahim Muuse Cabdi oo ka mid ah ardayda wax ka barta tuuladda Gargaara ee gobolka Awdal ayaa masiibo naxdin leh ku habsatay ka dib markii duufaantii Roobka wadatay ka dishay sideed qof oo qoyskooddda ah.

Ibraahim Muuse Cabdi waa arday ay masiibaddii ka dhacay Awdal uu kaligii ka badbaaday, waxaa Daadadkii rogmanay ey gurigoodii ugu soo galeen qoyskoodii oo ka kooban sideed qof, lix uu la dha shay iyo labadii waalid, waxaanu yimid gu rigii oo banaan noqday oo daadku dhinac walba ka joogo. "markii aan iskuulkii ka imid waxaan imid gurigii oo banaan noq day oo uu da adkii qaatay reerkii oo dhan, waxaana halkaasi ku geeriyooday sideed qof, lix aanu walaalo ahayn iyo aabo iyo hooyo”ayuu yidhi, waxa uu sheegay in uu isaga iyo laba qof oo kale oo qof Jabuuti joogto uun ka badbaadeen.

Goboladda Galbeedka waxa ka dhac day masiibo xun oo dadkii banaanka jog aan ka dib markii guryihii ka burbureen, isla markaana aanay haysan Hu iyo Cunto. Labadii diyaaradeed ee Imaaraad ku usoo direen in loogu gurmado dadka masiib adu ku habsatay ayaa illaa dorraad iyo shalay daad gureynayey Raashinkii iyo biyo la gaadhsiinayey dadka ku god oonsan degmooyinka qaarkood

MASAR OO QABANQAABISAY SHIRWEYNE LOOGA HADLAYO DAGAALKA ALSHABAAB.

Wargeyska Jamhuuriya ee ku hadla Afka Dowladda Masar ayaa qoray inay Hawlgalka AMISOM iyo Xarunta Caala miga ee Xalinta Colaadaha ee Qaahira (The Cairo International Center for Con flict Resolution) soo qabanqaabiyeen Shir kaas Caalamiga oo dorraad ka furmay Qaahira.

Wargeyska ayaa qoray in Kula nkaasi uu socon doono ilaa bishan 24-da, iyadoo looga hadlayo Dagaalka Alshab aab iyo Ka-hortaga waxa loogu yeero Xa g-jirka Somalia, waa sida u uWargeysku qoray.

In ka badan 30 rag iyo haween dhall inyaro ah oo ka kala yimid Ururadda Bul shadda Rayidka Somalia iyo Wakiilo ka socda Barnaamijka Dhaqan-celinta ee Ma daxtooyadda Masar iyo Ergooyin ka kala socda Caalamka iyo Gobalka ayaana la gu casuumay Shirkaasi.

Wakiilo ka kala socda QM iyo Mid owga Afrika ayaana la sheegay inay ka qeyb galayaan Shirkaasi. Wargeyska ay aa qoray in Kulankaasi looga dan leeya hay in laga faa’ideysto Khibradda Masar u leedahay arrimahaasi, iyadoo uu Kulank aaqi qeyb ka yahay Qorsha Qaran ee Somalia ee Dagalaka Alshabaab iyo ka-hortagga Xag-jirka Somalia, waa sida hadalka loo dhigay.

RAMADAANKU WAA FURSADA CUMRIGA|Q-4AAD

{Darsigii 5aad}

Bishan Ramadaan waa Bil mudan inuu weyneeyo ruux walba oo Muslim ah kuna farxaa inuu ku gaaray Nolol iyo Caafimaad waayo wa xaa jira dad badan oo soomay sanadkii tagay maantana ka mid ah ah lu qubuurka oo sugaya in lagula xisaabtamo maalinta Qiyaame wixii ay hor marsadeen, ama waxaa jira kuwo bukaan ah oo nool weli laakiin aan awoodin in ay Soomaan, sidaa darteed markaana waa inuu u ista agaa ka faa’iideysiga Maalmaha iyo Habeenada barakeysan ee Bish an Ramadaan, haddii kale waxaa hubaal ah ruuxuu aan ka faaiideysan inuu maalinta Qiyaame ka shalaayi doono fursadihii uu dayacay maali ntaasoo shalaay uusan waxba u tari doonin ???

OO MACANAHEEDU YAHAY:…

Ama odhan nafu shalytideydii waxaan ku gaboodfalay cidbaada Allah, waxaana ka mid ahaa kuwa jees jeesa.

ramadan-kareem-1-750x430(Aayada 56: Zumar)Ama ayan odhan had dii Alle ihanuuniyo waxaan ka mid noqon la haa kuwa dhoo wrsan. (Aayada 57:Zumar)

Waxaa uu yiri nin Gabya asagoo tilmaamaya sida bilaha qeyrk ooda u dhaamado si dhaqsa ah ayadoo dadka badankiis aysan ka faa iideysan:-

waa tagay Rajab adigoon waxba wanaag ah sameynin, mid kaan waqtigiisa dayacayoow jahli dartiis, mardambaad macaanada aduunka weyn doontaa, ee ka gaar wixii gafa ah intaad awoodo, si aad nabad uga hesho Jaxiimo, waxaa yimid shacbaan…………dadka dam biyada waa weyn la yimaad waxaa u wanaagsan in ay ka gaar aan…???

Nabiga Suuban (scw) waxaa uu ku sheegay Xadiis inuu jibriil ku yiri:-Qofkii gaara Ramadaan ee aan ka faaiideysan Naarta allaah haku fogeeyo, markaasuu weliba malaku Jibriil raaciyay dheh aamiin, nabig ana waxa uu yiri aamiin.” ?? oo macnihiisu yahay:

"Qofkii Ramadaan soo gaara oo aan loo danbi dhaafin saasna na arta ku galaa Alle ha ku fogeeyo, dheh Aamiin,waxaan dhahay Aamiin”

Xadaiiskaan waxa uu tusayaa in Ruuxii aan ka faa’iideysan Bisha an Barakeysan uu ku dhacayo habaarkii Malaku Jibriil iyo kii Nabi Muxamad (scw)

Sidaa daraadeed waa inaan laabta galinaa inay nimco weyn tahay in ruuxii nolol iyo Caafimaad ku gaaraa Bishaan barakeysan loona ba ahan yahay inuu ku farxaa qof kasta oo Muslim ah sidii ay ugu farxi jire en Muslimiintii horeysay Dadkii wanaagsanaa iyo Culumada waxay illa ah ka baryi jiray inuu gaarsiiyo Bisha Ramadaan inta lagu jiro Bilaha kale ee ka horeeya Ramadaan waxayna dhihi jira illaahow noo bar akee Bisha Rajab iyo Shacbaan Ramadaana na gaarsii ” ???? ”

Waxaa xusid mudan in aysan ahayn Xaddiis nabiga ka Sugnaaday waana daciif xadiiska la sheego inuu nabiga saas oran jiray:

waxaa ku jira nin la oran jiray: Zaa’idaha ibnu abii raqaad. (????? .)

Bukhaari: wuxuu yir Ninkaas xadiiskiisa waa munkar (??? .)

Waxaa weliba loo baahan yahay in Musdlimiinta lagu baraarujiyo fadliga Bishan sida ku cad Xadiiska iyo Quraanka.

Waxaa haddaba intaaas dheer inaan ogaano in soomitaanka Bishaan yahay Tiir ka mid ah Shan tiir oo waa weyn oo Diinkeena Isla amka ku dul taagan yahay, taasoo macnaheedu yahay qofkii awooda ee aan Soomin asagoo wax fasaxa ah ka heysan Shareecada Islaam ka in Islaamnimo sax ah heysan. ” ???? ” [ ???? ???? ]

oo macnihiisu yahay:

Islaamkii waxaa lagu dhisay shan:

1. Qiritaanka in uusan jirin Alle (xaq lagu caabudu) Alle ma’o yee,Maxammedna yahay Rasuulkii Alle.

2.Salaada in la oogo yacnii la tukado oo la wanajiyotukashadeda)

3. Zakada la bixiyo (qofkii xoolo haysta oo ay zakadii kuwaajibtay)

4.Soomidda Bisha Ramadaan

5.Gudashada xajka.

Marka waxaa lagama maarmaan ku ah qofkii doonaya inuu Diinkan oo dhameestiran qabsadaa waa inuu Soonka la yimaadaa maxaa yeel ay illaah (cw) waxa uu ku waajibayay Muslim walbaa inuu guto waajib kaas sida ku cad xadiiskan:-: ” ???” [?? ]

Oo macnihiisu yahay:

Waxaa idiin yimi Ramadaan, Allana idinku waji biyay Soonkiisa, waxaa la furaa Albaabada Samada, waxaana la xiraa Albaabada jaxiiima, waxaa kaloo la xiraa shayaadiinta madaxa adag, waxaa ku jirta habeen ka khayr badan kun Bilood, qofkii laga xarimaa khayrkeeda oo dhan waxaa laga xarimay khayrka.

Xadiiskan waxa uu tusayaa waajibnimada Bis ha Ramadaan iyo fursadaha waa weyn ee ku jira Bishan sida in la albaabaha Jannada la furayo, in albaabaha Naarta la xerayo,in Shayaadiinta madaxa adagna la xerayo taasoo macnaheedu yahay waxaa jira fursado badan oo haddii aad ka faaiideysataa ay ka dhalan kartaa inaad Jannada ga shaa Naartana lagaa badbaadiyaa, waxaana weliba xadiiska sheegay fursadaha ku jiraa Bishaan waxaa ka mid ah inay jirto habeen habe enadiisa ka mid ah oo ka badan xaga abaal marinta wanaagyada la sameeyaa 1000 habeen .

Sidaa darteed ayuu inbu rajab alxambali yiri : ??? "??

OO MACNIHISU YAHAY: Siduusan Ruux Mu’min ah ugu Bishaareysan eyn furitaanka Albaabada Jannada? Siduusan Ruuxa Dembaabay ugu Bishaareysaneyn Xeritaanka Albaabada Naaraha? siduusan ugu Bi shaareysaneyn ruux Caqli leh waqti sheyaadiinta madaxa adag la xera ayo? ma waxaa jira xiligaas xilli la mid ah?

Waxaa uu weliba Nabiga Suuban (scw) sheegay in bishaan ay fur an tahay fursado badan oo lagu helo Dambi_dhaaf sida Soonka, Sal aada habeenkii iyo Salaada habeenka Qadarka, haddii si niyad ah oo ajarfilasho ah uu ruuxa ula yimaado arrimahaas la soo sheegay ” ?? ”

OO MACNIHIIISU YAHAY:

Qofkii u Soomaa Dhab (run) iyo asagoo ajar dalab ah waxaa loo dhafaa danbigii u horeeyay, qofkii u istagaa salaad asagoo Rumaysan, iyo ajar dalab waxaa loo dhafaa danbigii u horeeyay, qofkii u istagaa (salaad) asagoo rumaysan iyo ajar dalab waxaa loo dhafaa danbigii u horeeyay.

Soow nasiib xumo ma aha in Dadka qaar ka dhigtaan Bishaan Bar akeyasan Bil Cunto, Cabid ,Hudo,Jiif Ciyaar sida Kubada, turubka iyo Dumlada waxa loo yaqaan oo caado dadbadani ka dhigteen inay ku ga ar yeelaan Bishaan?!!

Soow nasiib xumo ma aha in dhallinteenii badankeen garaneynin ula jeedada uu illaah (cw) Bishaan soonkeeda u waajibiyay?!!

Soow illaah (cw) ula jeeda Soonka Bishaan kama dhigin in (Taqwo) alle ka cabsi looga faaiidiisto?

Soow Bishaan ma aha Bil uu illaah (cw) tilmaamay inuu gaar u lee yahay,abaal gudkeedana uu si gaar ah u bixiyo asagoon xisaabs aneyn???? ” [? ]

Waxaa kaloo xadiiskan ku tusayaa in Soonku yahay Gaashaan lo oga dhwrsado Naarta, sidoo kalana waxaa uu tusayaa xadiiskaan in Soonka xaga aadaabtana uu la leeyahay xeriir oo waxaa laga rabaa midka sooman inuusan xummaan ku hadal buuqna galin xataa hadidi la aflagaadeeyo ama lala dagaalamana uu dulqaato asaga oo leh wan soomanaha waan soomanahay, maxaa yeelay haddii kale waxaa dhac eysa in ajarkii soonka ka yaraado ruuxii soonnaa amaba ka buro hal kaasna uu dembi weyn ka Xambaarsado.

Waxaa kaloo xadiiskaan tilmaamay in af urka ku yiimaad ruuxa sooman uu yahay midka wanaagsan xaga allaah (cw) waxa aan car afta ku tilmaano sida Miskiga maxaa yeelay waa ur ka dhashay Ciba ado uu illaah (cw) jecel yahay

Waxaa kaloo xadiiskan tusayaa laba farxadood oo waa weyn inuu helo ruuxii sooma , tan hore waa inu u kui farxaa afurka marka uu afa rayo, tan labaadna waa inuu farxad weyn helaa maalinta Qiyaame m,arka uu hor istaago Rabbi (cw), waxaana uu Nabiga (scw) sheegay in Jannada uu ku yaal albaab u gaar ah Kuwa Soomidda badan oo ay san cidkale albaabkaas Jannada ka galin, cidii gashaana waa la waraa biyaa si uusan mar dambe weligiis oon u arag waxaa la yiraahdaa albaabkaas Rayaan.

” ??” { ???} Waxaa ay nagu baraarujinayaan nusuustaas oo dhan in aan fursadaha Bishaan ka faaiideysanaa kuna faraxsanaanaa , had iise ay taas dhici weyso amaba uu ruuxa gebi ahaanba soomi waayo waa Dembi aad u weyn Nabiga Suuba (scw) waxaa uu ka digay in ay jiraan dad aan soonka ka faa;iideysan waxa uuna yiri:-Waxaa badan ruux sooman oo aan soonkiisa ka heleynin wax ka badan Oon iyo Ga ajo..???waxaana hubaal ah dad badan oo aan fursad u aqoon soon ka in ay jiraan haddana sooma maadaama dadkii oo dhan ay sooman yihiin, ayagoo aad uga murga Bilashada Bisha aadna ugu farxa hab een walba oo ka mid ah Bisha oo gudba.

Waxaa culimada qaar ka sheegaan inay jiraan dad aad ugu daad aala cabitaanka Biyaha iyo cuntada maalmaha Soonku soo dhawaado ayagoo oo u maleeyo in Calooshoodu wax sahay ah oo Cunto ah u ce lin karto, waxaana laga sheegaa inuu nin shaacir ah oo aan soonka Bilashadiisa ku faraxsaneyn yiri:- ! ??? *** ???

OO MACNIHIISU YAHAY:

haddii Bisha shacbaan 20 gaarto waxaad badisaa cabitaanka biyaha weliba adigoo ku cabbaaya weelal waa weyn maxaa yeelay waaqtigii weel yar biyo lagu cabi lahaa waa cariiriyoobay!!

Waa murugo in kuwa saas ah aay sheegtaan in ay jecel yihiin Diinka Islaamka oo ku faraxsan yihiin Bilashada Ramadaan, waxaa Muslimiintii hore caado u ahaan jirtay inay illaah ka baryi jireen inuu ga arsiiyo Ramadaan sanadka barkiis ,barka kalana waxa ay illaah ka baryi jireen inuu ka aqbalo Cibaadooyinkii ay sameesteen Bisha Ra madaan ioo sanadka oo dhan waxaa fursad xaga Cibaadaadka ah Muslimiinta uga arki jireen Ramadaan si gaar ah.

waxaa Diyaariyay Calinuur Xoogsade

calixoogsade@hotmail.com

FG:Akhriste fadlan ha dhigin meel aan Nadiif aheyn Qoraallo Dini ah ayaa ku yallaan ee Xafid Adigoo Mahadsan




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip