Waxaa sanadahaan dambe aad u soo batay Xiriirka ka dhexeeya dabaaldega sanadka cusub iyo Ciidda Kiristaanka

0
Friday December 25, 2015 - 18:45:02 in Maqaallo by
  • Visits: 1514
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxaa sanadahaan dambe aad u soo batay Xiriirka ka dhexeeya dabaaldega sanadka cusub iyo Ciidda Kiristaanka

    xafladaha soomaalidu iyo guud ahaan Muslimmintu u dhigto soo dhaweynta sanadka cusub ee Milaadiga, waxaana caado noqotay in la qabto xaflado, riwaayado iyo hambalyo ku aadan sanadka cusub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

xafladaha soomaalidu iyo guud ahaan Muslimmintu u dhigto soo dhaweynta sanadka cusub ee Milaadiga, waxaana caado noqotay in la qabto xaflado, riwaayado iyo hambalyo ku aadan sanadka cusub.

Dhanka kale dawladda Soomaaliya ayaa markasta soo saarta baaq ku saabsan inaan ciidda Kiristaanka (Christmas) laga xusi Karin Dalka Soomaaliya. Haddaba waxaa isweydiintu tahay maxay tahay xiriirka ka dhexeeya sanadka Milaadiga iyo ciidda Kiristaanka?

Inta aynaan ka jawaabin su’aashaas waxaan fiirinaynaa horta muxuu yahay snadka cusub? Yaa u muddeeyay 1-da January? Goormuu soo bilawday?

Sanadka milaadiga waxaa loo yaqaan Kaleendarka Girigooriyan (Gregorian calendar) ama kaleendarka Kiristaanka (Christian Calendar) waxaana loogu magacdaray ninkii alifay oo ahaa baadari la oran jiray Pope Gregory XIII oo u dhashay dalka Ingiriiska.

Baadarigaan wuxuu alifey sanadka milaadiga Bisha February 1582. Xilligaas wixii ka horeeyay caalamka waxaa ka jiray Kaleendaro kala duwan oo qoloba si u xusto, xattaa yurub kama jirin hal calendar oo ay isku raacsan tahay, waxaase yurub ugu caansanaa kaleendar la oranjiray Julian Calendar. Xilligaas ka hor sanadka cusub wuxuu yurub u bilaaban jiray 25-ka Maarso (March 25th) taas oo ay sheegaan inay ku aadan tahay dhalashadii Maryam (CS). Baddalida Kaleendarku waxay ka dhalisay dalalka reer Yurub dood dheer.

new-year-2016jwhr..

Xiriirka ka dhexeeya dabaaldega sanadka cusub iyo Ciidda Kiristaanka Jowhar.com

Waxaana loo kala qaybsamay kooxaha iyo dawladaha Kaatooliga oo markiiba soo dhaweeyay sanadka cusub iyo kuwa boroteestanka (Protestant) oo ku doodayay inay tahay mu’aamarad kaatooligu soo abaabulay. Taas ayaana keentay dib u dhac ku yimaada in la meel mariyo ku dhaqanka sanadka cusub.

Tusaale ingiriisku wuxuu qaatay sanadka maantay la yaqaan ee milaadiga taarikhdu markay ahayd 1752, taas oo ah 170 sano kadib markii la alifey, dawladaha kale ee reer yurubna midba marbuu qaatay waxaana ugu dambaysay dawladda Ruushka oo qaadatay 1919 kacdoonkii ruushka kadib. Xaqiiqatan ilaa hadda waxaa jira dad ku dooda inuusan ahayn kaleendar sax ah, una baahan yahay in wax laga bedalo xussana khaladaad badan oo ku jira.

Haddaba muxuu yahay xiriirka kala dhexeeya?

Sida la wada ogyhayba ciidda Kiristaanku waxay ku began tahay 25-ka December oo ay sheegaan inay tahay dhalashadii Nabi Ciise (CS). Marka laga soo tago saxnimada inay tahay dhalashadii Nabi Ciise iyo in kale, waxaa la dhihi karaa xiriir diimeed ayaa ka dhexeeya Ciidda Kiristaanka iyo xuska Sanadka. Xiriirkaas waxaa weeye, diimaha samaawiga ah oo dhan waxay qabaan in ilmaha (wiilku) markuu dhasho 7 maalmood kadib la gudo. Waxayna Kiristaanka gaar ahaan firqada Kaatooligu aaminsanyihiin in 1-da January tahay maalintii Ciise la guday. Haddaba waxaa muhiim ah in la fahmo in debaaldega sanadka cusub ka mid yahay dabaaldegyada ciidda kiristaanka.

Haddaba waxa ala isweydiin karaa maxaa keenay in sanadkaan Kiristaanka ku saleysan caalamka oo dhan laga isticmaalo? Jawaabta arintaas waxay noqon kartaa dhawr qaybood. Marka koowaad in Kaleendarkaan dunida ku faafo waxaa keenay ayada oo dhaqangalkiisu la kowsadey xiligii yurub bilawdey gumeysiga dunida.

Waliba waxaa muhiim ah in la xuso in fiditaankii gumeyysiga reer yurub ay hormuud iyo garwadeenba ka ahaayeen kooxaha diinta Kiristaanka faafiya (missionaries). Sidaas ayuuna ku noqdey Kaleendarkaan mid caalanka ku faafa oo dadka laga wada gadey. Waxaa kale oo jirta dawladihii ka dhashey gumeysiga kadib oo ku dhaqankiisa qaatay isla markaastana aan isku taxalujin inay dadkooda fahamsiiyaan inuu yahay raadkii gumeysiga reer yurub. Dawladahaas waxaa laga soo reebi karaa dawlada China, Iran iyo Ethiopia oo ayagu leh sanad u gaar ah.

Tan labaad waxaa la dhihi karaa dawladaha muslimiinta iyo malaha culimaduba waaka gaabiyeen inay dadka Muslimiinta ah fahamsiiyaan xiriirka diimeed ee ka dhexeeya ciidda Kiristaanka iyo Sanadka cusub oo maantay nasiib daro looga dabaal dego guud ahaan caalamka islaamka.

Gunaadakii, waxaan leeyahay ciddii xusi laheydey ogaada, inuu sanadkaan aad xuseysaan alifey Baadari Kiristaan ah, inuu xiriir diimeed la leeyahay ciidda masiixiga, inay faafiyeen dunidana wada gaarsiiyeen hawl wadeenaddii gumeysigii reer yurub.

Waxa soo diyariyey


Cabdiwali Maxamud Qurux



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip