Sideed ugu sheegi leheyd?. Q0rmo Cajiib ah!!

0
Tuesday May 22, 2018 - 21:43:09 in Wararka by
  • Visits: 709
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sideed ugu sheegi leheyd?. Q0rmo Cajiib ah!!

    Koox Qamarjiyaal Marqaamiin ah oo meel ku wada qayilayay ayaa wadnuhu istaagy mid Saaxiibkood ah. Kadibna Meydkii ayeey u sooQaadeen Guriga Saaxiibkood, Gudoomiyihii Muqayiliinta ayaa waxa uu ka cabsaday in uu ka nixiyo Dumaashidiis, Waxa uuna Go

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Koox Qamarjiyaal Marqaamiin ah oo meel ku wada qayilayay ayaa wadnuhu istaagy mid Saaxiibkood ah. Kadibna Meydkii ayeey u sooQaadeen Guriga Saaxiibkood, Gudoomiyihii Muqayiliinta ayaa waxa uu ka cabsaday in uu ka nixiyo Dumaashidiis, Waxa uuna Go'aansaday in uu si Tartiib ah Wax ugu Sheego.

Dumaashidii ayuu ku yiri: Dumaashi Maanta Ninkaaga Lacag Badan ayaa khamaarka Looga helay?. Waxa ay ku tiri: Balaayo haku dhacdo kaasu waa na dhibay. Mar kale ayuu Marqaankii ku yiri: Dumaashi Guriga aad degantihiina khamaar ayuu dhigtay waana laga helay. Waxa ay tiri: kaas Allow nafta ka qaad intuuna na Xoola tirin. Marqaankii ayaa ku yiri: Naag kalena wuu kula guursaday. Marakaa ayeey tiri: Alla Ciil Badanaa, kaas oo Mayd ah, Maan arko maanta

.

Markaa ayuu yiri: Dhalinyaro, Hadda caadi Waaye ee Meydka Guriga Soo galiya, Dumaashi adiguna is deji, Marxuum Mayd ah lee waaye, Asaay diyaarso.

Su’aal.

Akhristoow, Adigu Sideed Bulshada Somalidu iyaga oo aanan ka nixin aad ugu sheegi laheyd, Lacalla haddii Baddii la iibinayo.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip