Philippe Coutinho Oo Rikoor Ka Jebiyay Lionel Messi! Muxuu Yahay Rikoorkaas, Immisa Ayuuna U Yaallay?

0
Monday May 21, 2018 - 13:53:46 in Wararka by
  • Visits: 495
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Philippe Coutinho Oo Rikoor Ka Jebiyay Lionel Messi! Muxuu Yahay Rikoorkaas, Immisa Ayuuna U Yaallay?

    Laacibka Barcelona khadka dhexe uga ciyaara ee Philippe Coutinho ayaa ku bilawday qaab ciyaareed cajiib ah, tan iyo markii bishii January kaga soo biiray kooxda reer England ee Liverpool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laacibka Barcelona khadka dhexe uga ciyaara ee Philippe Coutinho ayaa ku bilawday qaab ciyaareed cajiib ah, tan iyo markii bishii January kaga soo biiray kooxda reer England ee Liverpool.

Waxa uu qaadanayaa xilli ciyaareed qurux badan walow uu kala jaan qaaday kala bar haddane waxa uu u muuqdaa mid si wanaagsan ula qabsaday kooxdiisa Barcelona iyo horyaalka La Liga.

Laacibka reer Brazil ayaa rikoor xilli ciyaareedkan Messi u yaalay laad la dhacay, maxaa yeelay Leo ayaa ahaa xiddigga ugu badan goolal ka dhaliya meel ka baxsan xerada ganaaxa shanta horyaal ee Yurub ugu waaweyn, isagoo siddeed jeer sidaas sameeyay.



Balse laacibkii hore ee Liverpool ayaa isna siddeed gool ka dhaliyay meel ka baxsan diilinta ganaaxa, afar gool oo uu kasoo dhaliyay Premier League-ga iyo afar kale oo siiyay Barca.

Coutinho ayaa ku dhammeystay nus-xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Barcelona 10 gool iyo 6 caawin tan iyo markii uu kusoo biiray Camp Nou suuqii jiilaalka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip