Muxuu Ka Yiri Halyeeyga Spain Iyo Los Blancos Raul Inuu Tababare Ka Noqdo Real Madrid?

0
Thursday December 24, 2015 - 13:47:05 in Sports News by
  • Visits: 874
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Ka Yiri Halyeeyga Spain Iyo Los Blancos Raul Inuu Tababare Ka Noqdo Real Madrid?

    Miyaan ku arki doonaa maalin uun adigoo tababare ka ah Real Madrid? "Taasi waxaa su'aasha ugu weyn ee la ii weydiiyay beryahaan laakiin waxaan dareemayaa inaan la joogin waqtigii saxdaa haatan. Weli ma aanan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Miyaan ku arki doonaa maalin uun adigoo tababare ka ah Real Madrid? "Taasi waxaa su'aasha ugu weyn ee la ii weydiiyay beryahaan laakiin waxaan dareemayaa inaan la joogin waqtigii saxdaa haatan. Weli ma aanan

qaadanin leysanka tababare, waxaana qabaa in waqti badan uu iga horeeyo. Real Madrid waa gurigeyga; kooxda waxa ay isiisay wax walba intii aan ciyaaryahan ahaa. Waxaa la igu yaqaanaa inaan ahay ciyaaryahan Madrid ah laakiin qibradii ay u soo yeeshay Schalke, Qatar iyo New York Cosmon iyadana abaalmarin fiican ayay aheyd. Si kastaba, Real Madrid waa xubigeyga, waana hubaa waqti ay tahayba mustaqbalka inaan halkaas ku laaban doono.”

1450873279_173850_1450873381_noticia_grande

Raúl González oo dhawaan ciyaaraha kaga fariistay kooxda New York Cosmon ayaa saxaafada kala hadlay qorshayaasha mustaqbalkiisa.


Astaanta Real Madrid:"Real Madrid waa ay ka weyn tahay kaliya hal ciyaaryahan. Waxaa jiray dad badan oo kooxda ku lug lahaa mudadihii sannadaha aheyd, xitaa kuwa aan la aqoonin. Waa muhim inaan hore u socono oo aan suuqgeyno qiimaha kooxda taasoo ah muhiimada.”

Mustaqbalkaaga dhow:"Waan faraxsanahay waqti xaadirkaan, waxaana isha ku hayaa cutubka xiga ee nolosheyda. Waxaan la qabsaday tababar joogta ah iyo inaan isbuuc dhamaadka ciyaaro. Haatan waxaan heystaa barnaamijyo cusub kuwaasoo isiin doona dareen cusub, waxaana u adeegsan doonaa qibradii aan soo dhaxlay mudadii sannadaha aheyd.”



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip