Hordhac: Heegan vs Horseed: Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Finalka Super Cup-ka Somalia

0
Thursday December 24, 2015 - 13:42:36 in Sports News by
  • Visits: 899
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Heegan vs Horseed: Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Finalka Super Cup-ka Somalia

    Ka hor bilowga xili ciyaareedka cusub ee horyaalka soomaaliya waxaa maanta la ciyaari doonaa finalka koobka Super Cupka kaas oo sanad walba dhexmara kooxaha ku kala guuleysta horyaalka iyo koobka Janaraal Daa'uud waxeyna sanadaan ka dhigan tahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka hor bilowga xili ciyaareedka cusub ee horyaalka soomaaliya waxaa maanta la ciyaari doonaa finalka koobka Super Cupka kaas oo sanad walba dhexmara kooxaha ku kala guuleysta horyaalka iyo koobka Janaraal Daa'uud waxeyna sanadaan ka dhigan tahay in Heegan iyo Horseed ay markii labaad tartan isku arkayaan wax ka yar laba isbuuc.

Horseed ayaa ku guuleysatay koobka Janaraal Daa’uud ciyaar dhacday bartamahii bishaan iyadoo xiligaas Heegan ku dubatay 2-1 ciyaar ka dhacday Benaadir Stadium, wuxuuna ahaa kulankii ugu horeeyay oo si toos ah loo tabiyo waxaana si toos ah looga daawanayay SNTV.

Si kastaba tabinta kulankaan waxaa haatan kusoo biiray TV-ga Caalamiga ah ee Universal TV kaas oo SNTV kala qeyb qaadanaya tabinta kulanka maanta wuxuuna noqon doonaa kulan ay daawadaan dad badan madama labadaas Televesion ay yahiin kuwa loogu daawashada badan yahay.

Super Cup
WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Heegan VS Horseed

Tartanka: Supper Cup Match, 2015

Garoonka: Stadium Banadir

Taariikh: 24/12/2015

Waqtiga: 2:45 (Duhurnimo (Xiliga Geeska Afrika)

MAXAA CUSUB?

Labadaan koox ayaa kaliya is arkay maalinimadii Khamiista aheyd ee aynu kasoo gudubnay markaasna waxaa 2-1 ku awood roonaatay kooxda Horseed.

Jabriil Xasan Fariid – kabtanka kooxda Heegan ayaa kulankaan seegi doona waana kulankiisii labaad oo uu ganaax ku maqnaan doono.

MA OGTAHAY?

Horseed ayaa 1-0 ku suldaartay dhigeeda Heegan lugtii labaad kulamada horyaalka xili ciyaareedkii lasoo dhaafay iyadoo Heegan ay lugtii hore ku awood roonaatay 4-0.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip