Chelsea Oo Iibineysa Hazard, Bedelkiisana Keensaneysa Paul Pogba & Griezmann Iyo Wararkii Kale Ee Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska.

0
Thursday December 24, 2015 - 13:23:15 in Sports News by
  • Visits: 837
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea Oo Iibineysa Hazard, Bedelkiisana Keensaneysa Paul Pogba & Griezmann Iyo Wararkii Kale Ee Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska.

    Suuqa kala iibsiga ayaa si rasmi ah u furamaya bisha Janaayo, waxaana wargeysyada ay durbaba ka sii hadlayaan xiddigaha diirada u saaran kooxaha reer Yurub. Waxaana maanta idiin soo uruurinay wararkii ay qoreen wargeysyada Ingariiska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suuqa kala iibsiga ayaa si rasmi ah u furamaya bisha Janaayo, waxaana wargeysyada ay durbaba ka sii hadlayaan xiddigaha diirada u saaran kooxaha reer Yurub. Waxaana maanta idiin soo uruurinay wararkii ay qoreen wargeysyada Ingariiska

Manchester United ayaa diyaar u ah inay u dhaqaaqdo tababaraha kooxda Bayern Munich Pep Guardiola iyadoo gudoomiye ku xigeenka Man United Ed Woodward uu doonayo inuu saxiixiisa kaga hormaro Man City iyo Chelsea. (Daily Mail)

Laakiin Guardiola oo 44 sanno jir ah ayaa noqon doona tababaraha ugu mushaharka badan caalamka isagoo qaadan doona sannadkii 21 milyan ginni haddii uu ku biiro Manchester City. (The Sun)

Louis van Gaal marnaba iskama casili doono shaqadiisa Manchester United sida uu sheegay Raymon Verheijen oo la soo shaqeeyay ninka reer Holland. (BBC Radio 5 Live)

Wargeysyada
Chelsea ayaa qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Leicester City Jamie Vardy oo 28 sanno jirka ah ka dib markii tababaraha ku meel gaarka ah Guus Hiddink ogolaansho loo siiyay inuu ciyaartoy la soo wareego bisha Janaayo. (Daily Mirror)

Chelsea ayaa ku qasbanaan doonta inay lacag siiso tababare Jose Mourinho kaasoo laga ceyriyay shaqada Blues xitaa haddii uu Man United u noqdo tababare. (Telegraph)

Dhanka kale, Chelsea ayaa isha ku heysa tababaraha xulka Chile Jorge Sampaoli iyagoo u arka tababaraha joogtada ah ee Chelsea. (The Sun)

Kooxda Blues ayaa sidoo kale ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo xidiga khadka dhexe ee Juventus Paul Pogba iyo weeraryahanka Atletico Madrid Antonie Griezmann heshiis wadar ahaan ku kacaya 110 milyan ginni, waxaana ay lacagtaas ka heli doonaan iibka Eden Hazard. (Daily Star)

Rajadii ay Liverpool ka qabtay saxiixa weeraryahanka Fiorentina Giuseppe Rossi ayaa sarre u kacday ka dib markii uu wakiilka ciyaaryahanka Talyaaniga u sheegay Radio Marte inay boqolkiiba 99 hubaal tahay inuu ka tagayo Viola. (Football Italia)

Aabaha dhalay xiddiga diirada u saraan Liverpool Marko Grujic ayaa ka qaaday baasaboorkiisa 19 jirka kooxda Red Star Belgrade ee khadka dhexe isagoo isku dayaya inuu horjoogsado heshiiska ay kooxda reer Serbia ku aqbashay dalab 5.14 milyan ginni ah. (Daily Mail)

Tottenham ayay u badan tahay inay dib u soo cusbooneysiin doonto xiisaheeda weeraryahanka West Brom Saido Berahimo ka dib markii Clinton Njie uu ka dhaawacmay. (The Guardian)

Daafaca kooxda Arsenal Calum Chambers ayaa dib ugu laabanaya Southampton amaah ahaan, 17 bilood ka dib markii uu Gunners kaga soo biiray Southampton heshiis 16 milyan ginni ahaa. (The Sun)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip