Adiguna Madaxa iska Xog Xog.=Qormo Kooban=

0
Monday May 14, 2018 - 10:54:53 in Wararka by
  • Visits: 709
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Adiguna Madaxa iska Xog Xog.=Qormo Kooban=

    Jiilka Cusub waxa ay arkeen, tartama ka dhacayo Xamar, oo dhalin yaro tacbaan ah iyo Yaxye oo ka daba Tukubayo ay ka muuqdaan ( Fiiri Sawirka 1aad). Ma kula tahay in Moqadishu Berri hore lagu qaban jiray tartamada Gaadiididka ee hadda caalamku ku ta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jiilka Cusub waxa ay arkeen, tartama ka dhacayo Xamar, oo dhalin yaro tacbaan ah iyo Yaxye oo ka daba Tukubayo ay ka muuqdaan ( Fiiri Sawirka 1aad). Ma kula tahay in Moqadishu Berri hore lagu qaban jiray tartamada Gaadiididka ee hadda caalamku ku tartamo sida Baarbuurta, Mootooyinka iyo Baaskiilada.

Sannadkii 1938dii Tartankii Baaskiilada ee lagu Qabtay Mogadishu waxaa ku guuleeystay nin somaliya oo lagu magacaabi jiray Rage Tifoow ( fiiri Sawirka 2aad).

Mar kale isla sannadkii 1938dii, Mogadishu waxaa lagu qabtay Tartankii Baabuurta "Circuit of Mogadishu”.Tartanka waxaa bilabay Maamulihii Isticmarka ee lagu magacaabi jiray: Francesco Saverio Caroselli, waxa uu ka dhacay waddadii loo yaqiin Corso Vittorio Emanuele, haddana loo yaqaan Via Somalia. Maalintaa tartanka wax shil ahi kama dhicin,waxaa ku guuleystay gaariga shirkada "Alfa Romeo 1750” waxana daawanaya Tartanka 10.000 oo daawadayaal ahaa . (Fiiri Sawirka3aad).

Mar kale Sannadkii 1954 tii waxaa lagu qabtay Mogadishu tartankii Mootooyinka ee loo yaqiin "Grand Premio Moto ciclistico della Somalia” (Moto GP of Somalia). Waxa uuna ka dhacay dhinaca xeebta, wadada loo yaqaan " Secondo Lido” waxana ku guuleysaty "Attilio Di Nunzio” waxana la iska diiwaan galinayay xafiiska tartamayaasha mootooyinka "Moto club of Mogadiscio”. (Fiiri Sawirka 4aad).

Waxa gaddidka laga diiwaan galiyay 1938 saddax xagalka u dhexeeya Janaale- Mogadishu – Jawhar uu ahaa 3000 Baabuur,taaoo aheyd Africa halka ugu badan ee gaadidka iyo dadka isticmala sida ay isagu beegmi karaan, waana tan keentay in Somalia lagu naaneyso "Monte Carladii Afrika”.

Yaana qoraalaka kugu badine , Jiilka cusuboow la soco markaad aragto Tartanka Gaadiidka Safari ee Kenya lagu qabto, ama tartamada kale ee gaadiidka ee caalamka lagu qabto in aan meela badan uga horeynay.Laakin Hadda !!!! Aniguba madaxaan iska xog xogay markaan jawaab u waayay, adiguna iska xog xog.

Intii u dhaxeysay sannadihii 1938-2018 dhica Sportiga maxaa iska bedelay?. Adiga oo tix raacaya qoraalada taxraaca saxda ah leh sida qoraalkaan. Wasaarada Sportigu ma heysaa taariikh koobka tartamadii gaadiidka ee dalka soo maray?.

Qoraalkaan waxaan ugu deeqay jiilka cusub ee xiiseeya taariikhda tartamada ciyaaraha Somalida.

FG:Aragtidaada Xor, wixii aan ka tagay ku dar, wixii aan khaldayna iga sax.

Qore Yahya Amir.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip