Cayaaraha HIRDA AFT 2015 oo lagu soo gaba-gabeeyay Amsterdam (SAWIRRO)

0
Thursday December 24, 2015 - 11:53:34 in Sports News by
  • Visits: 881
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cayaaraha HIRDA AFT 2015 oo lagu soo gaba-gabeeyay Amsterdam (SAWIRRO)

    Waxaa Magaalada Amsterdam ee dalka Netherlands lagu soo gaba-gabeeyay Cayaaraha Soomaalida ee HIRDA Amsterdam Futsal Tournament, kaasi oo sanadkiiba mar lagu qabto dalka Holland,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Magaalada Amsterdam ee dalka Netherlands lagu soo gaba-gabeeyay Cayaaraha Soomaalida ee HIRDA Amsterdam Futsal Tournament, kaasi oo sanadkiiba mar lagu qabto dalka Holland, iyadoona sanadkaan lagu xusayo 11-sano guurada kasoo wareegatay xilligii la aas-aasay qabashada Cayaaraha HIRDA AFT, waxaana Tartanka AFT sanadkaan ka qeyb galay 24-kooxood oo kubada cagta ah, kuwaasi oo kala socday wadamada Netherlands, Norwey, Finland, Ireland, France, Britian, iyo Switzerlands.
Cayaarahaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay marti sharaf ay ka mid ahaayeen; Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowlada Federalka Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, Danjiraha Dowlada Soomaaliya u fadhiya Wadamada Benulex iyo EU-da, Dr. Cali Saciid Faqi, Duqii hore ee Magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Khabiir Isboorti Axmed Sheel, soo saaraha Barnaamijka FAGAARAHA Sadiiq Warfaa, Rug-cadaaga Saxaafadeed Cabdisalaan Ibraahim Hareri, Qaar ka mid ah Cayaartoydii hore ee Soomaaliya, Fanaanka Cabdi Baadil Ibraahim, iyo dad kale oo Magac ku dhex leh Bulshada dhexdooda.
Agaasimaha Guud ee Hey’adda HIRDA Drs. Faadumo Faarax oo ka hor inta aan lasoo gaba-gabeynin cayaaraha halkaasi ka hadashay ayaa u mahad-celisay dhamaan Kooxihii, Madaxdii iyo Marti sharaftii kasoo qeyb-gashay Cayaaraha HIRDA AFT 2015, iyadoona sidoo kale u mahadcelisay Ambassador-kii hore ee Cayaaraha HIRDA, Magan Tahir, waxa ayna halkaasi kaga dhawaaqday in Ambassador-ka cusub ee Cayaaraha HIRDA loo doortay, Cayaaryahankii hore ee Xulka Qaranka dalka Soomaaliya iyo Kooxdii Horseed, Maxamed Ismaaciil (Sitee).
24-kooxood ee ka qeyb galayay cayaarahaan ayaa soo bandhigay cayaar wanaag aad u qiimo badan taasi oo soo jiidatay dadweynihii usoo daawasho tagay cayaaraha, kuwaasi oo isaga kala yimid magaalooyinka kala gedisan ee dalka Netherlands, iyo wadamada dariska la ah dalka Holland, waxaana ugu danbeyn finalka Cayaaraha HIRDA AFT 2015, fooda isu daray Kooxaha Manchester iyo Denhaag.
Kooxda Manchester ee ka socotay dalka Britian ayaa 4-3, ugu awood sheegatay kooxda Denhaag ee ka dhisan dalka Holland, waxaana koobka sanadkaan la guddoonsiiyay Macalinka Kooxda Manchester Cabdilatiif Islow (Foora-Gacan) iyadoona Koobka uu guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed. Waxaa sidoo kale koobka kaalinta labaad la guddoonsiiyay Kooxda Denhaag, waxaana la abaalmariyay cayaaryahankii ugu gool dhalinta badnaa, Gool-hayihii ugu wanaagsanaa, Macalinka sanadkaan, Laacibka sanadka iyo howlwadeenadii gacanta ka geysatay hambsi u socoda Cayaaraha HIRDA AFT 2015.
HIRDA-AFT-2015 (10)
Salah Hassan Omer (Salah Dheere)
Amsterdam – Netherlands
salah@hirda.org

xigasho:-somaliweyn.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip