Dib u eegid soo yaalka taariikhda ( Jabhad & Guulwade).=Qormo Macluumaad badan xambaarsan)

0
Wednesday May 09, 2018 - 22:13:53 in Wararka by
  • Visits: 815
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dib u eegid soo yaalka taariikhda ( Jabhad & Guulwade).=Qormo Macluumaad badan xambaarsan)

    Aan kala faa'iideeysano, jiilka cusubna aan u faa'iideeyno, beentana aan ka dhaafno. Wax badan oo kacaanku qabtay ayaan hore ugu soo hadlay sida: Dugsiyada waxbarashada iyo Jaamacadaha ,Isbitaalada, wadooyin, warshado, Dayn bixin, Shaqa ab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aan kala faa'iideeysano, jiilka cusubna aan u faa'iideeyno, beentana aan ka dhaafno. Wax badan oo kacaanku qabtay ayaan hore ugu soo hadlay sida: Dugsiyada waxbarashada iyo Jaamacadaha ,Isbitaalada, wadooyin, warshado, Dayn bixin, Shaqa abuurid, waddooyin, Qarameeyntii Bangiyadii ajaanibtu laheyd, kor u qaadida wax soo saarka beeraha iyo kaluunka, Raadinta xoriyada Gobaladda soomalida ee maqan iyo Hirgalinta qorista Farta soomaliga .

Maxaaka dambeeyay?. Khaatumadii kacaanka.

Badduba Taligeeda waa naqsataa, Hala yaabin Kacaankii iyo Jabhadihii in midba qof la fiicnaa. Horaa loo yiri: Aduunyada waxaa la uumayada Axad, isniina waxaa la isku qabsaday shalay ayey fiicneyd iyo maanta.

Asgarigii ayaa dastuurkii iyo dowladii uu ilaalinayay tuuray, taa oo sharciyan dambi aheyd, hadduu ku fashilmana loo ciqaabi lahaa. waxauu ku bedelay mabaadii’dii Carlo Marx Hanti wadaag oo ahaa nidaam diidan Diin oo dhan, kana hor imaanayay Diinta Islaamka iyo dhaqanka somalida una aqoonsanaa khuraafaad, ninkaa yahuudka ahaa Marx ayaa sawirkiisu darbi kasta iyo xafiis kasta noo surnaa, asagiina baahi ayaa dishay. kuwii aan uga daysanay ee Ruushka ayaaba wadi waayay nidaamkii Marx oo iska tuuray. Gudoomiyihii kacaankuna meel fagaara ah "stadium Mogadishu”, ayuu ka yiri: "Suuratu Nisa” oo Quraanka ahi lama socon karto waqtiga.

Markii shacabku culeys badan u dulqaatay ,Waxaa bilaabatay in ay abuurmaan Jabhado ka hor yimid kacaankii. Jabhadaha ka hor ayaaba ciidamadii qaranku kala tageen, dad ayaana ku doodaya in Jabhaduhu naga burburiyeen ciidamadii Afrika caanka ka haa, taasi waa been. Ciidamadu waxa ay ka hor yimaadeen Dowladii markii ay ku badatay ciidamada dhaxdooda cadaalad daro iyo sarkaal beeleed. Bisad hadaad qol ku celceliso waa is difaacee. Dad badan oo aan weligood ku fekerin in ay hub qaataan oo dowlad Somali ay la dagaalamaan ayaa dantu ku geysay.

Dowlad la’aan hooyadeed waa dowlad xun, haddii ay fiican tahay lamaba rideen.

Taangiyaal & madfaca BM ah oo dhuuma badan leh ayaa lagu dudumiyay gurya badan oo Xamar ku yaal intaan Jabhaduhu madfac yeelan, Bangiyadiina waa la gubay horaana loo sii bililiqeystay. Dad badan oo shacab ah ayaa la gumaaday. Tusaale: Muwaadiniin gaaraya 80 Qof ayaa hal habeen guryahoodii lagala baxay lana geeyay xeebta Jazeera ee Mogadishu lana xasuuqay, adiguba iska soo qaad haddii dowladii aad maganta u aheyd ,kula baxdo ,maxkamad la’aana ku disho adiga oo aan ogeeyn waxa laguu dilayo, Subax kasta dad la dilay ayaa suuqyada yiil, dad badan ayaa xabsiyada lagu dhax dilay. Shaqaalihii ayaa mushaar loo waayay. Bangiyada Lacagtii shacbku dhigtay ayaa la iska qaadanayay,Hantidaada dekada dhaxdeeda ayaa lagula wareegayay, Baabuurkii qorxana waa lagaa qaadanayay.

Dad qaar ayaa leh bililiqada kacaanku ma bilaabin, ma hilmaameen in Hargesa burburin iyo bililiqaa la isagu daray, Maacuuntii guryaha shacabka iyo saqafyadii in loo soo iib geeyay Xamar iyo magaalooyin kale weliba ciidamadii qaranku ay soo bililiqeysteen, in haweenka ay ciidamadu kufsanayeen , ninkii naftiisa la baxsada in xaaskiisa la fara-xumeyynayay, naagtii qurxoon in xoog lagu wadanayay ,Allah maan ka cabsano oon runta isku sheegno, Gobalada kale in tuulooyinka dowladu ay gubeysay, indhaheeygaan ku arkay, Baraagaha iyo ceelasha al burburinayay, Raga miyigu ceelasha ma imaan Karin Haweenkaa xoolaha loo soo dhiibi jiray, iyadoo qafaal laga baqaya, miyaan qafaal ka carar dartii aan Xamar Masaajida iyo shaleemooyinka fiidkii lagu kala carari jirin, dhalin yarada la qafaalo miyaan ciidamada qaranku gadan jirin, sida Magafihii Liibiya, Runta maa la sheego.

Bililiqada Xamar yaa bilaabay?. Jabhaduhu waxa ay soo gaareen jaqafyadii Guryaha ku haray, Miyaan ciidamadii kacaanku Bililiqeysan guriyihii ajaanibta, Safaaradihii, Xafiisyadii iyo Hoteladii dowlada oon loo iib geeyn deegaanka Suufka iyo meela kale , dhamaan waxaa la qaatay intaan jabhaduhu soo gaarin, eediina iyagaa la saaray.

Tahriibku waxa uu bilaawday kacaanka oo jooga, Aqoon yahankii ayaa bilaabay gabyaa soomaliyeed ayaa 100 sanno ka hor yiri: "Muslinimo ninkaan kugula socon Muuminnimo khaasa, kufri maxasta kuu dhowro ood magansataa dhaama”,danaa tiri hala tahriibo berigaa.fanaaniintii iyo sugaanleydii kale ayaa iyana tahriibay, dhibkana Ku cabiray suugaan sida Siinleeydii iyo kuwa kale.

Ogoow Suntii lagu aasay meela badan oo dalka ah sida wadada Garowe aada hoosteeda waxa lagu aasay kacaanka oo jooga, waxaana ku aasay masuuliyiin isla deegaankaa ah si qorsoodiya.

Kacaanku hadduu mabda’ ku socdo mabda’ ayaa lagu ridi karay, laakin hadduu qabiil ku socdo qabiil oo kaliya ayaa lagu ridi karayay. Madaxdii kacaanka iyo kuwii xisbiga ayaa danu biday in ay reerahoodii aadaan, kana baxsadaan Dowladii, sida : Xuseein kulmiye, Cabdiqaasin Qaasim, Ismail cali abukar iyo kuwa kale , oo dhinicii jabhadaha danu biday: kuwa kale ayaa laftoodu Jabhado sameystay Sida: Jan. Adan gabyoow wasiirkii gaashaandhiga, .Jan. Maxamed Abshir, jan. Cumar xaaji oo waxbadan kacaanka diidanaa kuna muteystay Xabsi ,waxaan ugu tagay Baardheere , wuxuu ahaa weligiiba shakhsi aan jecleyn dhibaatada somaalida, Col. Cabdi warsame oo ka mid ahaa Golihii Sare ee Kacaanka ayaa isna jabhad sameystay.

Jabhaduhu ceeb ma aheyn oo beelahoodii ayaa u aqoonsaday Halyeeyo, SNA Jabhadii Waqooyiga, rageedii kacaanka ka xoreyay waa xustaan oo deegaano ayey ku magacaabeen, SSDF Cabdullahi yusuf ayeey Groon dayaradeed ku magacaabeen, SDM-na Shaar guduud Garoonka Baydhao, Cusmaan caato Garoonka K/galkacyo, Maxamed dheere mardhaw ayaa lagu magacaabay garoonka joowhar, iyo kuwa kale, haddii ay adiga kula xumaayeen dad ayaa u arka halyeeyo xoreeyay, Siyaad-na Gedo ayaa meela lagu magacaabay.Somali iyo Qabiil maxaad ku taqiin.

Gunaanad.

Haddii kacaanku wax wanaagsan uu sameeyay, wax xunna waa sameeyay. Maxaa diidaya, wixii wanaag ah in hore loo sii wado, iyo in wixii uu khaldayna aan looga dayan. Haddiise aadan runta rabin oo hal meel ay kaaga dhegen tahay ,ad lee waaye!!. Somaliyey khalad waa la wada galay Jabhad iyo kacaanba ee armaa leeys warsaa seen wax u saxnaa. Akhristoow, adiguba noloshaada dib u fiiri, wax badan ayaad saxday, waxna waad khaladay, wixii aad saxday hore u sii wad, wixii aad khaladayna ha is hilmaansiin ee iska sax si aadan dib ugu noqon.

Saqiirada kacaankii kadib dhashay yaan been loo sheegin. Waxaa la yiraa: wadaadkii loo masalo xumeeyo isna waa xukun xumeeyaa. Maalintii la riday Kacaanka Somalida oo dhami waa faraxsanaayeen, culeyska ka degay dartii. Haddii runta shalay aadan fahmin, khaladkaaga berrina ma sixi kartid.

wax badan ayaan idiin soo qoray wanaagii kacaanka, weligood ma khaldamin miyaad iga sugeeysiin, Jiilka aan soo gaarin kacaankii hala siro miyaa lagu heshiiyay? Taa anigu ma ogeeyn, dalkeygana igama jeclid.

Hadaad runta u sheegto jiilka cusub , waxaa laguugu baar laxawsanaa adiga oo aqoon yahayn ah miyaad sidaa u hadlee. Waxaan ku ogaaday kommentiyada qoraalkeeygii Shalay. Runta Allaa kugu jecel.

FG: Arragtidaada Xor ayaad u tahay, wixii iga khaldan iga sax,wixii ka dhiman ku dar, Runtana aan u sheegno ubadkeena. "dhashaadeey dhibtaa xaajadaad dhowrataa abide” beentaad u sheegtu ubadkaaguna ka daran.

Qore: Yahya Amir





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip