Italy oo Heshiis la gaartay Macallinkeeda cusub

0
Tuesday May 08, 2018 - 21:39:06 in Wararka by
  • Visits: 574
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Italy oo Heshiis la gaartay Macallinkeeda cusub

    Waxaa lagu soo warramayaa in Roberto Mancini uu aqbalay inuu maamulo xulka qaranka Italy isagoo jaraya mushaarka uu shaqadan ku qaban doono. Zenith St Petersburg macallinkeeda ayaa horraan wada hadallo la furtay xiriirka Italy oo u qorsheeyay maca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa lagu soo warramayaa in Roberto Mancini uu aqbalay inuu maamulo xulka qaranka Italy isagoo jaraya mushaarka uu shaqadan ku qaban doono. Zenith St Petersburg macallinkeeda ayaa horraan wada hadallo la furtay xiriirka Italy oo u qorsheeyay macallinkooda cusub iyo shaqaalihiisa inay siiyaan €5m, waana lacagta uu keligiis ka qaato kooxda Russia ka dhisan.

Si kastaba ha ahaatee, Gazzette Dello Sport ayaa werrineysa in Mancini uu qaadan doono €2m, halka shaqaalihii waxa la siin doono laga fariisan doono xilliyada soo aaddan, inkastoo aan weli si rasmi ah loo magacaabin tababarihii hore Manchester City.

Zenit ma dooneyso inay iska fasaxaan macallinkan, halka xiriirka dalka Italy ee FIGC aysan diyaar u ahayn inay bixiyaan lacagaha lagu nasakhi karo heshiiska uu kula jiro kooxdiisa.

Ma jirto wax ka hor taagan Mancini inuu iska casilo Zenit isla markaas uu qabto la heshiiyo xulka Italy, balse kooxda reer Russia ayaa kiiskan ula tagi doonto FIFA.

Xiriirka Italy ayay waajib ku tahay inay bixiyaan lacago mag dhow ah, maadaama ay FIFA go’aamisay in magdhow lagu daro heshiiska haddii aysan jirin sabab uu uga tagayo kooxda.

Mancini ayaa doonaya inuu dib ugu yeero Mario Balotelli, sidoo kale Gigi Buffon ayuu ka dalban doonaa inuu ka hor geeyp ciyaartiisii ugu dambeesay xulka Netherlands.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip