Geerida Sir Alex Ferguson Miyaa La Qarinayaa? Mise Xaalad Kale Ayaa Jirta?!!

0
Tuesday May 08, 2018 - 08:33:11 in Wararka by
  • Visits: 678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Geerida Sir Alex Ferguson Miyaa La Qarinayaa? Mise Xaalad Kale Ayaa Jirta?!!

    Inkasta dunidan uu ku yaryahay in laga badbaado qaliimada wadnaha iyo maskaxda qofka lagu sameeyo oo ay badantahay dadka u dhinta ayaa maalnahan waxaa aad dunida is qabsaday xaalada dag dag ah uu galay halyaygii hore ee Man United Macalinka ugu guula

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inkasta dunidan uu ku yaryahay in laga badbaado qaliimada wadnaha iyo maskaxda qofka lagu sameeyo oo ay badantahay dadka u dhinta ayaa maalnahan waxaa aad dunida is qabsaday xaalada dag dag ah uu galay halyaygii hore ee Man United Macalinka ugu guulaha badan dunida Sir Alex Ferguson kaasi oo galay usbuuc uu la dagaalamaayo noloshiisa maadaama maskaxda dhiig kaga furmay.
"Brain Haemorrhage” oo ah dhiig bax maskaxeed ayaa waxaa uu %75 dadka uu ku dhacaa u geeriyoodaan ugu badnaan bil kadib waayo qaliimada ayaa joogta noqon kara qofka haduu jirkiisa daciif yahayna waa ugu sii darantahay tiiyoo jirto Ferguson waa 75 sano jir daryeel iyo xanaano u baahan.
Dhiigbax maskaxeed ayaa ku dhaca dadka aadka u fikira waxaana saxaafada qaar ay leeyihiin waa xanuun soo booda ah oo sababi kara dhimasho dag dag ah ilaahey hanaga hayee.
Shaki badan ayay muujiyeen saxaafada gudaha ee England taasi oo ah in isbitaalka Salford Royal Hospital oo ah kuwa ugu qaalisan UK oo qaliinka loogu saneeyay Sirka maanta la diiday in ehelada iyo dadka qaar soo booqdaan iyaga oo loo sheegay in xaalad jirta owgeed aanan la ogolayn.
Maamulaha guud ee Salford Royal Hospital 

Dr Peter Turkington ayaa howsha ugu xilsaaran waxaana shakiga sii abuuray iyada oo la arkayay gabadha uu dhalay Ferguson oo lagu magacaabo Nadine Ferguson oo kasoo baxaysa isbitaalka iyada oo ilmaynaysa balse diiday in ay hadasho taasi oo loo fasiran karo in aabeheed xaaladiisa wanaagsanayn.

Geerida Sir Alex Ferguson miyaa la qarinayaa? Mise Xaalad Kale Ayaa Jirta?!!


Doctor Mark Porter ayaa isna qoraal uu arintan kaga hadlayay ku sheegay in gudaha UK ay yartahay in qaliimadan dadka lagu sameeyaa ay xasuusuhoodii hore yeeshaan isaga oo yiri.
"Gudaha UK 20:kii qofood ee qaliimadan lagu fuliyaa waxaa ka badbaada hal qof”waana xaalad aad u adag.
Waraysyada caalamka ayaa maanta daabacay in Alex Ferguson usbuucan ay u bilaaban doonto xaaladii ugu qatarsanayd noloshiisa qaliin labaad ayaana loo baahnaan doonaa waa hadii uu sidaan wax iska badali waayo hadase ogaalkiisa wali ma fiicna.
Dunida Sportska qaybeheeda kale duwan ayaa si isku mid ah ugu fal celiyay xanuunkan dag dag ah ee Sir ka kusoo booqday macalimiin,ciyaartoy,hayado iyo shaqsiyaad caan ah ayaa ugu duceeyay in uu caafimaad dag dag ah helo Ninkan taariikhda ku qoray macalininadiisa.
Warbixintan waxaa idiin tarjumay:
Abdalla Hassan Baliil



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip