Luis Suarez Oo Ka Hadlay Wararka La Xiriirinaya Griezmann kooxda Barcelona

0
Saturday May 05, 2018 - 19:39:03 in Wararka by
  • Visits: 607
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Luis Suarez Oo Ka Hadlay Wararka La Xiriirinaya Griezmann kooxda Barcelona

    Antoine Griezmann ayaa lala xiriirinayay inuu ku biiri doono kooxda kubadda cagta ee Barcelona, waxaana Luis Suarez uu rajjo fiican ka muujiyay inuu ciyaaryahankaan noqdo laacib ka tirsan Barca.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Antoine Griezmann ayaa lala xiriirinayay inuu ku biiri doono kooxda kubadda cagta ee Barcelona, waxaana Luis Suarez uu rajjo fiican ka muujiyay inuu ciyaaryahankaan noqdo laacib ka tirsan Barca.

Weeraryahanka Barcelona Luis Suarez ayaa tibaaxay in ciyaaryahanka reer France uu kusoo biiri doono kooxda La Liga ku guuleysatay, sidoo kale waxa uu carrabka ku dhuftay inay aad usoo dhoweyn doonaan Antoine Griezmann.

27-jirka weerarka uga ciyaara Atletico Madrid ayaa si xoog leh loola xiriiriyay inuu u dhaqaaqo Camp Nou, waxa uuna hadda xilli ciyaareed fiican ku qaadanayaa caasimadda Madrid isagoo shabaqa gaaray 27 jeer dhammaan tartamada.

Griezmann heshiiska uu kula jiro Atletico waxa uu ku egyahay 2022, Luis Suarez ayaana si kalsooni leh u shaaciyay in faransiiskan uu kusoo biiri doono Barcelona.

"Waa wax kooxda u fiican in lagu soo biiro ciyaartoy tayo sare leh,sida Antoine, Dembele iyo Coutinho” ayuu u sheegay raadiyaha Rincon lagu magacaabo.

Waxa uuna raaciyay " waa ciyaaryahan wax badan soo kordhin kara, dhowr sano ayuu ku ciyaarayay heer sare, waxa uu hooggaamiyaa weerarka Atletico taas ayaana aas-aas ah”.

"Waan soo dhoweyn doonnaa” ayuu kusoo qatimay hadalkiisa Luis Suarez.

Kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa xilli ciyaareed qurux badan ku jirta maadaama ay gacanta ku dhigtay La Liga iyo Copa Del Rey, inkastoo ay tartanka Uefa Champions League-ga ku hareen wareegga Rubac dhammaadka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip