Xildhibaan ayaa yiri: waa la i nabayaa, weligey laaluush gacanteyda ma saarin Nasashada Jimcaha. Q- 94aad.

0
Friday May 04, 2018 - 19:37:11 in Wararka by
  • Visits: 835
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan ayaa yiri: waa la i nabayaa, weligey laaluush gacanteyda ma saarin Nasashada Jimcaha. Q- 94aad.

    1-Nin ayaa habeen hurdu la'aani ku dhacday oo sariirta marba dhinac isku rogayay. Xaaskiisii ayaa soo toostay oo ku tiri: maxaa kugu dhacay?. Waxa uu yiri: hurdo ayaa iga soo dhici la'. Waxay ku tiri: Ma rabtaa in aad si dhaqsi ah u hurdadu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Nin ayaa habeen hurdu la'aani ku dhacday oo sariirta marba dhinac isku rogayay. Xaaskiisii ayaa soo toostay oo ku tiri: maxaa kugu dhacay?. Waxa uu yiri: hurdo ayaa iga soo dhici la'. Waxay ku tiri: Ma rabtaa in aad si dhaqsi ah u hurdadu ?. Wuxuu yiri: Haa.

Waxey tiri: Istaag oo jikada gal, kadibna caano la soo bax, 2 koob ku shubo, kadibna sokorta qaanadda kor saaran laba mar ku soo qaad kuna walaaq, kadibna wax yar kululeyli, Caanaha oo qandac ah cab, kadibna koobka dhaq oo meeshiisa ku celi, qaadadana dhaq oo meesheeda ku celi, sokortana meesheedii ku celi, kadibna jikada soo nadiifi, kadibna koobka labaad soo qaad, gabadha yar haddii ay soo toosto sii. Intii ay hadalkii waday ayuu ku yiri: Bes bes bes……intaas ayaanba ku daalay ,Hurdaana i qabatay, wuuna seexday.

( Hurda weyne, xaasku waxay kaa heyso ma og tahay? War Hawenka ha loo kaalmeeyo) Fiiri Sawirka 1aad.

2- Oday ayaa Wiilkiisa oo arday ah ku yiri: Maandhow waxaan soo gaaray, Aadan Cade, Xuseen Cade, Weliyoow cade, Xamar cade, Marka Cadeey,iyo……. Markii aan Dugsiga sare ee "Allahi” ee Xamar dhiganaayay, Macalimiinta Masaarida waxaa lagu kala magacaabi jiray: MUTAWAKIL Bilaahi iyo MUCTASIM Bilaahi. Maandhoow aduunyo waa isbedeshaye Siyaasiyiinta cad cad ee Somalida maanta joogta Magacood?. Wiilkii ayaa yiri kuwaan waxaa la yiraa: ACUUDU Billaahi.

3- Nin Bakhiil ah ayaa isaga oo Ceelgaabta Xamar maraya waa ka dhuntay 10 shillin oo sanuud ah oo uu watay, raadkiisii ayuu dib ugu noqday isaga oo ka fiirinaya Bacaadka, wuxuuna yiri: Sh. Cabdulqaadiroow ,haddaan helo Lacagteydii Sanuuda aheyd hal shilin oo ka mid ah ayaan kuu soo bixinayaa ( kuu soo Sadaqeeynayaa) , Bacaadkii ayuu ka soo gurbiyay shillinba meeshii uu uga dhacay, waxa uu helay 9 Shillin , Shillinkii kale waa ka quustay. Isaga oo aan rabin in uu sagaalkaan wax ka bixiyo ayuu yiri: waa sh. Cabdulqaadir caqligaas!!!!,ogoow Shillinkiisiina waa reebtaye.( F S : 2aad ).

( Nin Aabihii Maytada ballan uga bixi jiray, oo madax noqday adiga miyuu kuu daahaa?).

4-Naag ayaa u soo dacwootay xarunta police-ka iyada oo ooyeysa. Waxa la yiri: Maxaa kugu dhacay?. Waxa ay tiri: waa la i kufsaday. Waxa laweydiiyay siduu kuu kufsaday noo sheeg, si Dacwada loo qoro? Waxa ay tiri: Lugta bidix ayuu kor u qaaday. Waxa la yiri: sug ,tii midigna ?. waxa ay tiri: jiid jiid miyaan ka ceeyntaa, iyo waqti dhumis, midigta anigaa kor u qaaday. kkkkkk Police kii ayaa yiri: taasi waa naqaan waa is wada kufsi iyo fududeyn fal dambi.

( xildhibaan ayaa yiri: waa la i nabayaa, weligey laaluush gacanteyda ma saarin xaaraantaas, waxaa la yiri: Doorashadii dhaweydna?. Waxa uu yiri: jeebkaan u furi jiray, waana lagu ridi jiray). F S: 3aad.

5- Nin bakhiil ah ayaa xaaskiisii ka xanuunsatay. waxa ayna ku tiri: Dhaqtar ii geey. Ninkii ayaa ku yiri: iska dhaaf dhaqtar beri waad caafimaadee. Xunuunkii ayaa ku batay , isna maalin kasta waxa uu ku yiraa: Beri waad caafimaadee. Xaaskii Bakhiilka ayaa xanuunkii u dhimatay isaga oo aanan weli dhaqtar u geeyn.

Markaa ayuu yiri: Alxamdu lilaah, haddii aan dhaqtar geyn lahaana wey dhiman laheyd, Qofna saacadiisa dhaafi maayo, Lacagtuna waa iga bixi laheed. Alxamdu Lilaah, Allaa khasaaradaas iga badbaadiyay.

( Siyaasiyiinta reer Hiiraanoow Bakhiila maba tihiin !!!!???, Adinkoo wax bixinaayana maba la arage, armada beri dhahdiin, Alxamdu lilaah, lacaguna igama bixin Xareediina waa iska gurtay, Ar dadka u naxa). F S: 4aad.

6- Haweenay 72 jir ah ayaa odaygeedii oo 78 jir oo muddo dheer ayna la falaadin, ayaa waxa ay gacanta ka galisay surwaalkiisa iyo jirkiisa dhaxdooda. Waxa uu yiri: waaya waayo miyaad soo xasuusatay?. Waxa ay tiri: Maya ee Jimcaha Meeytada waa la soo Booqdaa.

( Janaraaladii hore mid ka mid ah ayaa waxa uu arkay, janaraal beeleed Dacas wataoo la salaamayo, asagiina wayaa waayo ayuu xasuustay….. Darbi ayuu salaamay). F S : 5aad.

Qore: Yahya Amir

XIGASHO:-SOMALIWEY.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip