Martin Skrtel Oo Muddo Lix Todobaad Ah Garoomada Ka Maqnaan Doona Iyo Skrtel Oo Dhaawica Soo Gaadhay Ka Hadlay

0
Wednesday December 23, 2015 - 12:40:32 in Sports News by
  • Visits: 911
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Martin Skrtel Oo Muddo Lix Todobaad Ah Garoomada Ka Maqnaan Doona Iyo Skrtel Oo Dhaawica Soo Gaadhay Ka Hadlay

    Liverpool ayay dhibaato hor lihi soo gaadhay waxaana muddo lix todobaad ah garoomda ka maqnaan doona difaaca dhexe ee Martin Skrtel kaas oo uu dhaawac muruqa ahi ku soo gaadhay kulankii ay Reds guuldaradu ka soo gaadhay kooxda Watford. Skrtel ayaa mi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liverpool ayay dhibaato hor lihi soo gaadhay waxaana muddo lix todobaad ah garoomda ka maqnaan doona difaaca dhexe ee Martin Skrtel kaas oo uu dhaawac muruqa ahi ku soo gaadhay kulankii ay Reds guuldaradu ka soo gaadhay kooxda Watford. Skrtel ayaa miiska daawaynta Reds kula biiray Lovern oo isaguna wali Reds dhaawac kaga maqan.

Xidiga ree Slovakia ayaa dhaawac soo gaadhay laysla dhex marayay in uu muddo dheer garoomada ka maqnaanayo wuxuuna Skrtel kala cadeeyay waqtiga uu garoomada ka maqnaan doono.Markii hore ayaa la filayay in Skrtel uu garoomada ka maqnaan doono muddo saddex bilood ah balse waxa uu 31 jirkani wacad ku maray in uu si deg deg ah uga soo laaban oono dhaawacan wuxuuna jamaahiirta Reds ukala cadeeyay dhaawiciisa.

Martin Skrtel ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray: "Kadib markii war xan ah laysla dhex marayay, waxaan doonayaa in aan sheego waqtiga aan dhaawaca ku maqnaan doono mana aha saddex bilood”.

skrtel
"Kadib markii uu isoo gaadhay dhaawc dilaac muruqa ahi waxaan maqnaan doonoo lix todobaad. Waxaan si adag uga shaqayn doonaa ka soo kabsashadayda waxaanan samayn doonaa wax kasta si aan u soo laabto sida ugu deg deg badan ee ugu suurtogalsan, waxaanan soo laaban doonaa aniga oo sidii hore ka xoogan, waad ku mahadsan tihiin taageeradiina” ayuu Skrtel qoraalkiisa sii raaciyay.

Liverpool ayaa kulamadii ugu danbeeyay hoos dhawac wayn laga dareemayay waxayna kaalinta 9 aad kaga jirta kala saraynta horyaalka Ingiriiska, waxayna 24 dhibcood ka heshay 17 kulan oo ay ilaa hadda ciyaartay. Reds ayaa kulan adag maalinta boxing day-ga la ciyaari doonta kooxda Leicester City oo hogaanka u haysa horyaalka, waxaana kulankiisii ugu horeeyay seegi doona Skrtel.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip