Liverpool oo iska xaadirisay Finalaha tartanka champions league

0
Thursday May 03, 2018 - 10:01:23 in Wararka by
  • Visits: 578
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liverpool oo iska xaadirisay Finalaha tartanka champions league

    Kooxda Roma ayaa fagta hore cayaarta hujuum xoogan kusoo qaaday Liverpool sidoo kalena kooxda Talyaaniga waxay rabtay inay daqiiqadaha hore gool la imaado.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Roma ayaa fagta hore cayaarta hujuum xoogan kusoo qaaday Liverpool sidoo kalena kooxda Talyaaniga waxay rabtay inay daqiiqadaha hore gool la imaado.

Balse Sadio Nianglon ayaa kubad isku qalday asigoo khadka dhexe ku sugan waxaana kubadii lugta ku dhigay Firmino oo baas qurux badan gaarsiiyay Mane kadibna kubada shabaqa ku hubsaday daqiiqadii 9-aad.

Firmino ayaana noqday xiddiga ugu horeeyay ee todobo jeer caawiyey sidoo kale wax ka badan dhaliyey xilli ciyaareydkan tartanka champions league 10-gool u dhaliyey 7-caawinaad ayuuna sameeyay.

James Milner ayaa gool iska dhaliyay daqiiqadii 15-aad kadib markii kubad Lovren uu iska bixin rabay madaxa kaga dhacday cayaartana waxay noqotay 1-1.

waa markii ugu horeesay ee ay Liverpool iska dhaliso Milner goolkii cawa uu iska dhaliyey tan iyo sanadkii 2008-da,John Arne ayaana iska dhaliyey afar dhamaadka tartanka champions league ayakoo jooga.

Liverpool wax qal qal ah ma muujinin waxaana hogaanka usoo celiyay Georginio Wijnaldum oo cayaarta 2-1 ka dhigay daqiiqadii 26-aad asigoo madaxa ku dhaliyay kubad koorno ahayd oo Dzeko madaxa ku dhuftay.

Wijnaldum waxaa uu dhaliyey goolkiisa 19-aad kooxaha England asigoo u ciyaaraya 11-goal Newcastle ayu u dhaliyey 8-liverpool ayuu u dhaliyey.

Roma wey dadaashay waxaana darbad qoriga goosha Liverpool ku dhuftay El Sharaawy balse natiijada cayaarta waxba kama badalin.

Qaybta hore waxaa lagu kala nastay 2-1 oo ay Liverpool ku hogaamineyso qarkana u saaran inay kama dambeesta koobka horyaalada Yurub usoo baxaan.

Markii dib lisugu soo laabtay Roma ayaa dadaalkeeda ku aadanaa goolasha habkii ay isaga soo gudi laheyd sii waday, Edin Dzeko ayaan shabaqa Reds soo taabtay ciyaartana bar baro ka dhigay.

Edin Dzeko wuxu dhalinaayey kulan kasta shantii kulan ee ud ambeysay tartanka champions league waa xiddiga ugu dheer ee taariikhda kooxda Roma.

sidoo kale waxaa u dhaliyey goolkiisa 8-aad waana xiddiga ugu badan kooxaha reer talyaani goolal intaas dhaliyey tartanka champions league Samuel Eto’o ayaana xilligiisa Inter 8-goal dhaliyey xilli ciyaareydkii 2010-2011.

liverpool ayaa noqotay kooxda labaad ee dhalisa 20-goal meel ka baxsan gurigeeda tartanka champions league hal xilli ciyaareyd, Real Madrid ayaa saan hore u sameysay xilli ciyaareydkii 2013-2014.

Guud ahaan 29-goal ayey dhaliyeen hal xilli ciyaareyd tartanka champions league saddexda weeraryahan ee liverpool weerarka kaga ciyaara Farminho 10-goal, Salah 10-goal iyo Mane 9-goal ah, waxaan ay ka kor mareyn Bale, Benzema iyo Ronaldo oo 28-goal guud ahaan dhaliyeen fasal ciyaareydkii 2013-2014.

Radja Nainggolan ayaa mar kale shabaqa gaaray kaasoo ciyaarta ka dhigay 3-2 hogaankana ugu dhibay Roma inkastoo goolasha kulanka hore laga dhaliyey ay saameyn ku yeeleynso kooxda Roma.

sidoo kale daqiiqadii ugu dambeysay ee ciyaarta gool ku laad loo dhigay Roma ayuu shabaqa soo taabsiisay Radja Nainggolan kaasoo si fasameesan u daba mariyey goolhayaha.

Liverpool ayana ugu dambeyn 7-6 kaga soo gudubtay kooxda Roma afar dhamaadka tartanka champions league, lagamana adkaan tartanka inta uu socday Reds, qof walbana wuxuu sugaya Cardif waxa ka dhici doona markii Real Madrid iyo Liverpool ay is wajahaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip