Heshiis Miyaa Dhexmaray Man United Iyo Jose Mourinho? – Wakiilkiisa Jorge Mendes Ayaa Ka Jawaabaya.

0
Wednesday December 23, 2015 - 12:35:09 in Sports News by
  • Visits: 810
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heshiis Miyaa Dhexmaray Man United Iyo Jose Mourinho? – Wakiilkiisa Jorge Mendes Ayaa Ka Jawaabaya.

    Manchester United uma aysan soo dhawaanin Jose Mourinho si uu u bedelo Louis van Gaal, mana jiro heshiis dhexmaray Mourinho iyo Man United sidaasi waxaa sheegay wakiilkiisa Jorge Mendes.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United uma aysan soo dhawaanin Jose Mourinho si uu u bedelo Louis van Gaal, mana jiro heshiis dhexmaray Mourinho iyo Man United sidaasi waxaa sheegay wakiilkiisa Jorge Mendes.

Tabaraha reer Portugal ayaa si weyn loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Old Trafford ka dib markii uu Chelsea ka tagay isbuucii hore.

Mourinho ayaa shaaciyay inuusan dooneynin inuu qaato waqti uu ku nasto islamarkaana uu raadinayo fursad kale oo tababarenimo.

Van Gaal ayaa cadaadis weyn ku jira iyadoo United aysan badinin lix kulan oo isku xigta, waxaana ay sagaal dhibcood ka danbeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Leicester iyagoo sidoo kale ka soo haray Champions League.

Si kastaba, Mendes ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya in tababarihii hore ee Chelsea inuu u dhaqaaqayo Old Trafford.

"Ma jiraan waxba. Ma naqaano waxa dhici doona mustaqbalka laakiin waqtigaan la joogo ma jiro heshiis u dhaxeeya Mourinho iyo Man United” ayuu Mendes u sheegay Globo Esporte.

"Sidoo kalena ma jirto dalbasho rasmi ah, taasina run ma ahan.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip