Petr Cech Oo Fariin U Diray Kooxaha Ingariiska: Arsenal Ayaa Ku Guuleysan Doonta Premier League.

0
Wednesday December 23, 2015 - 12:30:59 in Sports News by
  • Visits: 853
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Petr Cech Oo Fariin U Diray Kooxaha Ingariiska: Arsenal Ayaa Ku Guuleysan Doonta Premier League.

    Goolhayaha Arsenal Petr Cech ayaa sheegay in soo laabashada qaar ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican kooxda inay ka dhigi doonto inay ku guuleystaan horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goolhayaha Arsenal Petr Cech ayaa sheegay in soo laabashada qaar ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican kooxda inay ka dhigi doonto inay ku guuleystaan horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Gunners ayaa 2-1 habeen hore kaga badisay Man City iyadoo guushaas ay la micno aheyd in laga badiyay kaliya hal kulan 11kii kulan ee ugu danbeysay.

Kooxda Arsene Wenger ayaana guulahaas ku gaaray iyadoo ay ka maqan yihiin xiddigo muhim u ah sida Jack Wilshere, Mikel Arteta, Santi Cazorla, Danny Welbeck, Tomas Rosicky iyo Francis Coquelin.

Cech ayaana aaminsan in dadaalkooda ay sameeyeen iyagoo qaba dhaawacyadaas inay ka marqaati kaceyso inay awood u leeyihiin inay qaadaan koobka bisha May.

Waxa uu u sheegay BBC SPort: "Kooxda aad ayay u xoogan tahay, marka qof walba uu taam inoo noqdo islamarkaana uu tababaraha u isticmaali karo ciyaaryahan walba sida uu jecel yahay, taas ayaa faa’idadeena noqon doonta waxaana awoodi doonaa inaan koobka ku guuleysano.

"Waxaa xilli ciyaareedka soo marnay dhibaatooyin badan.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip