Real Madrid oo u soo gudubtay kama dambeysta Champion-ka

0
Wednesday May 02, 2018 - 09:00:56 in Wararka by
  • Visits: 582
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid oo u soo gudubtay kama dambeysta Champion-ka

    Real Madrid's players celebrate after a goal during the UEFA Champions League semi-final second-leg football match Real Madrid CF vs FC Bayern Munich in Madrid, Spain, on May 1, 2018. (Photo by Christof STACHE / AFP) (Photo credit should read CH

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid's players celebrate after a goal during the UEFA Champions League semi-final second-leg football match Real Madrid CF vs FC Bayern Munich in Madrid, Spain, on May 1, 2018. (Photo by Christof STACHE / AFP) (Photo credit should read CHRISTOF STACHE/AFP/Getty Images)

Kooxda Real Madrid ayaa usoo gudubtay kama dambeesta Champion-ka kadib markii 2-2 ay garoonkooda kula galeen Bayern Munich luga labaad Semi Fiinaalaha waxayna Madrid kusoo baxday 4-3 isku darka goolasha labada lug.

Bayern Munich ayaa gool xili hore heshay bilawga cayaarta waxaana hogaanka u dhiibay Joshua Kimmich daqiiqadii 3-aad kubad uu caawinteeda lahaa Corentin Tolisso.

Real Madrid oo laga naxsaday daganaan ayay muujisay waxayna heshay goolka bar bar dhaca ayadoo cayaarta 1-1 uu ka dhigay Karim Benzema oo si qurux badan madaxa ugu dhaliyay kubad uu dhanka bidix kasoo karoosay Marcelo daqiiqadii 11-aad.

Kulankan labada koox qaybta hore kubad furan oo weerar iyo weerar celis ah ayay cayaareen waxayna xidigaha Bayern iska qasaariyeen fursado dahabi ah.



Robert Lewandowski ayaa helay fursad qaali ah oo uu Hummels soo abuuray balse goolhaye Navas ayaa ka bixiyay waxaana madax kusoo celiyay Muller halka James kubadii shabaqa la heli waayay daqiiqadii 34-aad.

Cristiano Ronaldo ayaa isagana kubad ka xeeladeestay daafacyada Bayern kadibna darbad goosha la helay balse goolhaye Sven Ulreich ayaa bad baadiyay daqiiqadii 39-ad.

Kulankan waxaa lagu kala nastay 1-1 qaybta hore kulan bandhig heer sare ah labada naadi sameeyeen.

Qaybta labaad cayaarta Real Madrid ayaa gool labaad heshay waxaana cayaarta 2-1 ka dhigay Benzema oo ka faa’iideestay kubad uu Tolliso goolhayaha u celiyay balse gaari waayay si degan ayuu Benzema shabaqa ugu hubsaday daqiiqadii 46-aad.

Bayern waxaa koray cadaadis xoogan oo ku aadan inay la imaadaan labo gool halka Madrid culeeska ka dagay.

James Rodriguez ayaa cayaarta 1-1 ka dhigay daqiiqadii 63-aad wuxuuna diiday inuu kooxdiisii hore ku dabaal dago.

Cayaarta waa waji kale yeelatay waxaana Real Madrid lasoo saaray culees xoogan taasi oo ku qasabtay macalin Zidane inuu labo badal sameeyo asigoo keenay Casimero iyo Bale wuxuuna badalay Benzema iyo Kovacic 72-aad.

Bayern waxay heshay fursado qaali ah balse goolhaye Navas ayaa ka bad baadiyay qaybihii dambe kulankan si gaar ah James iyo Toliso ayuu ka bad baadiyay.

Kulankan waxaa lagu daray 5-daqiiqo oo dheeri ah ayadoo Bayern fursado qaali ah iska qasaariyeen waxayna Madrid galeen daafac adag.

Cayaarta ayaa 2-2 kusoo idlaatay taasi oo xaqiijisay in Real Madrid 4-3 ugu guudbtay fiinaalaha Champion-ka isku darka labada lug.

Waxayna Madrid Fiinaalaha koobka horyaalada Yurub la cayaari doonaan kooxaha Liverpool iyo AS Roma midkii soo baxo ayadoo lugta hore Liverpool 5-2 guusha ku qaadatay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip