RASMI: Isku Aadka Horyaalka Heerka Koowaad Ee Soomaaliya Oo Lasoo Saaray & Waqtiga Uu Bilaaban Doono Oo La Shaaciyay

0
Wednesday December 23, 2015 - 12:24:42 in Sports News by
  • Visits: 1004
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RASMI: Isku Aadka Horyaalka Heerka Koowaad Ee Soomaaliya Oo Lasoo Saaray & Waqtiga Uu Bilaaban Doono Oo La Shaaciyay

    Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa ku dhawaaqay waqtiga rasmiga ah oo uu bilaaban doono horyaalka heerka koowaad ee kubada cagta xili ciyaareedka 2015-2016, waxaana lasoo saaray isku aadka wareega koowaad oo dhameestiran.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa ku dhawaaqay waqtiga rasmiga ah oo uu bilaaban doono horyaalka heerka koowaad ee kubada cagta xili ciyaareedka 2015-2016, waxaana lasoo saaray isku aadka wareega koowaad oo dhameestiran.

10-kooxood ayaa ka qeyb galaya xili ciyaareedkaan horyaalka wuxuuna si rasmi ah u furmi doonaa 28-ka December oo ku beegan maalinimada Isniinta ah ee soo aadan.

Kulanka furitaanka waxaa nasiib u yeeshay kooxda difaacaneysa horyaalka ee Heegan iyo Dekedda.

Shaafici Muxiyadiin Abuukar oo ka tirsan saraakiisha dhanka saxaafadda ee xiriirka ayaa warbixin ku sheegay in maalmaha Isniinta iyo Jimcada ay dhici doonaan kulamo si bulshada ay u helaan fursado ay ku daawadaan ciyaaraha dalka.



Koonis

Mr. Shaafici ayaa qiray in 95% bulshada ay aad u xiiseeyaan kubada cagta balse aysan heysan fursado ay ku daawadan sidaas darteedna ay siinayaan fursado ay ku daawadaan.

Kooxaha ka qeyb galaya xili ciyaareedkaan ayaa goor hore bilaabay diyaargarow adag sidoo kalana waxaa jira tiro badan oo ciyaartoy ajnabi ah kuwaas oo ay lasoo saxiixdeen kooxaha.

KULAMADA WAREEGA UGU HOREEYA:

Isniin – 28-December-2015 (Dekedda vs Heegan)

Talaado– 29-December-2015 (Benaadir SC vs Signjet Fc)

Arbaco– 30-December-2015 (Jeenyo vs Horseed)

Khamiis 31-December-2015 (Gaadiidka vs Sahafi)

Jimco- 01-January-2016 (Elman vs Mogadishu)

Dhanka kale guud ahaan horyaalka waxaa la ciyaari doonaa isbuucii shan maalin waana inta u dhaxeysa Isniin ilaa Jimco, sidoo kalana garoonka Benaadir Stadium ayey ka dhici doonaan dhamaan kulamada sida hadda lagu shaaciyay isku aadka inkastoo isbadal uu imaan karo hadii diyaar noqdo garoonka Jaamacadaha.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip