Mohamed Salah oo dhigay rikoor cusub oo la gaari waayey 70-sanadood !

0
Tuesday May 01, 2018 - 19:33:50 in Wararka by
  • Visits: 536
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mohamed Salah oo dhigay rikoor cusub oo la gaari waayey 70-sanadood !

    Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Liverpool ee Mohamed Salah ayaa maanta ku guuleystay abaal-marinta sanadka ee Football Writers' Association Footballer of the Year oo ay bixiyaan qorayaasha kubadda cagta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Liverpool ee Mohamed Salah ayaa maanta ku guuleystay abaal-marinta sanadka ee Football Writers' Association Footballer of the Year oo ay bixiyaan qorayaasha kubadda cagta.

Xiddiga xulka qaranka Masar ayaa abaal-marintan ku garaacay laacibka khadka dhexe ee Manchester City Kevin de Bruyne oo galay kaalintalabaad iyo Weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane oo booska saddexaad ka soo muuqday.

Haddaba Salah oo bishii April ku guuleystay abaal-marinta ciyaaryahanka sanadka ee Professional Footballers’ Association player of the year award ayaa maantana rigay rikoor 70-sano la gaari waayey.

Xiddiga xulka qaranka Masar Mohamed Salah ayaa noqday Afrikaankii ugu horreeyey eek u guuleysta abaal-marinta sanadka ee FWA oo ay bixiyaan qorayaasha kubadda cagta 70-sanadood oo ay abaal-marintani jirto taariikhda.



25-sano jirkaan Salah ayaa dhaliyey 31 gool 34 kulan oo uu horyaalka u ciyaaray kooxda Liverpool xilli ciyaareedkan, halka uu Reds u dhaliyey 43 gool tartammada oo dhan tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxda Roma.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip