Iska Ilow Man United – Mourinho Waxa Uu Shaqada Bernabeu Ka Bedelayaa Benitez.

0
Wednesday December 23, 2015 - 12:20:44 in Sports News by
  • Visits: 846
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iska Ilow Man United – Mourinho Waxa Uu Shaqada Bernabeu Ka Bedelayaa Benitez.

    Jariirada Isbaanishka ee AS ayaa saaka qoreysa in Jose Mourinho uu shaqada tababaraha ee Real Madrid ka bedeli doono macalinka reer Spain Rafa Benitez.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jariirada Isbaanishka ee AS ayaa saaka qoreysa in Jose Mourinho uu shaqada tababaraha ee Real Madrid ka bedeli doono macalinka reer Spain Rafa Benitez.

Tababaraha reer Portugal ayaa waxaa ceyrisay Chelsea maalintii khamiistii ka dib markii kooxda horyaalka heysata laga badiyay sagaal kulan oo ka mid ah 16kii kulan ee ugu horeysay xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League.

Shaqada tababare Benitez ayaana halis ku jirta xilli ciyaareedkan iyadoo Madrid ay labo dhibcood ka danbeyso kooxda hogaamineysa horyaalka ee Barcelona kuwaasoo kulan uu u harsan yahay.

Haddii uu madaxweyne Florenrino Peerz uu ceyriyo tababarihii hore ee Liverpool, Mourinho ayaa noqon kara ninka ka bedela kurisga keydka ee Santiago Bernabeu.

Laakiin tababarihii hore ee Chelsea Jose Mourinho ayaa waxaa sidoo kale dooneysa Man United kuwaasoo qarka u saaran inay ceyriyaan tababare Louis van Gaal.

Mourinho ayaa seddex xilli ciyaareed joogay Madrid intii u dhaxeysay 2010 iyo 2013 isagoo u qaaday La Liga iyo Copa del Rey.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip