Real Madrid oo ku dhawaaqday Ciyaartooyda wajaheysa Bayern Munich & Xiddigo muhiim ah oo maqan
Real Madrid ayaa soo saartay liiska ciyaartoydooda kulanka caawa lugta labaad ee semi-finalka Champions League ku wajahaya kooxda Bayern Munich.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Spain Isco ayaa kulankaan laga saaray kadib markii uu ku guuldarreystay inuu kasoo muuqdo tababarkii ugu dambeeyay kooxda.
Si kastaba ha ahaatee,Nacho ayaa ku soo laabtay kooxda, waxaana la filayaa inuu ka ciyaaro dhanka midig ee daafaca Real Madrid
Daafaca Carvajal ayaa laga waayay shaxda uu ku dhawaaqay Zidane, iyadoo dhaawac muruqa ah uu qabo ciyaaryahanka.
LIISKA OO DHAN
Goolhayayaasha: Keylor Navas, Casilla, Luca Zidane.
Daafacyada: Sergio Ramos, Varane, Nacho, Marcelo, Theo Hernandez.
Khadka dhaxe: Kroos, Modric, Casemiro, Asensio, Kovacic, Ceballos.
Weerarka: Ronaldo, Benzema, Bale, Lucas Vazquez, Mayoral.