Warqad Furan oo Ku socoto Madaxwynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

0
Tuesday May 01, 2018 - 10:06:55 in Wararka by
  • Visits: 788
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warqad Furan oo Ku socoto Madaxwynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

    WARQAD FURAN: Ku: Madaxwynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Farmaajo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WARQAD FURAN: Ku: Madaxwynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Farmaajo,

Mudane Madaxwayne aduunka aan maanta ku nool nahay waxaa sii xumaanaaya cimilada tasoo sababo badan ay salka ku haayso, anigoo og hoowsha baaxada wayn ee ku hor taala, hadana waxaan talo ku soo jeedinayaa sidii ay Soomaaliya ay u yeelan lahayd "Hay’ada Cimiladda iyo Cilmi baariska hawada Soomaaliyeed (Meteorological Department in Somalia) Shaqada hay’adaas waxay noqon kartaa sidii loola socon lahaa arimaha cimilada ee dhibka u geeysan karo dadka, gacansiga, beeraha, xoolaha, jidadka iyo guud ahaan hurumarka dalka. Waxaan wada ognahay in geeska Africa uu laba waqti sanad kastaa uu helo roobka kasoo ka soo abuurmo badwaynta India looguma magac daro (The Indian monsoon) bisha March ilaa Juun iyo Octoober iyo November.

Dadka cimilada aad uga faalooda waxay isku raaceen in Geeska Africa uu la kulmi doono roob yari badan tasoo sabab looga dhigay inay bad waynta India aad uga kululaatay sidii hore, ama sidoo kale uu da’o roob badan tasoo keeni kartaa farahaad iyo daad badan oo ayku naf waayaan dad iyo xoolaba, si arimahaasi oo dhan looga taxadaro waxaan ku qasbanahay in la helo hay’adda Cilimada iyo cilmi baariska Hawada tasoo aan aaminsanahay inay wax wayn ka badali karto dhibka maanta na haaysta oo kale waayo waxaan yeelaneeynaa awood aan dadka uga digno amaba aan u sii tabaabusheeysano dhibka inta uusan dhicin (To issue early warnings and advisories on weather related events)

Hay’daas shaqadeeda waxay noqon kartaa waxa afafaka qalaad lagu yiraahdo Meteorology, Aeronautical Meteorology, Ocean Meteorology, Hydro-Meteorology, Agricultural Meteorology, Climatology and Astronomy. Waxaan aaminsanahay in hay’daan dhismaheeda ay naga caawini karto dowlada Turkiga oo aqoon badan u leh dhanka hawada waayo waxay leeyihiin arimo badan oo hawada, waxay kaloo awood u leeyihiin in walaalha Turkiga iyo dowladooda naga caawiyaan karaan sidii loo soo tababari lahaa dhalin Soomaaliyeed oo howshaasi qabta.

Waxaan kaa codsanayaa mudane Madaxwayne inaad xooga saarto sidii loo dhisi lahaa hay’adaas, waayo waxaa la saadaalinayaa in sanadahaan soo socdaa uu Geeska Africa la kulmi doono dhibaato badan oo dhanka Cimilada ah.

Waxaan Ilaah uga baryayaa adiga iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed hurumar, barwaaqo iyo deganaasho siyaasadeed. Amiin.

Mahadsanid Mudane Madaxwayne.

Sheiknor Abucar Qassim.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip