Falanqeynta Suuqa Kala Iibsiga Arsenal: Maxay U Baahan Yihiin? Ayay Doonayaan? Iyo In Ka Sii Badan.

0
Wednesday December 23, 2015 - 12:10:11 in Sports News by
  • Visits: 937
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqeynta Suuqa Kala Iibsiga Arsenal: Maxay U Baahan Yihiin? Ayay Doonayaan? Iyo In Ka Sii Badan.

    Arsene Wenger ma heysto fursad ka fiican tan haatan oo uu ugu guuleysan karo Premier League laakiin waxa uu si aad ah ugu baahan yahay inuu kooxdiisa xoojiyo bisha Janaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arsene Wenger ma heysto fursad ka fiican tan haatan oo uu ugu guuleysan karo Premier League laakiin waxa uu si aad ah ugu baahan yahay inuu kooxdiisa xoojiyo bisha Janaayo.

Liiska dheer ee dhaawacyada ee ay ku jiraan Santi Cazorla, Jack Wilshere, Francis Coquelin, Tomas Rosicky iyo Danny Welbeck ayaa malaha taas waxa ay hanjabaad ku noqon kartaa rajadooda horyaalka ee xilli ciyaareedkan.

Shakina kuma jiro inay Arsenal raadin doonto inay isxoojiso bisha Janaayo si ay u sii hayaan wadada hanashada horyaalka Premier League.

Mohamed-Elneny-Arsene-Wenger-Victor-Wanyama
Halkee ayay u baahan yihiin inay xoojiyaan?

Burburiye khadka dhexe. Arsenal ayaa seegtay fursado ay ku heli kartay ciyaartoy fiican oo burburiye khadka dhexe ah sida Morgan Schniderlin iyo William Carvalho, mararka qaarna labo burburiye khadka dhexe ah ayaa wada ciyaari kara sidaasi darteed halis kuma aysan ahaan laheyn Coquelin.

Haatan waxa ay dhaawacyo ka qabaa khadka dhexe waxaana taasi u sii dheer inaan Arteta lagu tashan karin, dhaqdhaqaaq la’aantooda suuqa kala iibsiga ayaana dib ugu soo laabatay iyaga. Sida iska cad waxa ay raadin doonaa burburiye khadka dhexe ah.

Spain-vs-Costa-Rica

Gooldhaliye ayaa sidoo kale ku jiray liiskooda xagaagii. Waxa ay doonayeen Karim Benzema waxaana ay sidoo kale xilli danbe u dhaqaaqeen xiddiga Dynamo Moscow Aleksandr Kokorin. Korkorin waxaa lagu heli karaa qiimo jaban laakiin haddii ay doonayaan xiddig magac weyn waa inay sugaan ilaa iyo xagaaga. Waxa ay sidoo kale fiiriyeen weeraryahanka Celta Vigo Nolito kaasoo ay isha ku hayeen tan iyo xagaagii.

Arsenal ayaa sidoo kale xiiseyneysa Mohamed Elneny oo u ciyaara Basel. Waxaana ay bisha Janaayo ku heli karaan lacag jaban, boos ayuu biixin karaa, shaqadiisana waa uu qabsan karaa.

Ciyaaryahan kale oo ay doonayaan waa xiddiga Paris Saint-Germain Adrien Rabiot kaasoo diyaar noqon kara xitaa amaah lagu heli karo.

Paris-St-Germain-v-Barcelona

Immisaa lacag ah ayuu heystaa Wenger inuu qarashgareeyo?

Wenger waxa uu qarashgareyn karaa lacag badan; waxa uu si raaxo leh u qarashgareyn karaa 40 milyan ginni. Laakiin waxaa laga filan karaa inuu bisha Janaayo qarashgareeyo 5 milyan ginni ilaa iyo 10 milyan ginni, waxaana lacagta soo harta uu u adeegsan karaa xagaaga Victor Wanyama oo lagu qiimeeyo 20 milyan ginni haddii aysan helin haatan shakiga jira ayaa ah inaysan Southampton iibin doonin.

Southampton-vs-Swansea

Bartilmaameedyada Riyada Ah

Victor Wanyama ayaa ah diirada koowaad ee Wenger. Taageerayaasha ayaase doonaya cid ka duwan sida Javi Martinez. Wenger ayaa weli ka walaacsan inaan gooldhaliyayaal heer sarre ah lagu haleynin qiimo sax ah ama da’ fiican. Ma jiro xiddig weyn oo gooldhaliye ah oo suuqa saaran.

Yaa La Iibin Doonaa?

Bisha Janaayo cidna. Ma jirto fursad uu Wenger ciyaartoy isaga iibinayo. Ma jiraan tirooyin ku filan oo uu heysto waqti xaadirkaan, iskaba daa kuwa uu iska fasaxo. Waxaase macquul ah in Areteta, Flamini iyo xitaa Rosicky inay bixi doonaan xagaaga marka qandaraaskooda uu dhamaado.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip