Del Bosque Iyo Xiriirka K/Cagta Spain Oo U Duulaya Barcelona Si Ay U Xakameeyaan Weerarka Afka Ah Ee Gerard Pique Uu Wado.

0
Wednesday December 23, 2015 - 12:07:51 in Sports News by
  • Visits: 840
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Del Bosque Iyo Xiriirka K/Cagta Spain Oo U Duulaya Barcelona Si Ay U Xakameeyaan Weerarka Afka Ah Ee Gerard Pique Uu Wado.

    Tababre Vicente del Bosque iyo xiriirka kubada Spain looma ogola inay saxaafada kaga hadlaan arintii ugu danbeysay ee Pique iyo Arbeloa laakiin waxa ay doonayaan inay si qarsoodi ah kala hadlaan Gerard Pique habdhaqankiisii ugu danbeysay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababre Vicente del Bosque iyo xiriirka kubada Spain looma ogola inay saxaafada kaga hadlaan arintii ugu danbeysay ee Pique iyo Arbeloa laakiin waxa ay doonayaan inay si qarsoodi ah kala hadlaan Gerard Pique habdhaqankiisii ugu danbeysay.

Waa wax looga bartay shaqaalaha tababarka xulka Spain inay u safraan magaalooyinka kala duwan ee ay ku sugan yihiin xiddiga La Roja islamarkaana ay la kulmaan ciyaartoyda ka hor inta uusan xulka isku imaanin. Duufaantii ugu danbeysay ee Pique ayaana ah walaac weyn oo ay qabaan, waana sababta ay u qorsheynayaan inay u duulaan Barcelona si ay wax walba u kala cadeeyaan.

Del Bosque shaqsi ahaan safaradaan kama qeyb qaato waxaana inta badan howshaas qabta caawiyihiisa Toni Grande, macalinka leylinta Javier Minano iyo wakiilka xiriirka kubada cagta Spain Jose Claramunt kuwaasoo shaqo sidaan la mid ah u aaday London horaantii xilli ciyaareedkan laakiin Del Bosque ayaa markaan u safraya dhanka Pique.

Wax walba uu xaalka yahay, fekerkooda ka danbeeya safarkooda caasimada Catalan isbuucyada soo socda ayaa ah inay la hadlaan Pique islamarkaaana ay dhageystaan fekerkiisa iyo sida ay wax u dhaceen ee uu isaga aaminsan yahay. Tababaraha xulka Spain ayaa doonaya inuu sheekadan soo xiro sida ugu dhakhsiyaha badan si aysan u dhibaateynin xulkiisa ka hor koobka qaramada Yurub ee 2016.

Álvaro Arbeloa oo ah ninka ay Pique isku dhaceen ayaan isaga booqasho la mid ah heli doonin sababtoo ah xaaladiisa waa ay ka duwan tahay. Sida daafaca dhexe ee Barca, Alvaro Arbeloa muhim kama ahan xulka Spain kumana jirin xulkii Koobka Adduunka ka qeybgalay ee 2014.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip