Maxaad Ka Taqanaa Xiddigii Ay Garoonka Tababarka Isku Dagaaleen Cesc Fabregas Markii Uu Kubad Ka Dhex Saaray Lugihiisa (Tuundheer)?

0
Wednesday December 23, 2015 - 12:04:06 in Sports News by
  • Visits: 931
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Ka Taqanaa Xiddigii Ay Garoonka Tababarka Isku Dagaaleen Cesc Fabregas Markii Uu Kubad Ka Dhex Saaray Lugihiisa (Tuundheer)?

    Da' yarka kooxda Chelsea Charly Musondo ayaa taalabo muhim ah u qaaday koowaad kaliya maalmo ka dib markii ay garoonka tababarka isku dagaaleen Cesc Fabregas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Da' yarka kooxda Chelsea Charly Musondo ayaa taalabo muhim ah u qaaday koowaad kaliya maalmo ka dib markii ay garoonka tababarka isku dagaaleen Cesc Fabregas.

Musonda oo ay daawanayeen kooxo badan oo amaah ku doonaya bisha Janaayo ayaa wacdarro dhigay kulankii ay kooxda juunyeerka Chelsea ka badisay kooxda Middlesbrough habeenkii isniinta.

Qaab ciyaareedkiisa ayaa ka caawin doona inuu soo galo qorshaha tababare Guus Hiddink ee haatan ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedka.

Qaab ciyaareedka Musonda ayaa soo gabagabeynaya isbuuc musiibo u ahaa da’ yarkaan kaasoo ay isku dhaceen Fabregas isbuucii hore.

2F92239A00000578-3370550-image-a-64_1450803530462

Xiddiga reer Spain ayaa si carro leh u jawaab celiyay ka dib markii Musonda uu kubad ka dulqaaday islamarkaana uu kubada ka dhex saaray lugihiisa (tuundheer)

Fabregas ayaa markaas ka dib waxa uu taakal aad u xun ku qabtay 19 jirkaan taasoo keentay inay faraqa isku dhegaan.

Dhacdadaan ayaa dhacday maalmihii ugu danbeysay ee Jose Mourinho ka hor intii aan la ceyrinin khamiistii hore.

WAA KUMACHARLY MUSONDA?

Dhalashadiisa:15 October, 1996

Goobta uu ku dhashay:Brussels, Belgium

Booska uu ka ciyaaro:Kubadsameeye khadka dhexe ah

Kooxdiisa hore:Anderlecht

Kulamadiisa heerka caalami:Wuxuu u saftay xulalka da’dooda ka hooseysa 17, 18, 19 iyo 21 ee Belgium.

Ma Ogtahay?Musonda waa wiilka xiddigii hore ee khadka dhexe ee Anderlecht iyo Zambia Charly Musonda Snr.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip