Lacag Ma Rabo. Q 7-aad. Yaa Dilay Siid Cali Maxamed oo ahaa Shufeerkii Ilaria Alpi?

0
Sunday April 29, 2018 - 09:59:30 in Wararka by
  • Visits: 1007
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lacag Ma Rabo. Q 7-aad. Yaa Dilay Siid Cali Maxamed oo ahaa Shufeerkii Ilaria Alpi?

    Yaa Dilay Siid Cali Maxamed oo ahaa Shufeerkii Ilaria Alpi? Sid Cali waxaan bartay markii iigu horeysay isaga oo ahaa Darawalkii Michel Micombero, Madaxweynihii hore ee dalka Burundi.( Fiiri Sawirka 1aad).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Yaa Dilay Siid Cali Maxamed oo ahaa Shufeerkii Ilaria Alpi? Sid Cali waxaan bartay markii iigu horeysay isaga oo ahaa Darawalkii Michel Micombero, Madaxweynihii hore ee dalka Burundi.( Fiiri Sawirka 1aad).

Hordhac.

Sideen ku bartay Siid Cali ?.

Michel Micombero (1940–1983) oo ahaa madaxweynihii Burundi oo markii la soo Afgambiyay 1 Nov 1976 dii yimid Somaliya lagana siiyay magangalyo Siyaasadeed, Isaga oo ah Dhamme Ciidankaa, waxa uu madaxweyne ahaa 10 sanno, waxa uu xukunka ku qabsaday Af-gambi 28. Nov. 1966, intii uu dibadda ku maqna Boqorkii dalka oo Burundi oo ahaa 19 sanno jir oo la dhihi jiray King Ntare V, Kadibna Magangalyo ayuu u balan qaaday boqorka 1972 ayuuna soo noqday ,kadibna abuuritaan xasilooni daro siyaasadeed ayuu ku eedeyay boqorkii waana dilay, waxaana bilaawday dagaal sukeye oo lagu dilay in ka badan 100.000 Qof oo Hutu ahaa oo ay dileen Tutsiga oo xukunka hayay gaar ahaan Ciidamada Militriga iyo Boliska, ahaana qowmiyada uguna tira badnaa dalka Burundi.

Waxa uu codsaday wadanka aduunyada ugu nabadgalyada badan in la geeyo, kaa oo ahaa Somaliya oo qofka soo galayo iyo kan ka baxayo la ogaan karay,isaga oo ka baqayay in la soo daba galo si loo dilo. Markii uu soomaliya yimid, waxaa la siiyay Baabuur u gaar ah, waxana la dajiyay Hotel Talex. Waxa uu arday ka noqday Jaamacada Ummadda kuliyadda dhaqaalaha oo uu ka qalin jabiyay, waxaa aan kala aheeyn Laba fasal oo isku xigtay 6 bil ayaan kala horeynay, laakin madooyinka qaarna waan wada qaadan jirnay, Habeenada qaar ayuu noogu imaan jiray qaybta jiifka ee Gahayr si aan wax u wada Aqrisano waqtiyada imtixaanka gaar ahaan qolkii aan wada deganeyn Aniga iyo Maxamud Diridhabo. Waxa uu ii shegay in uu heeysto 35 Million Dollar oo Bank u tiil iyo in uu kuliyada beeraha Somalia uu bilaabi doono haddii uu ka qalin jabiyo dhaqaalaha kadib, laakin markuu qalin jabiyay wax yar kadib ayuu dhintay. isaga oo 43 jir ahaa habeen sabti ah markii wadnuhu istaagay, isaga oo ku jiray isbitaalka Xooga dalka Somaliyeed 11 cisho . kacaankii ayaa ku dhawaaqay 3 maalin oo Baroor diiq ah.

Sid Cali oo ahaa shufeerkiisii gaar ahaa, halkaa ayaan ku bartay. Waxaa iigu xigtay Sid Cali markii Talyaaniga loo geeyay in uu Xaashi ku marqaati furo.

Siid Cali Maxamed Cabdi ( Fiiri Sawirka 2aad).

Siid Cali AUN waxa uu ku dhashay Xamar.waxa uu ahaa Darawalkii Ilaria Alpi gabadhii lagu dilay Mogadishu, maalintii la dilayayna Gaariga ku waday.

Siid Cali Talyaaniga ayaa la geeyay Laba mar Dilka kadib, Makii hore waxaa geeyay ciidanka DIGOS-ka Talyaaniga, waxa la weydiiyay in uu qof ka aqoonsan karo dadkii wax dilay, waxa uu cadeeyay in uuna qofna ka aqoonsan Karin. Markii Labaad ee la geeyay waxa uu dayaarada Mog- Nairobi- Rome la raacay Md. Xaashi, waxa uuna yiri: in kasta oo Ragga wax dilay ay iga fogaayeen in ka badan 100 talaabo, rasaasuna igu socotay, hadda ayaan dayaaradda dhaxdeeda ku xasuustay ragii wax dilay in uu Xaashi ku jiray, laakin Xaashi Baabuurka kama soo dagin ( ogoow ,marna xaashi laguma eedeeyn intii dacwadu socotay in uu isagu wax dilay ,waxaa lagu eedeeyay in uu kooxda ka mid ahaa ).

Siid Cali Maalintii aan tagnay Rome kadib dib uma arag, kaligii ayaa la dajiyay meel gaar ah, Dhoowrkii sanno ee uu kaligii Talyaaniga joogay, waxaa la Biilayay Xaaskiisa Marwo Maano AUN oo Xamar deganeyd, aheydna Umuliso ,waxaana Guri looga Geday Xaafadda Buula Xuubey qiimihiisuna ahaa 50.000$ waqtigaa, waa sida aan maqlay, si uu Xaashi u eedeeyo, Guriga iyo Maanaba waxaa loo sameyay illaalo gaar ah. Siid Cali waxa uu dhalay hal Gabar oo kaliya oo ku nooleed dalka Yaman.

Dhowr sanno kadib Siid Cali waxaa laga soo celiyay Talyaaniga, isaga oo daroogeysan lana soo duray lana ogaaday in uuna sii noolaaneyn, waxa la keenay Nairobi ,kadibna toos ayaa dayaarad gaar ahi ugu soo qaaday Garoonka Cisaley ee Xamar, waxaa la socday Laba nin oo ahaa Police –ka Talyaaniga isla dayaaradii ayeyna ku noqdeen Police-kii.

Markii Rome la iiga soo sheegay in uu imaanayo ayaan Airporka Cisaley u diray laba wariye oo ka socday wargeeyska Mogadishu Times, Nassib daro maba hadli Karin Siid Cali, Taxi sugayay ayaana u soo qaady Gurigiisa.

Markii uu gurigiisa tagay xaaskiisii Marwo: Maano ayuu ku yiri: Xasuus malihi ,wixii aad ii dirsatay waxaan ka xasuustaa qalabkan umulisada , musqushana biya ii geeya, hadal intaa ayaa ugu dambeeysay, waxa uu ku dhax dhacay musqushii isaaga oo carabka ruugayo Afkana dhiig ka socdo ayaa laga soo qaaday, guud ahaana Codkii ayaa ku xirmay dhaqdhaqaaqiina waa gabay,( waxaan u maleeyay in lagu soo duray cirbado si uuna Xamar ugu hadlin , uguna dhinto) intaasi waxa ay dhacday isla maalintii Xamar lagu soo celiyay 13/Sept/2002. Waxa uu noolaa Lix cisho kadibna waa geeriyooday, waxaana lagu Aasay Qabuuraha Somali Airline oo isla xaafada ah.

Maalin Khamiis ah ayuu dhintay anniga oo aan maqal geeridiisa ayaan Jimcihii u diray Xaashi Hooyadii, Maamo: Madiino, si ay u weeydiiso Dokumenti la sheegay in uu wato. Markii ay tagtay Gurigii Siid Cali, ayaa Maano ku tiri: Siid Cali shalay ayuu dhintay, waxaa uu ka barrarnaa kilida oo laga duri jiray sida Buro ayeyna u soo taagneed, waxa uu watay Laba buurso oo daawa ah, in aad loo soo rafaadiyay ayaana ka muuqatay.

Waxa ay tiri Maano: iska tag halkan waxaa jooga Mooryaan iga ilaalineysa reer Xaashi iyo Kooxda Yaxye ninka la yiraa in aan xiriir la yeesho, waana ku dilayaan Eedo Madiinooy haddii ay halkaan kugu arkaan. Intii ay hadalka u waday ayaa iridii la soo garaacay, waxa ay tiri : Maano waa iyagii oo maqlay in aad ila joogto. Eedo madiino Dariishada Guriga ayeey ka soo bixisay, kadibna iyada oo ordeeysa oo neeftuuree ayeey iigu timid Xaafadda Cabdulcasiis oo aan markaa deganaa, (weli waa nooshahay Eeda Madiino, Xaashi Hooyadii ee qofkii iga beensanayo ha weydiiyo).

SHAKIGA JIRA.

Ilaria Alpi waxaa lagu dilay inta u dhaxeysa Hotel Juba iyo Safaarada Talyaaniga oo ciidamada Talyaanigu ay joogeen weyna maqlayen rasaasta, umana gurman.

Waqtigaa magaalada Mogadishu waxaa jiray Khad Cagaaran, oo ay joogaan mooryaan hubeysan. ilaalada Ajaanibta iyaga ayaa noqon jiray,laakin beelaha aan dagaalka Galin ee aan hubeeysneeyn ma noqon jirin ,waxaana Ajaanibta raaci jiray Ilaalo fara badan. Laakin Ilaria Alpi oo ka gudbeysay khadka cagaaran si ay u tagto Hotel Saxafi, waxaa la socday Shufeerkeedii Siid Cali oo ahaa Beel weynta Jareer iyo hal nin kaliya oo ilaalinayay Md. Maxamed Nur Cadow oo ahaa Beesha shiikhaal ( Magaca Qabiilada waxaan u soo qaatay cadeynta shakiga igalay la xariirta iyo in Gabadha iyo Labada la socotayba la shirqoolayay). Waxa ayna wateen hal Baabuur oo kaliya ( fiiri Sawirka 3aad oo ah Baabuurkii dhabta ahaa ee lagu dilay) Wiilka ilaalada ahaa waxa uu watay qoray AK 47 ah & 7 xabadood oo kaliya, markii uu riday 7dii xabadoodna waxa uu ku cararay dhisma burbursan oo ahaa xaruntii hore ee dhaqanka Faransiiska.

Shakiga kale, baabuurkii Gabadha lama qaadan, qalabkii iyo kaamarooyinkii ay wadatayna lama qaadan, Labadii Somaalida shufeerkii iyo wiilkii ilaalada ahaa waxba ma gaarin ,waxaa kaliya oo la dilay Labadii Ajnabiga aheyd.

FG: Aragtidaada Xor ayaad u tahay, wixii iga khaldan iga sax, intaa ayaa ugu muhimsan waxa aan ka xasuusto Marxuum: Siid Cali AUN, in kasta oo loo waday in markhaati been ah uu ku furo dhibane Xaashi, kuna Furay, haddana Siid Cali waxa uu ahaa nin soomaliya oo Talyaanigu siray. Xaqiisii iyo cadeeynta khaladka laga galay daba galkeeda Adiga ayaan kuu daafay. Dantaadu yeyna noqon Lacag, aniguba Lacag ku hel uma anaan howl galine.

Qore: Yahya Amir





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip