Mustaqbal Van Gaal, Chelsea Oo La Soo Wareegeysa Xiddig Reer Brazil Ah, Liverpool Oo Daafac Afrikaan Ah Soo Wadata Iyo Wararkii Kale Ee Ay Qoreen Wargeysyada Maanta.

0
Wednesday December 23, 2015 - 12:01:07 in Sports News by
  • Visits: 770
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mustaqbal Van Gaal, Chelsea Oo La Soo Wareegeysa Xiddig Reer Brazil Ah, Liverpool Oo Daafac Afrikaan Ah Soo Wadata Iyo Wararkii Kale Ee Ay Qoreen Wargeysyada Maanta.

    Suuqa kala iibsiga ayaa si rasmi ah u furamaya bisha Janaayo, waxaana wargeysyada ay durbaba ka sii hadlayaan xiddigaha diirada u saaran kooxaha reer Yurub. Waxaana maanta idiin soo uruurinay wararkii ay qoreen wargeysyada Ingariiska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suuqa kala iibsiga ayaa si rasmi ah u furamaya bisha Janaayo, waxaana wargeysyada ay durbaba ka sii hadlayaan xiddigaha diirada u saaran kooxaha reer Yurub. Waxaana maanta idiin soo uruurinay wararkii ay qoreen wargeysyada Ingariiska

Wakiilka Jose Mourinho ayaa beeniyay inuu tababarihii hore ee Chelsea ogolaaday heshiis uu ku bedelay macalinka Man United Louis van Gaal. (Globoesporte)

Van Gaal ayaa ku dhawaanaya in la ceyriyo iyadoo gudoomiye ku xigeenka Ed Woodward uu shalayto kulan ku yeeshay xarunta kooxda ee magaalada London. (The Sun)

Man United ayaa ka fiirsanaysa inay tababaraha PSG Laurent Blanc uu noqdo bedelkooda Van Gaal, haddii ay ku guuldareystaan inay helaan tababaraha Bayern Munich. (Buzzsport)

Wargeysyada
Weeraryahanka kooxda Leicester City Jamie Vardy ayaa waxa uu soo jiitay xiisaha kooxda Manchester City, laakiin waxaa ka xoogan xiisaha ay u heyso kooxda Chelsea. (Telegraph)

Chelsea ayaa dooneysa inay tababarihii hore ee Man City haatana ah tababaraha Inter Milan Roberto Mancini ka dhigto macalinkeeda xiga ee xilli ciyaareedka danbe. (Daily Star)

Dhanka kale kooxda Blues ayaa ogalaatay heshiis ay kula wareegeyso xiddiga 30ka milyan ginni lagu qiimeeyo ee khadka dhexe ee reer Brazil ee kooxda Shakhtar Donestk 25 sanno jirka Alex Teixeira. (Daily Star)

Everton ayaa waxaa la filayaa inay la wareegaa shirkad Mareykan ah lixda isbuuc ee soo socota. (The Times)

Arsenal ayaa rajeyneysa inay 27 jirka reer Jarmal Mesut Ozil ka saxiixdo qandaraas cusub iyagoo siin doona mushahar ka badan kan haatan uu qaato ee 140 kun ginni isbuucii. (Daily Mail)

Laakiin xiddiga khadka dhexe Mathieu Flamini ayaa ku dhow inuu ka tago Gunners marka qandaraaskiisa uu dhaco xagaaga inkastoo aan marnaba laga badinin kulan horyaalka ah oo gurigooda lagu ciyaarayo. (Mirror)

Daaficii hore ee England, Chelsea iyo Arsenal Ashley Cole ayaa ku dhow inuu ku biiro LA Galaxy. 35 jirkaan ayaa xor ah ka dib markii ay fasaxday kooxda Roma. (The Sun)

Daafaca reer Cameroon Joel Matip oo 24 sanno jir ah ayaa ku dhawaanaya inuu u dhaqaaqo kooxda Liverpool ka dib markii uu diiday dalab qandaraas uu ka helay kooxda Schalke. (Bild)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip